Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Ka Hadlay Siyaasada Arimaha Dibada Ee Xukuumada Siilaanyo

 


 


Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo Siyaasada cusub Ee Wasiirka Arimaha Dibada ku tilmaamay mid d eg deg ku jiro indhahana ka lalinanaysa Sooyaalkii Taariikheed ee Somaliland


Hargeysa (TNN) -Waraysi Xiiso badan oo uu bixiyey Xildhibaanka Ruugcadaadiga ah ee  Cabdiqaad ir Xaaji Ismaacil Jirde ayuu kaga hadlay arimo badan oo khusaysa Xaalada Dalku Marayo, Wuxuu na si qoto dheer uuga hadalay Siyaasada Amuuraha Dibada ee Somaliland. Xildhibaanku wuxuu  is barbardhig ku Sameeyey Siyaasadan Cusub ee wasiirka arimaha dibada iyo siday soo ahaanjirtay 19 sano ee uugu danbeeyey. Hadaba Halkii Xildhibaanka oo dhamays tiran waakan.

Waxaan ka warqabaa alla h u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal inuu culays qabay oo ay maru yimaadeen masuuliyiin Eratariya ahi oo ay ku yidhaahdeen haddii aad doonaysaan inaad  soo maaliya dib u kala dhaqaaqdaan dalka wada qabso, alla ha unaxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal wuxu ku jawaabay ma waxaad igula talinaysaan inay dagaaladaa xamar ka socda halkan u soo wareegaan, waxa kale oo jirtay inuu qadaafi u yeedhay oo uu ku yidhi dalka oo dhan wada  qa bso isaga oo hoostana ka casuumay C/laahi Yuusuf iyo ina caydiid oo yidhi iyana madaxweyne ku xigeeno ha ku noqdaan, ina cigaal alla ha u naxariistee wuu ka diiday.

Waxa jirtay markii shirkii carta la qabanqaabinayey in wafti talyaani ah loo soo diray Maxamed  Xa aji Ibraahim Cigaal la leeyahay kaalay, wuxuuna madaxweynuhu marti qaaday shir-guddoonkii  ba arlamaanka oo ahaa aniga iyo qaybe iyo Madaxweynaha hadda jooga oo oday qaran ahaa dood baa shirkaasi ka dhalatay oo ahayd meeqaamka aynu ku tagaynaa waa maxay, ma shir  soomaal iya ayaynu ka qayb galnaa, ingiriiska iyo talyaanigana waxa ka soo baxay haddii aad tagi waydaan wax aad ka qoomamaysaan ayaa ka oo bixi doona, all ha u naxariistee marxuum cigaalna wuxu ku yidhi maxaad noogu hanjabaysaan dawlad baad tihiinee, siyaad bare ba hub buu talyaanu soo  sii yee halkeebuu ku danbeeyay, markii danbe shirkii waxa lagu soo gabogabeeyay tallo uu soo  jeedi yay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ahaa oday qaran oo uu yidhi marka aad soo  cadde ysaan meeqaamka aanu ku tageyno shirkaa oo uu soo ogolaado ismaaciil cumar geelle inaanaanu wax shaqo ah aanaanu ku lahayn ee ay tahay dawlad soomaaliya loo dhisayo.

Markaa shirarkan soomaalida ee had iyo jeer laynoogu yeedhayo waxa daba taala, imika oo kale shirkani wuxu ahaa gogol xaadh, ajandayaashiisii halkanbaynu ku haynaa warqadii Wasiirka loo soo dirayna halkan baynu ku haynaa qaybta uu wasiirku ku lahaana waxa weeye, waxaana laga hadlaya dibu dhiska tallada la waydiiyey intaas ayay ahayd ee Wasiirku tafsiirkii uu ka bixiyay ee khaldanaa ayaa dhaliyey murankan,waxay ahayd inuu Wasiirku ku eegaado khibradii somaliland ayaanu halkaa ka jeedinaynaa, horana way u dhacday in laga sheego meelahaas. Khudbada uu wasiirku ka akhriyey madasha waa intaynu ilaa 1991-kii adduunka u sheegi jirnay waana fariintii cigaal gudbinaayey, Xasan ciise gudbinaayey ee wufuufeena meel kasta tagtaa gudbinaysay wax uu wasiirku ku soo kordhiyeyna ma jirto.

Waxa laynoo arkaa inaga qaybaha badbaadin kara dawlada ku meel gaadhka ah ee Somaliya, ta daba socotaa waxa weeye in dawlada ingiriisku tidhaahdo kuliyadihiina ha ku taba bartaan  ciida mada ku meel gaadhka ah ee somaliya si loo badbaadiyo, horana way inoo soo martey, dawladan ku meel gaadhka ah ee laynoo maldahayo inaga oo aan waxba dhaafsan ayaa la leeyahay  badbaa diya, dee malaha waxaan filayaa inay leeyihiin nin somaliland u dhashay ayaanu madaxweyne ka dhigaynaa oo kaliya, qaadiyadeena meel kasta waynu ka soo bandhigi karnaa laakiin maaha in  lay noogu sii gogol xaadho badbaadiya dawlada somaliya ee taagta daran.

Waxa weeyaan baarlamanku karaamo ayuu leeyahay sharci ayuu soo saarey oo labada gole ah, waxaanan xusuustaa warbixintii Doland Payn inaanay Somaliland hal barigaraaf ku lahayn, golihii wakiilada ayaa fadhiistay iyada oo aanay xukumaddu raali ka ahayn inaanu ninkaasi tallaabo ka qaadno.

Xukumaddana waxaanu ka codsanay in ninkaas laga dhigo nimaan somaliland soo gali karin.

Imika waxay ahayd markuu wasiirku halkaa tagayey go’aan gole ayaa yaalla go’aankaa golaha  a ma xukumaddan cusub ha la xumaado ama ha la hagaagsanaado inay ixtiraamto ayay ahayd, had day ka maarmi waayaan waxay ahayd inay baarlamaanka dib ugu soo noqdaan oo ay tidhaahdo waanu ka maarmi waynee dee xal keena, wada shaqeynta xukumadda iyo baarlamaankana  dhaa wicii ugu horeeyay ayaa gaadhay.

Wasiirka arrimaha debada Somaliland ee imika jooga waxaad moodaa inay siyaasadiisu tahay  siya asadda arrimaha dibada way indho la’ayd oo anaa indhaha u jeexay, anigu waxaan u arkaa gaf iyo taariikh cusub oo la samaysanayo oo wixii ku qotomay tariikh daas oo dhan la baal marayo oo  buu g cusub oo aan hore u jirin la samaynayo.

Putlanad dad taageersan afkaarta ay wadaan ayaa halkan jooga,qaybsanaantaa koonfurta taalla ayuun baa halkan imanaysa haddii aynu faraha la galno siyaasadda somaliya.

Wax alaale wixii mandaqada khuseeyana waajib ayaa kaa saaran xaqna waad u leedahay  maaha na meel ay somaliya joogto ha iman ama ha tagin, anaga iyo jejniya waanu soo fadhiisan maahana meel shir somaliyeed oo dibu dhis lagu qabanayo, isku soo duuboo shirkani wuxuu aha shir sidii loo badbaadin laha dawlada taagta daran ee Somaliya.”



Xigasho:Togaherer