Xildhibaan Aareeye Oo Rayaale Kula Taliyey Inaan Lagu Taa geeri D oonin Durbaano Been Ah Tooshkana Ku Ifiyey Raashin Xukuumadu U Dirtay Saylac Oo La Sheegay In La Musuq Maasuqay

 

 


“Madaxwaynaha Wax Loogu Kala Dheereeyaaba Ma Taalo Runta Haw Badheedho, UDUB-Na Waxa Iska Lahaa Marxuum Cigaal, Badhasaab Iyo Wasiir Kay U Dhiibtay Raashinkaasi Waa Inay Iyadu Waydiiso”

“Madaxwaynuhu Runta Haw Badheedho Oo Ha Iska Daayo Inuu Mucaaridka Ku Dherersado” Md. Cali Sh. Ibraahin Aareeye

Hargeysa, March 24, 2010 (TNN) – Xildhibaan Cali Sh. Ibraahin Aareeye oo ka mid ah xildhibaanada xisbiga UDUB ee laga soo doortay deegaanka Saylac ee gobolka Salal isla markaana ah xildhibaanka kaliya ee  gob olka Salal ugu jira wakiilada ayaa madaxwayne Rayaale kula taliyey inaanay shacbigu ku taageeri doonin durbaano been ah oo loo tumo kuna booriyey hadii uu shacabka Somaliland ka doonayo inuu cod ka helo tar tanka doorashada madaxtooyada loo baahan yahay in ummada taageeradeeda uu kasbado xisbiga UDUB-na geedi socodkiisa maamul uu hagaajiyo.

Xildhibaan Cali Aareeye waxa kale oo uu sheegay in raashin taakulo ah oo ay xukuumadu u dirtay dadkii  ro obabka ka da’ay gobolka Salal ay barakaca gaadhsiiyeen aan la haynin meel deeqdaa raashinku ay jaan iyo cidhib dhigtay dadkii loogu talo galayna ay cabashooyin ka soo gudbiyeen mucaawinadaasi aan soo  gaad hin.

Xildhibaan Aareeye waxa kale oo uu xisbigooda UDUB si wayn ugu dhaliilay in ummada ay kula dhex  wareeg ayaan durbaano beena, shaacana ka qaaday inaanu ku taageeri doonin wixii khalad ah. Md Aareeye oo  sha lay wargeyska Haatuf xogwaran khaasa kula yeeshay xarunta wakiilada ayaa isaga oo arimahaa la  xidhiid ha raashin ka ay xukuumadu u dirtay deegaankaasi ee uu tilmaamay inaan la gaadhsiin dadwaynihii loogu tala galay, ayaa isagoo ka hadlayana waxa uu yidhi “waxaan maqalnay in raashinkii xukuumada ka soo  bax ay, balse aanu gaadhin dadkii loogu talo galay in lagu caawiyo ee dhibaatooyinka roobabku ugu gaysteen deegaankaasi Salal ka soo gaadhay roobabkii xooganaa ee ka da’ay, dadkuna cabasho ayey noo soo  gudbi yeen inaanu gaadhin raashinkaasi sidaa darteed waa in xukuumadu waydiiso cidii ay raashinkaasi u  xilsaar tay masuuliyadiisaa halkay geysay, dawladu waa inay baadhis iyo daba gal ku samayso cadka ka yimid  dad kana aan gaadhin”

S: Waxa la sheegayaa in wasiirka dalxiiska C/risaaq Waabari Rooble iyo badhasaabka gobolka Salal oo ka soo jeeda beesha Saylac loo dhiibay raashinkaa taakulada ah, arimahaasi maxaa ka jira?


J: Badhasaab iyo wasiir midkay xukuumadu u dhiibtay iyadu ha waydiiso ilayn kolay waa dawladoo cid uun bay u xil saartaye, waa inay daba gal iyo baadhis ku samayso halka deeqdaa raashinka ahi ay martay.

S: Adiga yaa kugu soo wargaliyey inaan raashinkaasi dadkii loogu talo galay aanu gaadhin?


J: Dadwaynaha ayaa ii soo xaqiijiyey inaan raashinkaasi la gaadhsiin kolaybana xildhibaankay soo doorteen baan ahay oo xil baa iga saaran inaan xaaladooda la socdo.

S: Ma la odhan karaa masuuliyiinta xukuumada ee isku beesha ka soo jeedaan oo madaxwaynaha u kala dheeraynaysa ayaa arinta la leeyahay raashin baa lagu tagri falay, taa maxaad ka odhan lahayd?


J: Madaxwaynaha wax loogu kala dheereeyaaba ma taalaa, shaqo ayuun baa taalee.

S: Maxaa keenay adigoo ah mudane laga soo doortay UDUB inaad xukuumada ku dhaliisho arintaasi, ma waxbaa iska badalay mawqifkaaga aad ku daafaci jirtay siyaasada xukuumada?

J: Walaahi UDUB baan ahay oo wixii sax ah ayuun baan ku taageerayaa ee wixii khaldan ku taageeri maayo, UDUB-na dhaliilo badan ayaa iiga muuqda iyo durbaano la tumo oo aan macno badan ku fadhiyin, UDUB-na waxa looga baahan yahay in ummada ay ka masuulka tahay ay ka warhayso, magaca xisbiga UDUB-na waxa iska lahaa marxuum Madaxwayne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal (AHN) afarta xaraf ee UDUB-na may jirin cid kula wadaagtay, UDUB ha hagaajisato siday ummada u kasban lahayd laakiinse durbaan been ah ku taageeri mayno.

S: Wax ma nooga sheegi kartaa dhaliilaha aad ku tilmaamayso UDUB?


J: Dhaliilaha iiga muuqda waxa ka mid ah halkanaa wafti laga dirayaa la yidhi xaalada deegaankaasi ayey qiimayn ku soo samaynayaan, iyagoon waxba ka dhagaysan tabashadii dadku qabay ayuun bay Saylac ciyaar Saylici iyo durbaano ka tuntaan.

S: Ma waxaad leedahay UDUB dadwaynaha durbaano been ah ayey u tumaysaa ee barmaamijyo horumarineed uma hayaan?


J: Waxaan leeyahay UDUB durbaanka aan xaqiiqda ku dhignayn dadwaynaha ha ka dayso haday doonayso in ummada ay cod ka hesho dadka ha kasbato oo xaqiiqda haw sheegto, UDUB-na waan ahay laakiin khalad marna ku difaaci maayo.

S: Ma waxaad leedahay madaxwayne Rayaale markii uu gudoomiye ka noqday xisiga ayey UDUB kalsoonideedii hoos u dhacday, maxaadse uga jeedaa cigaal baa lahaa?


J: Cigaal isagaaba Rayaale badalay oo UDUB-na kaga tagaye ee waa inuu isagu hagaajiyaa UDUB, madaxwaynuhuna runta haw badheedho oo ha iska daayo inuu mucaaridka ku dhararsado, waa inuu ku dhaqmaa runta iyo xaqiiqda.
 


Source:Haatuf