Xildhibaaanno ka Tirsan Golaha Degaanka Hargeysa oo Eedo Kulul u Jeediyay Dr. Gabboose
 

 



Hargeysa (TNN)- Afar xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Degaanka Caasimadda, ayaa shir-jaraa’id oo ay wadajir ugu qabteen shalay xarunta dawladda hoose ee Hargeysa, waxay jawaabo adag kaga bixiyeen eedaymo uu maamulka dawladda hoose ee caasimadda u jeediyey Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka UMADDA Dr.Maxamed Cabdi Gabboose oo ku eed eeyay qorshihii jidadka badhtamaha suuqa lagaga raray ganacsatada yar-yar.

Xildhibaan Ismaaciil Cabdi Cige oo ugu horreyn halkaas ka hadlay waxa uu yidhi; “Waxaannu halkan kaga jawaabaynaa eedaymihii cuslaa ee uu xalay [habeennimadii Isniinta] soo jeediyay Guddoomiyaha ururka UMADDA Dr. Maxamed Cabdi Gabboose ,oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasa aradda Daakhiliga. Dr. Gabboose wuxuu ahaa xilligii olalihii doorashada madaxtooyada ee uu ku noqday wasiirka ninkii dawladdii hore ku eedeyn jiray waxay wax ka qaban wayday bilicdii ma gaalada ee odhan jiray bilicda magaaladdu waxay u baahan tahay in culays badan la saaro oo si ay magaalo u noqoto.

Nasiib-wanaag isagii ayaa noqday Wasiirkii Daakhiliga wuxuu qaaday tallaabooyinkii u horreey ay ee uu yidhi waxaan ku hagaajinayaa bilicda caasimadda. Wuxuu ogaaday in wasaaradaha USAID ay ugu deeqayso lacago, markaa wuxuu yidhi waa in laga raraa dadka degan xafiiska maamulka Gobolka Maroodi-jeex. Hawshaasi isagaa fuliyay oo ka raray qoysaskii halkaasi dega naa. Waxay ahaayeen dad danyar ah oo waliba dadkii abtirsiinta u lahaa ee u soo dagaallam ay halgankii SNM ayaa ku jiray qoysaskaasi. Dadkaasi may diiddanayn oo diyaar ayay u ahaay een in la raro, balse hadalkiisii xalay [habeen hore] aadka ugu cel-celinayay ee uu lahaa anigu dadkii aan raray naabuur ayaannu u kiraynay.”

“Waxaannu halkan ka sheegaynaa inuu maalintaasi hawshii kala wareegay dawladda hoose oo maamulayay oo xafiis gobol oo isaga hoos taga ka dhigay oo yidhi dadkana taayirka hala mar iyo, dhaawicii, dhimashadii iyo khasaarihii hawlgalkaas ka dhashay illaa maanta ayay website-yada qaarkood wajiga hore kaga taallaa sawirkii intii dhiigga shalaqsanaysay. Waxa la ogaa wixii xabad iyo dhibaato ka dhacday,” ayuu yidhi xildhibaan Ismaaciil Caymis.

“Dadka waxa loo raray goobta ay degan yihiin oo way iska mahadiyeen, laakiin in badan ayay warbaahintu ka hadlaysay adeeg la’aanta ka jirtay iyo dayacoodaba. Anigu dawlad hoose ah aan Ilaahay mahaddii waannu bannaynay dhulkii muddo ha la sugo ayaannu nidhi. Ninkii yidhi la sugi maayo ee iminka ayaa la rarayaa wuxuu ahaa Dr. Gabboose. Intuu dantaas yar ee mas hruucii USAID-ka kaga xidhnaa intuu raray ayuu meelihii kalena faraha ka qaaday. Meeshaas dadka la dejiyay waxay ku magaalowday markii Wasiir Duur iyo Maayarka Caasimaddu intay si midaysan u galeen ayaa lagu guulaystay in la raro dadkii deganaa cusbitaalkii jajabka iyo xab aalihii 26-ka June, sidaas ayeyna goobtii ku camirantay. Dawladda Hoose dadkaasi waxay u geysay booyado biyo ah, laakiin Gabboose markiuu raray intii yarayd ee uu danta ka lahaa ayuu halkaasi kaga dhaqaaqay.”

Xildhibaan Caymis waxa uu naqdiyay qaabkii Dr. Gabboose u waajahay dhacdadii lagu gubay labaataneeye guri oo ku yaal degmada Gacan-libaax, waxaannu xusay inuu ku fashilmay inuu sirdoonka u adeegsaday ka gun-gaadhista dhacdadaas foosha xumayd.

“Waxa lala yaabay markii uu dadkii ku yidhi iyagaa is-gubay markuu ka gun-gaadhi kari waay ay dadkii guryaha gubayay. Ballanqaadkii uu dawladda xisbiga KULMIYE ballanqaaday in wax laga qabto ciddii musuqmaasuq galo ninkii fadhiisiyay ee cid walba ka joojiyay ee danaha siyaa sadeed ee maanta uu ururka u furtay u joojiyay wuxuu ahaa Dr. Gabboose xilligii uu Wasiirka Daakhiliga ahaa. Wuxuu danaynayay xoghayihii hore ee dawladda hoose oo maalintii uu soo magacaabay annagoo shan xildhibaan ah aannu ku nidhi wadatashi ayaannu doonaynaa inaan nu kaala yeelanno xoghayaha. Inta uu igu soo booday ayuu igu yidhi Ismaaciiloow xoghayaha Gabiley maad ka tallo bixisid. Dabadeed waxaan ku idhi aniga Gabilay la igama soo dooran ee Hargeysa ayaa la iga soo doortay, kadibna wuxuu igu yidhi xilahay ku furan intaan anigu joogo wuu joogayaa xoghayihii uu magacaabay, markaasaan ku idhi seeddi nabadgelyo hadday sidaas tahay,” ayuu yidhi Ismaaciil Caymis.

Mudanaha oo daba socday hadallo ka soo yeedhay Dr. Gabboose Axaddii toddobaadkan waxa uu intaa raaciyey; “Wuxuu ku cel-celiyay Madaxweyne waxa soo socda intaas oo qof oo la sh aqo-tiray oo masaakiin ahaa. Wuxuu iclaamiyey inuu qabanqaabinayo mudaharaad uu soo ab aabulay oo uu ku kicinayo dadka. Waxaannu leenahay ka dawlad hoose ahaan wixii aannu ka qabanay bilicda caasimadda waa la arkayaa, dadkuna way noogu mahadnaqayaan, dadka la rarayna waannu u diyaarinaynaa halkii la dejin lahaa ee ku ganacsan lahaayeen waana aannu ka wada soconaa dawladda hoose, dawladda dhexe iyo dadweynaha meheradaha lehba. Waxaan idiin sheegaynaa inaannu halkan kula shiray intaan la rarin dadka guryaha suuqa Waa heen leh oo aanu kala hadalnay arrintan.”

Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xaydh) oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Degaanka Har geysa oo ka hadlay shirkaas jaraa’id, ayaa ku eedeeyay in Dr. Gabboose ahaa masuulkii mada xa isu geliyay golaha degaanka ee Gabiley ee joojiyay fadhiyadii golahaas, “Gabboose shidaddi uu barigaas dhigay maanta ayey taagan tahay. Wuxuu ahaa ninkii sharcigii golaha degaanka ku fadhiisiyay ee uu xilka kaga qaaday Maaryarkii Gabiley? Xeerkee ayuu kaga qaaday? Sagaal xubnood ayaa u fadhiistay, 8 baa ka codeeyay , xeerka gobollada iyo degmooyinkuna wuxuu dhigayaa laba meeloodoow meel inay codayso. Ninkaas oo xasaanaddii laga qaaday ayuu hadd ana maalin kale wuxuu lahaa waxa weli maayar ah Aadan Muxumed Bade ilaa maxkamad dambi ku caddayso, Khadrana waa ku meel-gaadh. Maxaa sharciga loo waafajin waayey Khadra waa inan wanaagsan wax bay qabatay si wanaagsan ayey u shaqaysaa yaan khalad la fahmin ee waxaan ka hadlaynaa uun sharciyad? Waxay ahayd intuu goluhu fadhiisto oo lagugu doorto in Maayar-ku-xigeenna laguu sameeyo. Waxaan leeyahay Gabboose horta waa kaas.”

“Dr. Gabboose hadday ka run tahay waddaniyadda iyo daacadnimadda uu sheeganayaa wuxuu leeyahay xirfad wanaagsan oo dadka ku yar oo caafimaad waxa tigidhkiisa aragtidu yahay 50 kun oo shillin. Nin lacagta intaasi leeg ka qaata dadkiisa isaga mooyaane’e wali ma hayo. Hadduu waddani yahay wasiir iyo madaxweyne midna muu daydayeenne xirfaddiisa ayuu dadkiisa ugu shaqayn lahaa,” ayuu yidhi Md. Xasan Cabdi Maxamuud (Xaydh).

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu intaa ku daray; “Haddaba, waxaan leeyahay madaxweyn enimada laguma helo wax carruurtu garanayso oo fidmo ah oo aan jirin. Shalay kuwaad baa bi’isay ayaad maanta u doonaysaa. Waxaan leeyahay maxaad u baabi’inaysay markaad mind idda daabkeeda haysay ee aad Wasiirka ahayd? Waxaan leeyahay waxba kama jiraan waxaas uu akhriyo haddii uu is leeyahay cod baad ku helina kuma helayo.”

Sidoo kale, xildhibaan Khadar Axmed Like, ayaa isaguna sheegay inaanu Dr. Gabboose ahayn mid hadli kara danaha danyarta waxaanu ku eedeeyay inuu yahay dhakhtar dhiig miirtay shacbigiisa.

“Dr. Gabboose horta waa kuma? Waa ninkii jaraa’idku waydiiyeen markii Maxamed Ibraahim Cigaal eryay intuu dabaq kiraystay la weydiiyay dhakhaatiirtu wax yar bay dadka ka qaadaa ne’e sidee baad adigu uga qaadaa lacagta badan? Waxaannu yidhi, Ina Cigaal baan tusayaa inaan shaqaysan karo. Naxariis halkaas ayuu ka marayaa Dr. Gabboose. Maanta waa la ogyah ay tigidhka lagu arko dhakhtarkaas waa ka dalka ugu qaalisan,”ayuu yidhi Khadar Axmed lIke.

Sidoo kale, waxa isaguna si kooban u naqdiyayo hadalka Dr. Gabboose Md. Maxamed Cali Kham riile oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Degaanka Hargeysa.

“Dr. Gabboose maanta waxaan ugu maahmaahayaa iska hadloow Ina Egarre; markaad wax s heegayo waxa habboon inaan hadalkaagu noqon waxaan jirin. Waxaan leeyahay Dr. Gabbooso ow walaaloow Hargeysi fidmo kaagama baahna, waxna kama samayn kartid. Waxaan leeyah ay dhici mayso inaannu kuugu dulqaadano inaad mudaharaadyo abaabusho oo aad dadweyna ha dawladda hoose ku kiciso,” ayuu yidhi xildhibaan Khamriile.
 

 

source:Jam