Xil-daryeeliddisiyo, Dad-u-hiilin maahee, Geenyada dekaanka ah, Anna aan dul-buuxshoo, Dala’sado kolkaygoo, Daadka aan ku dhaafee, Iiga soo deg weeyaan.


Ilaahay baa mahadleh. Waa wax lagu farxo in la arko nidaam iyo kala danbayn uu dalku leeyahay. Waa wax lagu farxo in nabadgelyadu ku baahsantahay dalka oo dhan. Inkasta oo aan indhaha laga qarsan karin dhibaatada Somaliya ka taagan. Taasoo saamayn toos ah iyo mid dadban ba leh. Ilaahay ha ka saaro dhibaatada, cidkasta oo lagu hayo dulmi, aamiin. Intaa dabadeed, waxa aan la soo hinqaday dareenka ka dhashay Shirkii Xisbiga Kulmiye, ee ka dhacay magaalada Burco.

Kala qaybsanaanta ku timi xisbiga waxa ay astaan u tahay, qaabka saddexda xisbi ee dalka laga hirgeliyey. Waxa indhaha la qabtay habkii dalkani ku socon lahaa, oo ah in shantii sannadoodba ay soo baxaan saddex Xisbi oo la kala doorto. Waxa la heli lahaa tartan joogta ah oo aan cidnaba u afduubnayn. Tartankaas oo dadku kala saari lahaayeen. Waxa iman lahaa wejiyo cusub oo muujiya dedaal dheeraad ah. Taasi may dhicin, oo waxa laga doortay saddex Xisbi oo keligood noolayaal ah.

Taasi, waxa ay horseed u tahay burburka saddexda Xisbi. Waxa aynu ognahay in Xisbigii ugu da’da weynaa uu ku dhici waayey in uu qabsado Shirweyne. Xataa lama hadalhayo, taasi waxa ay kuu muujinaysaa baqashada uu Xisbigu ka qabo in uu shir qabsado. Waxa kale oo inoo muuqata Xisbigii Kulmiye oo noqday ”Isha Cali ka laalaada ku quuso”. Arrimaha keenaya kala qaybsanaanta noocaas ah waxa ka mid ah, Xisbiga oo aan isku fikrad ahayn. U fiirso xubnaha ka baxay shirka intooda badani waxa ay ka soo jeedaan Xisbigii Dhicisoobay ee la odhan jiray Asad oo uu Hoggaamiye u ahaa Saleebaan Gaal.

Sidaasaa saddexda Xisbiba laga helayaa dad kala Xisbi ah. Udub waxa ku jira xubno ka tirsanaa Asad oo weliba xag jir ahaa. Xubnahaasi mabay oggolayn in doorasho dalka ka dhacdo. Sidaasoo kale ayaa ay ugu kala jiraan Xisbiyadii laga itaalka roonaaday. Haddii tartanku yahay mid loo danaynayo dadka, waxa loo dayn lahaa codaynta dadka, balse haddaad aragto meel la is bahaysanayo, oo la iskala jiidanayo, oo shirka lagu kala cadhoonayo ”Timir lafbaa ku jirta” Ishaa macallin ah. Waxa laga yaabaa, haddii Xisbiga Kulmiya uu sidaa u kala qaybsanaado, golihiisa dhexe, in ay Udubna soo qoysan doonto. Waxaase laga yaabaa in aanay Udub shirba qabsan oo ay hawshooda si duuduub ah u dhammaystaan.

Arrimaha dhacayaa waxa ay dadka tusayaan in loo baahnaa in la furo Xisbiyada, oo ay tartamaan shantii sannadoodba mar. Lagana soo xulo saddexda ugu horreeya. Maanta waxa dad badani garan karayaa sidii looga gar darraa Ururka Siyaasiga ah ee Qaran. Arki doonnee halka ay ku danbayso, balse xubnaha ka baxay shirku, malaa waxa u habboonaa in ay Xisbi kale samaystaan, waayo markii horeba Xisbigii Asad bay ahaayeen. Waxa kale oo halkaa inooga iftiimaya in Xisbiga Udub uu heli doono taageeradii ugu sarraysay oo aan hore loo arag. Ugama jeedo in Udub ay ka wanaagsantahay Xisbiyada kale, ee waxa ay dadku eegaan, kolba meesha deggen ee buuqa yar. Xataa ha ahaato meel aah wanaag badani ku jirin. Dadku waxa ay necebyihiin isqabqabsiga, ku jiqsiida, iwm. Maanta dalkeennu waxa uu u baahnaa weji cusub iyo hoggaan cusub. Waa sida dalkastaaba uu ku hore mari lahaa.

Haddiise Isbedelku noqdo: Xil-daryeeliddisiyo, Dad-u-hiilin maahee, Geenyada dekaanka ah, Anna aan dul-buuxshoo, Dala’sado kolkaygoo, Daadka aan ku dhaafee, Iiga soo deg weeyaan.

 



Sayid Maxamed Yuusuf

Sweden