“Xil Ka Qaadistayda Waxa Keentay Madaxweynaha Iyo Marwadiisa Ayaa Iga Codsaday Inaan Ka Noqdo...

 



Wasiirkii warfaafinta Md. Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), ayaa ka hadlay sababta keentay in Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo xilka ka qaado.



Hargeysa (TNN)-Mr. Boobe Yuusuf Ducaale, oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, aya a sheegay inay xil ka qaadistiisa sababtay laba agaasime waaxeed oo uu xilka ka qaaday oo ka la ah agaasimihii telefishanka qaranka Axmed Saleban Dhuxul iyo agaasimihii wargeyska Dawan ee dawladda Maxamed Cismaan Mire (Sayid), waxaanu Boobe Yuusuf Ducaale sheegay in kulan habeen saddexaad madaxtooyada ka dhacay ay Madaxweynaha iyo xaaskiisu kaga codsadeen inuu ka noqdo go’aanka xil ka qaadista, taas oo uu diiday. “Xil ka qaadistayda waxa sabab u ah laba agaasime waaxeed oo aan xilka ka qaaday oo uu Madaxweynaha iga codsaday inaan shaqada ku soo celiyo ana aan ka diiday oo aan idhi labadaas masuul ma soo noqonayaan haddii kale anigu xilka hayn maayo.”

Waxaanu intaas raaciyay “ Dood habeen hore [Habeen saddexaad] ka dhacday qasriga madaxt ooyada oo dhexmartay annagoo kala Madaxweynaha, marwada madaxweynaha iyo anigoo was iirkii oo ay ku codsanayeen inaan kaga noqdo go’aanka aan labada agaasime waaxeed ku bede ley ana aan ka diiday ayaa sababtay in xilka layga qaado.”

Boobe Yuusuf Ducaale, wuxuu sheegay in maalinta Isniinta ah marka uu xilka wareejiyo uu bilaa bi doono qormooyin taxane ah oo uu kaga hadlayo xil ka qaadistiisa iyo arrimaha sababay oo uu sheegay inuu faahfaahino dheeraad ah ka bixin doono.

Madaxweynaha ayaa Boobe Yuusuf Ducaale, xilkan u magacaabay 14 bishii March ee sannadka n , waxaanu wakhtigaas ka hor ka tirsanaa madaxda Akademiyada nabadda iyo horumarinta Somaliland.

source:Geeska Afrika