Xijaabka
hubka raga ee galmada culimadu ma iibkiisa diidan tahay mise in
aaqiibo lagu bixiyo?

Weriye Agoon oo fadhigiisu yahay
laanta curdinka ayaa todobaadkan wuxuu waraysi la yeeshay
Dabadhoonka meesiga ka hor taga cudurada dilaaga ah ee galmada la
isku qabadsiiyo, faya dha wrka galmada meher ka horeysiiska, rimay
diidka, dhalmo diidka, ka gaashaamashada wacallada, oo soo bandhigay
waxqabad sannadeedkiisii tan iyo markii uu maamulka la wareegey.
Agoon: Warbixin sannadeedkii
shaariciyada ayaad ku soo bandhigtay. Hawgal cinjir qaybanahay ayaa
samaysay. Waxaad ku baaqaysey intaad hilaabta iska rogtey kaasaa
bawlad lagu jarayaa maxaa ku kelifey? Maxayse culimadu arrinkan uga
diday?
Agoon: Anigu intaan shaarica istaagey
ma lahayn shanganboo shanganboo, Marana igama bayli hin oo maan
lahayn kaasaa bawlad lagu jarayaa. Aniga xilbaa u gubaaya oo halista
cudurka ayaa n uga digaayey barbaarta. Waxaan ku dhawaaqayey waa
balaayo xijaab, waa bilaasha. Iib ma ah ee waa aaqiibo.
Teeda kale adeer deeq bixiyayaashu xisaabcelin iyo caddayn bay
doonayaan in aan waajibkee ay na saaree siduu ahaa u gudaney iyo
inkale.
Sua’asha kale jaawaabtiiyoo kooban Culimadu didmada ummay dhammayn,
waxan qaylinayey waa beelaha qaarkood.
Agoon: Oo waa kuwee?
Dabadhoon: La sheeg sheegi maayo,
laakiin waxay u badan yihiin beelihii UDUB-tii xummayd la saf naa.
Agoon: Anigu miisaankaa beelaha garan
maayo, Laakiin culimadu waxay ku doodeysaa in galma da loo wayseesto,
bisinka la qabsado, ubad xalaal ah oo kheyr qaba lagu ducaysto oo
labada qof ba xurmeeyaan galmadu waa nimcee, oo si sharaf leh oo
diinta waafaqsan u wada baashaalaan. Ma ceebaa? Waxay farayaan
barbaarta, sidii Rasuulkii csws ku dardaarmay oo ah in ay soomaan
haddii duruuftu u saamixi weydo guurka xorta ah ee xalaasha ah, sida
doorashooyinka Somalilan d . Waxay leeyihiin Ishaada ka adkow,
ibitaada ka adkow oo adinkaaga ka adkow. Markaa xijaab aad xidhato u
baahan meysid. Dawladahaa aan Islaamka ahayn muxuu ka taray xijaabku?
Waad baahan tahay looma bahalo cunnee miyaanu arrinkaa culimadu
waafi ahayn?
Dabadhoon: Waa waafi iyo badh laakiin waxay ka war la’ yihiin
in uu ka Itoobiya innoo soo muusa yo oo jaadka soo raacayo oo
qasabada gaasda ee la dhigayo soo raaci doono.Baylaha badan ay aa
jirta. Hawshayadu waa ka hortag iyo xakamayn. Waxaanu leenahay sidaa
diintu tidhi ha lagu dhaqmo, laakiin haddaad sinbiriiraxooto, si
allaba badane, ha moogaanin xijaabka lacag la’aanta. Iidhehna
ummaanu samayn galmada meher ka horeysiiska ah.
Agoon: Saaka waxaan soo maray dhawr
farmarsi oo culumo laga danbeeyaa mulkiilayaashooda yihiin. Waxay
ugu wargeliyeen in xijaabka hubka raga ee galmadu suuqiisu xaami
yahay, gaara ahaan xilliyada qurba joogtu soo xaggaa baxdo. Laakiin
mar walba Alxamdulilaahi wuu naga baxa a. Mar aan weydiiyey ayaa u
badan dadka iibsada ma barbaarta, ma wadaada, ma waran laha wuxuu
iigu jawaabey haba kala reebin dadkaan ka iibiyaa waa wada muslin
anna muslin baan ah, weligeena xabashi iyo gaaladan wadanka
sulaaqaysa xabbad kama iibin. Mar aan weydiiyey xaga ad ka soo
waaridaan. Wuxuu ii sheegay in debadaha laga keeno, laakiin inta
badan ay Hay’adiin ana qiimo aan buuran ay ka siiso, maxaa ka run ah
arrintaa?
Dabadhoon: Nacalaa aabahaa ku yaal, ma
waxaasuu yidhi. Iisheeg waa kuma?
Agoon: Shashmiir xaaji, is qabooji.
Lama magac dhebayo, oo haddii aan sidaa yeelo cid danbe w ar igu
aaminimeyso.
Dabadhoon: Iska dhaaf waan garanayaa.
Waa kuwaa xuxun ee UDUB-tii Xummayd weli la safan.
Agoon: Culimadu ma iib diid baa mise
waa aqiib diid?
Dabadhoon: Waa aaqiiba diid ee iib diid ma ah. Wadankoo dhan
waa lagu iibiyaa maalin qudha ka may hadal. Dadkii masaakiinta ahaa
ee aan iibsan kareen markaanu aaqiibo ku siinay ayay luqanta la soo
kaceen.
Agoon: Oo miyaanad ka baqayn in afku ku
qaloocdo haddaad sidaa culimada uga hadasho?
Dabadhoon: Culimadan casriga ahi il iyo
cawritoona ma laha, ducadooda iyo habaarkooda midna ma kaco, waayo
adduunkay ka jecel yihiin aakhirada. Waa kuwii hore kuwii shir iyo
kheyrba lahaa ee adduunka ka saahidi jirey.
Agoon: Dadka qaarbaa waxay ku
talinayaan in culimada lagu wareejiyo balayo xijaabka . Iyagaa ku
fiican oo baarbaarta badankeedii gacanta ku haya. Weliba waxay
leeyihiin cashuur dhaafna ha loo sameeyo. Taasi ma ceeb baa. Maxaad
ka qabtaa?
Dabadhoon: Wallaahi talo xun ma ah.
Culimadu aniga iyo Maxamed Xaashi Cilmi lid bay nagu yihi in. Miyaad
aragtay baaq ay ku taageerayaan dugsiyada dawladda ee lacag la’aanta
laga dhigay. Waxay moodayaan in uu duulaan ku yahay dugsiyada gaarka
loo leeyahay ee iyagu mulkiilayaa sha ka yihiin ee ay maamulaan.
Waxaase jirta dee xawaaladlayaasha ayaa iyaguna odhan doona qurbaha
ayaanu ka soo xawilanaa oo biilka ayaanu soo raacinaynaa haddaanay
odhanba warsha d soo saarta ayaanu Bebera ka dhisaynaa. Sikastaba ha
ahaatee, haddii la isku raaco, qandraas ayaa lagu bixin doona oo waa
loo tartami ciddii doontaa ha ku guuleysatee?
Agoon: Fariid. Waa mahadsan tahay.
Xilkaad hayso ilaahay ha kugu guuleeyo hadduu ummadda kheyr u
leeyahay. Laakiin dadweyne badani waxay jecel yihiin in Sucuudiga
arrinta lagaga daydo inta deeq bixiyaasha South Africa iyo Uganda
wax ka tari waayey loo hogaansami lahaa.
|