Xiisadda Ba’an oo Ka Taagan Waqooyiga gobalka Gabiley

 

Afar goobood oo ka mid ah 153 goobood oo loo asteeyey inay ka bilaabmato Diiwaangelinta Codbixiyayaasha ee Gobolka Awdal,

ayaa gebi ahaanba aanay wax Diiwaangelin ahi ka dhicin, kadib markii dadweyne cadhaysani weerareen goobahaasi, isla markaana xoog kula wareegeen goobahaasi.

Afartan goobood oo ah Waqooyiga magaalada Gabiley, waxay ka mid yihiin ilaa 12 goobood oo muran xooggani ka taagan yahay, kadib markii xukuumaddu maamulkooda iyo deegaankoodaba hoosgeysay Degmada Baki oo ka tirsan Gobolka Awdal, waxaanay taasi dhalisay in dadka deegaankaasi si weyn arrintaa uga cadhoodaan, iyada oo ilaa shalay iyo xalayba ay jirteen dareeno diidmo ah oo arrintan laga bixinayey, isla markaana sheegay inuu jiray u diyaargarow hubaysan oo arrintaa lagaga soo horjeedo.

Tuulooyinka goobahan aanay diiwaagelin ka dhicin ayaa la kala yidhaa Xamarta, Heemaal, Ceel-bardaale iyo Kaxda, dhammaantoodna wax Diiwaangelin ahi kama dhicin maanta, kadib markii subixii hore ay goobahaasi weerareen dad aad u cadhaysani, kadibna ay la wareegeen maamulkooda, iyaga oo qaatay qalabkii, gaar ahaan Mobiladii lagu hagayey hawsha Diiwaangelinta. Waxaana sida uu Komishanku sheegay halkaa laga qaaday Hawlawadeenadii Diiwaangelinta oo loo qaaday dhinaca magaalada Boorama.

Xiisaddan ayaa hore koox salaadiin, cuqaal iyo culimaa’udiin isagu jirtay xallinteeda ugu tageen Madaxweyne Rayaale, waxaana sida ilo xogogaal ahi sheegeen Madaxdhaqmeedkan Madaxweynaha la kulmay, waxay u bandhigeen inuu codsi ay kaga dalbadeen in deegaamada Waqooyiga Hargeysa iyo Awdal lagu saleeyo sidii ay ahaayeen 1960-kii, iyaga tilmaamay in ay halis weyni ka soo fool leedahay dhulkaasi haddii aan xal buuxa laga gaadhin intaanay Diiwaangelintu ka qabsoomin labada Gobo lee Awdal iyo Hargeysa.

Deegaamadan muranku ka soo ifbaxay, ayaa waxa hore uga taagnaa muran la xidhiidha gobolka la raacinayo, iyada oo meelo ka mid ah deegaamadan aanay hore uga dhicin doorashooyinkii dalka ka qabsoomay, kadib markii la isku afgaran waayey gobolka la raacinayo deegaamadaas.

Geesta kale, Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in xuduudaha gobollada iyo degmooyinka dalka lagu daayo sidii ay ahaayeen waqtigii 1960-kii, kaas oo sheegaya in deegamaadan hadda khilaafku ka taagayan yahay ay hoos imanayaan Gobolka Hargeysa.

 

 


Oodweynenews.