Xidhitaanka Xafiisyada Universaltv oo noqday waxa ay iska caadeysteen Xukuumadaha iyo Ururada Geeska Arika

 


Burco (TNN): TV-ga caalamiga ah ee Universaltv ayaa waxa uu ka mid yahay war baahinta ugu afka dheer ee ku baxda afka soomaaliga waxaana uu ka hawlgalaa Qaaradaha Adduunka oo  id il,waxaana hubaal ah in uu ka qayb qaato isku xidhka bulsho weynta ku bahawday ama ku  hadas ha Afka soomaaliga ee guddaha iyo dibadaba ,waxaana uu sidoo kale ka qayb qaataa  tabaruca adka iyo taabagelinta dadka danyarta ah ee somalida

Tv-gan oo ka mid ah Tv-yada faro kutiriska ah ee ay soomalidu leedahay ayaa waxa uu ugu  ade egaa qaybaha kala duwan ee bulshada si ay ku dheehan tahay sinaan, caddaalad, dhex-hexaad nimo daacad iyo eexla’aan

Todobaadkan ayuu Wasiirka Warfaafinta xukuumada Somaliland Mudane Geel jire waxa uu ku  sh eegay warmurtiyeed uu soo saaray in ay si KMG ah shaqada uga joojiyeen Universaltv ka dib  m arkii buu yidhi ay Madaxda Tv-ga ee Somaliland ay la shaqayn waayeen Wasaarada Warfaafinta waxaana uu intaasi ku darray in ay ka qaban waayeen Taleefanka marar ay wasaaradu isku ha wshay sidii ay ula xidhiidhi lahayd ,laakiin wax yar uu ka dib war murtiyeedka Wasiirka waxaa ka hadlay arintan mid ka mid ah madaxda sarsare ee Tv-ga oo sheegay inay haboonaan lahayd in wasaaradu la soo xidhiidho ama warqad u soo dirto xafiiska guud ee Tv-ga oo ku yaala  Magaala da London ee xarunta wadanka Ingiriiska.

Hadaba Dadweynaha ku dhaqan Magaaladani Burco ee xarunta Gobolka Togdheer oo aanu  wax ka waydiiney bal sida ay u arkaan go’aanka KMG ah ee ay Wasaaradu Warfaafintu qaatay ee ku kuwajahan Tv-ga Universal ayeey ka muujiyeen aragtiyo iyo Aarah kala gedisan waxaana ay dadka qaarkood soo jeediyeen in ay Wasaaradu ay go’aan saxsan qaatay loona baahanyahay in Tv-ga ku hadla afka xukuumada ee SLNTV la gaadhsiiyo dibada si uu isugu xidho Bulshada reer  S omaliland ee gudaha iyo dibada ,halka qaar kalena ay ku tilmaameen inay tahay arin lagu  fududa adey isla markaana ay xukuumada u soo jeediyeen inay si deg-dega uga noqoto ugana baaran degto go’aanka KMG ah ee ay Wasaaradu qaatay halka kuwa kalena ayba ku tilmaameen arin me el kaga dhacaysa Saxaafada xorta ah

“Aad iyo aad ayaan ula yaabay Wasaarada markaan maqlay go’aankii ay ku joojisey Tv-ga  waa na ka xumaadey run ahaantii ,waayo waxa uu ka mid ahaa universal warbaahinta ugu culus ee sida xooga leh uga qayb qaadata isku xidhka gudaha iyo debada ee bulshada markaa waxaan  le eyahay haka noqoto xukuumada iyo wasaaraduba go’aanka waliba si degdega”hadalkan ayaa waxa uu ka soo yeedhay Axmed Maxamed oo ka mid ah daawadayaasha universaltv .Waxaa isna fekerkaa ka duwana qaba Muuse Maxamed oo kamid ah daawadayaasha Tv-ga ee gobolkan wax aana uu aragtidiisa ku bilaabey “waar anigu aad ayaan u taageersanahay go’aanka wasaarada ee ku wajahan Tv-ku sheegan universal oo caadeystay jebinta sharuucda saxaafada caalamiga iyo tan dalkaba marka anigu waxaan soo jeedinayaa in keena(SLNTV) la gaadhsiiyo dibada si ay nu uga maarano kan “

waxaa kale oo iyana jira dadweyna aad u tirro badan oo ku kala qaybsan talaabada Wasaarada ee ku wajahan kasii shaqeynta Universal ee gudaha Somaliland kadib markii ay si ku meelgaadh ah shaqada uga joojisey Tvga

Horraantii sanadkan ayeey ahayd markii ay Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab iyo Xisbul Islaam mamnuuceen in fogaan araga Universal ka shaqeeyo dhulka ay ka taliyaan waxaana uu si caadi ah haatan uga hawlgalaa Maamul goboleedka Soomaliyeed ee Puntland oo keliya, lamana oga  il aa hada sida uu ku danbeyn doono go’aankan Wasaarada warfaafinta Somaliland wallow uu ya hay mid KMG ah oo si fudud lagu dhamayn karo


Iskusoo wada xooriyoo Warbaahinta ayaa ayaamahakan si weyn u qaadaa dhigeysay go’aanka wasaarada iyo go’aamadan iska daba imanaya ee Tv-gu kala kulmaya geyiga somalida
 



Weriye Muuse Xaasaasi
Email:muuse190@hotmail.com
Timacade News Desk
Burco / Somaliland