Xidhiidhiyaha xisbiga UDUB Oo kulan balaadhan la yeeshay Mudane Richard Caborn oo ah MP

 

Xidhiidhiyaha xisbiga UDUB ee UK Mujaahid Abdirahman Shiikh Hussein ayaa kulan qaatey laba saacadood kula yeeshay aqalka Baarlamanka ee wadankan Ingiriiska Mudane Richard Caborn oo ah xubin ka tirsan Baarlamanka Ingiriiska, isla markaana ahaan jirey 10kii sanadood ee u danbeeyey Wasiirka Cayaaraha ee dalkan Britain.

Mujaahid Abdirahman Hussein oo ka mid ah howl wadeenada xisbiga Udub UK iyo guud ahaanba arimaha la xidhiidha Somaliland ee UK ayaa kulanka asi uu la yeeshay Mudane Richard Caborn kala xaajoodey arimo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen guud ahaan xal u helista ictiraafka Somaliland, kobcinta dimuqraadiyada ka hana qaadey Somaliland iyo gaar ahaan siddii ay dowlada Ingiriisku uga qay qaadan lahayd halganka uu madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ugu jiro habkii loo taaba gelin lahaa tayeynta iyo dib u dejinta dadka naafada ah ee reer Somaliland oo uu dhowaan madaxweyne Rayaale si gaar ah ugu xilsaarey Mujaahid Abdirahman in uu howshaasi u noqdo ergi gaar ah. Dhinaca kale Mudane Richard Caborn ayaa guud ahaan u mahad naqay maamulka Somaliland, isaga oo ku amaanay dedaalka ay ugu jiraan dhismaha dalkooda, iyaga oo aan caawimo la taaban karo ka helin bulshada caalamka.

Waxaana si gaar ah usoo jiitey Mudane Caborn in ay Somaliland gaadhey heer ay ka fakareyso in ay u fidiso addeeg bulshadeeda naafada ah oo buu yidhi aanay ka fekerin wadamo badan oo la aqoonsan yahay kuna yaala qaarada Africa. Waxa uu Mudane Richard Caborn balan qaadey in uu si buuxda ugala shaqayn doono Mujaahid Abdirahman howshaasi loo igmadey iyaga oo isla qaatey in ay kulan ay u dhan yihiin la yeelan doonaan Wasiirka Naafada ee wadanka Ingiriiska mudane Jonathan Shaw iyo Hogaanka hay’ada xquuqda dadka naafada ah ee Britain.

Kulankan oo uu Mujaahid Abdirahman Hussein iyo Mudane Richard Caborn uu ku weheliyey Wariye Abdihafid Awil Ismail ayaa waxa kale oo ay si qoto dheer uga wada hadleen siddii uu Mudane Richard Caborn xil gaar ah isaga saari lahaa ka midho dhalinta qadiyada ictiraafka Somaliland oo uu ku tilmaamey in ay bulshada caalamku ka gaabisey, Mudane Richard Caborn oo arintaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi waxa aan fahansanahay in cadaalada lala raagaa ay noqoto cadaalad la isu diidey (Justice delayed is just denied),. Mudane Richard Caborn waxa uu balan ku qaadey in uu Raisalwasaaraha wadankan Britain weydiin doono sababta ay dowladan Britain u horseedi weydey aqoonsiga Somaliland. Aduunyadu waxa ay ictiraaftey Kosovo iyo Eastimor, waxa aan rajeynayaa Somaliland in ay noqoto wadanka ku xiga ee la aqoonsan doono ayuu isaga oo dhoolacadeynaya hadalkiisii ku soo xidhay Mudane Richard Caborn.

Qarannews