Xiddiga Mo Faarax oo mataankiisii Hargeysa Joogay ku qaabilay magaalada London

 

 

London (TNN)-“Qof ayaa wax iga weydiiyey mataankayga Xasan, waxaan ugu jawaabay ma garanayo waxaad ka hadlayso. Hadaan odhan lahaa haa, su’aalo ayey igu wareerin lahaayeen. Waxaan doonayey inaan ciyaaraha ku mashquulo, markii ay dhamaadeen, waxaan daqiiqadiiba la hadlay Xasan, uma jeedin inaan dafiro jiritaankiisa, waan jeclahay.” Sidaas waxa yidhi xiddiga caanka ah ee u dhashay Somaliland iyo Ingiriiska Mr. Mo Faarax oo ay isaga iyo mataankiisa oo Hargeysa ka tagay dhawaan u warameen jariirada caanka ah ee The Sun.  Xilligii ciyaaraha Olmpic, Mo ayaa khalad yar sameeyey, markuu gebi ahaaba dafiray aqoon u leeyahay mataankiisa Somaliland jooga, balse, Mo ayaa sharxay, sidaas ayaa lagu bilaabay warbixinta The Sun.

 

 Halyeyga orodada Mo Farax ayaa ku qoslay mataankiisa qaabkay u dhaqmaan, taasoo qofna aanu malayn Karin inay 21 sannadood kala maqnaayeen.

Waxay mataanahan nolosha ka wada bilaabeen Muqdisho, laakiin, sannadkii 1991, ayaa Mo aabahii keenay Ingiriiska, halka Xasan (Mataankiisa) ku hadhay hooyadii Caasha.

Mo ayaa noqday hantida Ingiriiska ka dib markuu laba biladood oo dahab ah u qaaday ciyaarahii Olympic sannadkan, balse mataankiisa Xasan ayaa nolol ka duwan oo samaynta gawaadhida kaga shaqeyn jiray Hargeysa, kulana noolaa xaaskiisa iyo shan caruur ah uu dhalay. “Waa caadada mataanaha,” ayuu Mo sheegay oo walaalkii garab fadhiyo. “Waxaan nahay mataano wada ciyaara, mar walba qosla, sidii kuwo aan weligood kala maqnaan.”

Inkastoo Mo marar badan ku laabtay Somaliland, waa markii koowaad ee xasan dibeda uga baxo Afrika, bilowgii isagoo kelmad af Ingiriis aan aqoon ayuu la kulmay inanta Mo ee Rihana. “Waxay bartay gabadha buuran, iyo saacada big pen.” Sababtoo ah wuu buuran yahay marka aabaheed loo eego,”  

Inkastoo kala duwanaansho luqadeed jirto, haddana wareysi lala yeesho Xasan mushkila uma arko. Mo ayaa si wanaagsan af soomaali u yaqaan tujumaana ahaa.

 Mo ayaa sharxay sida labadan wiil loo kala kaxeeyey, waxaanu yidhi, “Aabahay ayaa hore ugu noola Ingiriiska, markaa1991 ayuu go’aansaday inuu halkan I keeno, si aan dagaaladii sokeeye uga badbaado.” , waxaanu raaciyay  “Walaalkay waxuu jeclaaday inuu iska joogo, waxuu ilaalin jiray ayeydeen. Waxaan nahay qoys isku xidhan, waxuu ahaa go’aan adag, balse qoyska ayaa sidaa wanaag u arkay.”

Mar la weydiiyey maalintii la kala kaxeeyey, oo wejigii Xasan casaaday ayuu yidhi, “Keliya si adag ayaan u xusuustaa markii habeenimadii Mo gaadhi lagu qaaday. Waxaan mar walba xusuusan jiray in Mo meel kaloo dunida ah joogo.”

Xasan ayaa cadeeyey inaan kulamadii orodka Mo midna aanu seegin oo TV aqalka ka daawan jiray, waxuu sheegay, “Waxaan dhamaan aragnay Mo oo bilad dahab ku guulaystay, markuu bilada labaad hantiyey farxad ayaan dhiman gaadhay.”

Ilaa markuu yimi Ingiriiska usbuuc ka hor, Xasan ayaan dibeda u bixin, sababtoo ah, Mo xaaskiisa ayaa sheegtay, “Maalin ayuu Xasan aqalka dibediisa u baxay isagoo gacmaha  isa saaray, laakiin daqiiqado ka dib ayaa dad badan noo yimaadeen yidhi, wanaagsan Mo, wax cusub ayaad samaysay, waxaan u sheegay inuu qoslo oo socodka sii wato.”

Xilligii ciyaaraha Olmpic, Mo ayaa khalad yar sameeyey, markuu gebi ahaanba dafiray aqoon u leeyahay mataankiisa Soomaaliya jooga, balse, Mo ayaa sharxay, “Qof ayaa wax iga weydiiyey, waxaan ugu jawaabay ma garanayo waxaad ka hadlayso. Hadaan odhan laha ahaa, su’aalo ayey igu wareerin lahaayeen. Waxaan doonayey inaan ciyaaraha ku mashquulo, markii ay dhamaadeen, waxaan daqiiqadiiba la hadlay Xasan, uma jeedin inaan dafiro jiritaankiisa, waan jeclahay.”

Markii wareysigii dhamaaday ayaa su’aal la weydiiye Xasan ahayd, halkee ayuu jecel yahay inuu London soo eego, dhab ahaan, mar horeba waan dareemi karayey inuu odhan doono, “Gabadha buuran, iyo Big Pen.” 

 

Source: Geeska / The Sun