Xeerka Ururada Siyaasada Oo Mamnuucaya Qof Xukun Maxk amadeed Ku Dhacay 5-tii Sano Ee Ugu Dambaysay Inuu Isa Soo Sharaxo Iyo Ururada Ku Xad gudba Oo Laga Qaadi Doono Ganaax Dhan 30 Milyan

 



Hargeysa-(TNN)-Xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada xeer lr 14/2011 ee golaha wak iiladu soo ansixyeen todobaadkii hore, oo shalay golaha guurtida la soo hordhigay ayaa mabn uuc aya in qof xukun Maxkamadeed ku dhacay shantii sanadood ee ugu dambaysay isku soo shara xo hogaanka ururada siyasada iyo xisbiyada, kaas oo lagu cadeeyay qodobka 16aad ee shuruuada ha qofka isku soo sharaxaya hogaanka xisbiyada iyo ururada siyaasada, iyadoo qodobka 21aad ee ganaaxa ku xadgudubka xeerkan lagu cadeeyay in ururka iyo xisbiga ku xadgudba xeerkan ay gud diga diiwaaglintu ka qaado lacag dhan 30 Milyan oo shilling Somaliland ah.

Xeerkan nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasada xeer lr 14/2011, oo fadhigii shalay ee golaha g uurtida oo uu gudoominayay gudoomiye ku xigeenka golahaasi Sheekh Axmed Sheekh Nuux Furre oo mudanayaasha loogu qaybiyey nuqulka xeerkaasi, islamarkaana madasha fadhiga laga hor akhr iyey Digreetadii Madaxweynaha Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iskugu yeedhay kalfadhiga aan caadiga ahayn ee golahaasi guurtidu shalay soo galay iyo nuxurka qodobada xeerka nidaamka ururada iyo axsaabta siyaasadu xambaarsan yihiin.

Golaha guurtida ayaa dooda xeerkaasiu balamay fadhiga barito ee Salaasadain dooda xeerka nida amka ururada iyo axsaabta ee wakiiladu soo ansixyeen ay gali doonaan.

Qodobka 16aad ee shuruudaha qofka isku soo sharaxaya hogaanka sare ee xisbiyada iyo ururada siyaasada oo mabnuucaya, inuu isku soo sharaxo qof xukum maxkamadeed ku dhacay shantii san adood ee ugu dambayey, ayaa hadana sidoo kale qiil ugu samaynaya marka laga reebo qofka mad axweynaha Somaliland cafis u fidiyay.

Waxaanu qodobkaasi 16aad u dhisan yahay, qofka isku sharaxaya hogaan xisbi/urur siyasadeed waa inuu buuxiyo shuruudahan:-

1.Waa inuu yhaay muwaadin Somaliland ah. 2. Da'diisu tahay ugu yaraan 30-jir 3. Waa inaanu ku d hicin xukun maxkmadeed oo ah faldambiyeed uu gaystay oo ka badan saddex sano shantii sano ee ugu dambaysay marka laga reebo in madaxweyaha Somaliland siiyay cafis 4. Inuu yahay qof Musli m ah kuna dhaqma diinta Islaamka.

Arrinkaas cafiska ayaa mudanayaasha guurtidu markii la akhriyey ay guux ka muujiyeen.

Dhinaca kale qodobka 21aad ee ganaaxa lacageed ee laga qaadayo xisbiyada iyo ururka ku xadgu dba xeerkan, oo dhigaya 30,000,000 milyan oo shilling-ka Somaliland ah ayaa u dhigan (Guddigu wa xay ganaax lacageed oo dhan sodon milyan oo Somaliland shilling ah ku soo rogaysaa xisbiga iyo ururka ku xad-gudba xeerkan

 

Source:Haatuf