Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Somaliland oo ay Qaabishay Boqorada Dalka Ingiriiska ee Queen Elizabeth, Caawana u Dhoofay Dalkii Hooyo

 



Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa Caawa u Dhoofay Dalkii Hooyo ka dib markii uu dhamaystay Socdaal Rasmi ah oo uu ku yimi Dalkan UK. Xeer Ilaaliye Xasan waxa uu ka soo qayb galay Xuskii loo Sameeyay Ax digii loo yaqaanay Magna Carta oo Sideed Boqol oo Sanadood ay ka soo wareegtay, ahaa na Axdigii Gundhiga ama Aasaaska u ahaa Nidaam Sharciyeedada Dunida lagaga dhaqmo oo ku astaysan ilaalinta Xuquuqaha Aasaasiga ah iyo u Sinaanshaha Sharciga ee Muwaa diniinta. Shirkan oo ay ka soo qaybgaleen 120 Dawladood oo ay ku jireen Sagaashan Wa siir Cadaaladeed iyo Xeer iaaliye ayaa waxaa lagu lafo guray arrimaha Qaanuunka iyo sidii Dunidu ay isaga kaashan lahayd in Sharcigu uu noqdo mid dadka haga oo loo siman yaha y.


Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Mudane Xasan Axmed Aadan ayaa waxa uu shirkaas ku soo bandhigay sida ay Somaliland u tahay Qaran ay u dhisan yihiin Laamaha Cadaaladiisu, iyada oo reer Somaliland ay ku guuleysteen inay dib u Unka an Sharcigii iyo Kala Danbayntii ku burburtay Dagaaladaii Qadhaadhaa ee soo maray Dalk eena, waxaana uu tilmaamay in Dalka Somaliland uu yahay Dal Dimuqraadi ah ah oo ay M uwaadiniintu Codkooda ku soo doortaan Madaxdooda, taasi oo aan ka dhicin Dalal badan oo dunida ah, Waxaana uu Tilmaamay in Horumar balaadhan ay Somaliland ka Samaysay Ilaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Sinaanta Sharciga.

Xeer ilaaliyahu waxa uu mudada uu joogay Kulan la qaatay Wasiirka Caddaaladda UK Hon. Chris Graylin oo ay si qoto dheer uga wada hadleen Xaalada Guud ee Dalka Somaliland iyo sii Xoojinta Xidhiidhka Taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada Dal iyo labada Umadood. Waxaa ugu Danbayn uu Xeer Ilaaliyuhu uu Qasriga Boqortooyada UK kula kulmay Boqorad a Dalkan UK Queen Elizabeth II. Waxaana uu Xeer ilaaliyaha guud uu Caawa u Anbobaxay Dalkii Hooyo.

Ugu DanbaynXukuumada Jamhuuriyada Somaliland ee uu Hogaaminayo Madaxweyne Axm ed Maxamed Siilaanyo ayaa si weyn ugu dedaalaysa sidii Caalamka ay u gaadhsiin lahayd Yuhuunta iyo Rabitaanka Shacbiga Somaliland ee ku Salaysan sidii dunidu ay u garwaaqs an lahayd Xaqa ay Ummada reer Somaliland u leeyihiin in Qarankooda la Aqoonsado, waa na Yoolkaas ka ay ka duulayso kuna hawlan tahay ka midho dhalintiis, taasoo la gaadhi d oono wakhti aan fogayn.

 



Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed
Danjiraha Wareega ee Jamhuuriyada Somaliland