Waxaan jecalahay Wallaalahayga Kulmiye in Mucaa ridnimada iyo Qaranimadu ay u kala soocnaato. Ere yada ay wax ku hadlayaana ay noqdaan Ereyo Wax lagu Saxayo Cismaan Hindi




Cismaan Hindi oo Markii ugu horaysay ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Xisbiga Kulm iye oo sheegay in ay Maxkamad Soo taagi doonaan.


Hargeysa (TNN) Cismaan Cabdillah Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa sheegay ogolaanshaha ay Xisbiga Kulmiye tageen Maxkamada si ay isaga Maxkamad u soo taagaan ay tahay mid Illaahay loogu Mahadnaqo, “mar hadii ay hore ugu eedayn jireen” buu yidhi, “Gol aha Guurtida iyo Maxkamada ay hore ugu eedayn jireen in aanay dhex ahayn oo uu Madaxwaynuhu iska leeyahay”


Cismaan Hindi waxa uu ku sheegay Waraysigaasi in cayimaada waqtiga doorashada iyo qabashadeedaba ay u xil saaran yihiin Komishanka Doorashooyinka Qaranka  So maliland, hadii ay maalinta bari ah ku dhawaaqaana aanay Xisbi ahaan waxba dhulka ka oolin oo ay diyaar u yihiin in ay ka qayb galaan Tartanka Doorashada Madaxtinimo.

Waxa kale oo uu sheegay in ay Xisbi ahaan raali ka yihiin Shirkada kala  shaandhayna ysa Server-ka ee ay dhawaan Qandaraaskaasi siiyeen Guddida Doorashooyinku. Tall aab kasta oo ay Komishanku qaadaana ay garab taagan yihiin, raaliina ka yihiin, isla markaana ay kalsooni buuxda ku qabaan.


Madaxa Ololaha Xisbiga Udub Cismaan Hindi, oo waraysi gaar ah siiyay Shabkada  W ararka ee Timacade News waxa uu si ba’an u weerar Xisbiga Mucaaridka ah ee  Kulmi ye oo uu ku tilmaamay in uu had iyo jeer ku dadaalo sidii uu u majaro habaabin lahaa Jiritaanka iyo Qaranimada Somaliland.

Cismaan Cabdillahi Cigaal, waa kan ugu horayn isaga oo faah faahin ka bixinaya waxa ay ahayd eedayntii uu hore ugu soo jeediyay Xisbiga Mucaaridka ah ee Kulmiye,


“ waxa jira War-saxaafadeed aan dhawaan soo saaray oo ka hadlayay Qodobo badan oo gaadhaya ilaa Sagaal Qodob, qaar ka mid ah ayay qoonsadeen Xisbiga Kulmiye, Ma xkamada aniga waa ay ii gudbiyeen. Maalintaa ay ii gudbiyeen Maxkamada iid ayay ah ayd, anigu maan rabin in aan Maalmahaa Farxada lagu jiro aan ka hadlo arinkaasi.

Imika ayaan Jawaabta idin siin doonaa, waxaanan leeyahay, aad iyo aad ayaan u soo dhawaynayaa go’aankaa ay qaateen Xisbiga Kulmiye ee ah in ay Maxkamad geeyeen, waayo hadii ay qaateen Xeerkii Iyo Dastuurkii Wadanka iyo waliba Arimihii Qaranka h adii ay u soo noqdeen oo ay maanta Qarankii aaminsan yihiin oo ay Dastuurkii  aamins an yihiin oo maxkamadihii aaminsan yihiin ay shallay diidanaayeen ee ay lahaayeen  d hex ma aha oo Madaxayne Daahir Rayaale Kaahin ayaa leh oo dhex ma aha aad ayaan u soo dhawaynayaa Maxkamadaasi ay geeyeen arintaasi aniga oo Cismaan Cabdillahi Cigaal ahina diyaar ayaan u ahay, Warsaxaafadeedkaasi aniga ayaa masuul ka ah iyo cidii Shaacisayba


S- Cismaan, Waxyaabaha aad isku difaacayso Maxaa ka mid ah?

J- Marka aan Maxkamada nimaadno ayaa arintaasi hor iman doontaa Ummada Somalil and. Maxkamadaha lagama sii hor dhaco waa Kiis, marka uu yimaad ayaana laga hadli doonaa.



S- Mar hadii aad ka mid ahayd Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye oo aad ka baxday markii uu khilaaf idin kala soo kala dhex galay Adiga iyo Masuuliyiinta Xisbiga Kulmiye, ma la odhan karaa arintani waxa ay salka ku haysaa khilaafkiina?


J- Maya, lama odhan karo. “Sorry” waan ka xumahay, waa runtaa Xisbiga Kulmiye wa an ka soo baxay, Xisbiga Udub ayaan u soo digo rogtay. Waxa naga dhaxeeya  Ixtira am iyo Is qadarin iyo Wada shaqayn Seddexda Xisbi. Laakiin, waxaad moodaa in Kulmi ye Gogosha aad u sii durkistay oo aanay waxba ka xishoonaynin waxna Xeerinaynin.

Arimaha Qaranka wixii la isku haystaa waa halkeeda. Arimaha Qaranka ee aanu  Qara nimada kaga midaysanahay Kulmiye had iyo jeer waa ka been sheegaa, waayo  Siyaa sada Kulmiye waxa ay gaadhay in uu yidhaahdo, inta ay joogaan Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin iyo Ku Xigeenkiisa Axmed Yuusuf Yaasiin, Somaliland ma helayso wax Ictiraaf ah, Kaalmooyinka la siiyana lama siinayo. Ma aha Anigu mid aan leeyahay waa mid ay iyagu Afkooda ka leeyihiin. Wax ay Jaraa’idka ku qoran weeyi. Hadii aad taasi ka gudubto, waxyaabaha Somaliland u qabsoomay ee tii ugu danbaysay ay ahayd  Ad higii inoo furmay ee ay Ummada Somaliland oo dhammi ay ku faansan tahay ee Maanta aad arkayso Magaalooyinkii sida ay u diireen ee Baayac-mushtarkii uu u isku bedelay, ayaa inta ay qaadeen Meelo kale ay u xanbaariyeen oo ay u Cumaamadeen Sheekh  S hariif iyo Meelo kale oo aan jirin.

Waxa ku jira Saxaafada oo ku qoran in Guulaha ay Somaliland gaadho ay geeyaan  Me elo kale, taasi ayaa maalin walba lagu qorayaa oo Ummada Somaliland lagu  jahwareer inayaa. Waxa laga been abuurayaa Xaalada dhabta ah ee ka jirta Dalka Somaliland oo wax kale ayaa Beesha Caalamka loo sheegayaa. Soamliland Maanta waa Dimuqraadi.

Waa Waddan soo qabsaday Seddex Doorasho, Aduunwaynuhuna u soo jeedo. Taasi ayaa la doonayaa in la baabiiyo oo la yidhaa, Somaliland wax Dimuqraadiyad ahi kama jiro Distoorka laguma dhaqmo, Xeerarka laguma Dhaqmo(Human Abuse) ayaa ka jira .

Waxaan ku Xasuusinayaa Muddo imika laga joogo Laba Sanno Guddoomiyihii Xisbiga K ulmiye ee UK u fadhiyay waa Mujaahid Maxamed Aar uu arintaasi darteed uu isku  cas ilay. Waxaan jecalahay Wallaalahayga Kulmiye in Mucaaridnimada iyo Qaranimadu ay u kala soocnaato. Ereyada ay wax ku hadlayaana ay noqdaan Ereyo Constructive ah oo Wax lagu Saxayo.


Ugu danbayn mar la waydiiyay guusha ay filan karaan Xisbi ahaan, waxa uu sheegay in Boqolkiiba Boqol uu ku kalsoon yahay in ay ku guulaysan doonaan Doorashada  Mad axtinimo ee dhawaan la filayo in Dalka ka qabsoonto.



Mustafe Future
Timacadenews Reporter
Hargeysa Office