"Xasan Sheekhoow Si Fudud Ayaad U Tidhi Midnimadii Ay aanu Ku Daba Jirnaa, Ee Haka Yaabin In Calankaas Tawxiidka Lihi Dhaco," Wasiir Faratoon

 


 

Hargeysa (TNN) :-Wasiirka Wasaaradda Arrimkaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Fa ratoon), ayaa jawaab adag ka bixiyey hadalkii ka soo yeedhay Madaxweynaha Somaliya ee ahaa in midnimadii Somali weyn aanay wali ka hadhin.

Wasiirka Wasaaradda Arrimkaha Guddaha Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ware ysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay ganacsiga Qaadka Ke nya ee Somaliya u joojisay Somaliland darteed, waxa kale oo uu ka hadlay xaalada Gobolka S ool, waxaanu yidhi isaga oo arimahan ka hadlaya "Xasan Sheekh waxaan leeyahay waad iska hadashay, oo waxaad ku hadashay hadal xaqiiqada ka fog, oo sinaba u suurtagal ahayn, oo waxaan leeyahay Xasan Sheekoow Shacabka reer Somaliland, waa mid, oo waa isku mawqif, oo qaranimada, madax banaanida iyo jiritaanka Somaliland ayey mid ka yihiin, haddii aanu an agu nahay Dawladdiina cid aanu ka yeelayno inay ka hortimaado Dastuurka Qaranka iyo dan aha Shacabka ma jirto, mar walba danta Shacabkayga ayaanu diyaar u nahay, Xasan Sheek hoow si yar oo fudud baad u tidhi midnimadii ayaanu ku daba jirnaa, ee waxaan ku leeyahay iska iloow midnimo marnaba ha ka yaabin in Calankaas Tawxiidku ku qoran yahay inuu dhaco, ee Somaliland wey socotay, oo haykalkii Dawladnimo ayaa ka jira, oo Shacabkeeda ayaa si x or ah u doortay Xukuumadda iyo Golayaasha Wakiilada iyo Golayaasha Deegaanka, ee adigu inta aad Somaliland ka hadlaysid dib iskugu noqo, oo halka aad taagan tahay eeg”,

Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey xidhiidhka Kenya iyo Somaliya ee xiisada qa adka Miirooga oo ay dawladda Somaliya ku xidhiidhisay Somaliland, ayaa wuxuu yidhi ”Haddii Somaliya tidhi Somaliland darteed baan Qaadkii Kenya u joojinay, waa u caqli daro, Somalilan d-na cidii ay doonto ayey xidhiidh la yeelanaysa, oo ay heshiis la galaysaa, umana daba fadh iisanayso Somaliya, Jamhuuriyada Somaliland cidii ay Baayacmushtar,Ganacsi, Siyaasad iyo t alaba la yeelanayso iyada ayey u taala, oo u madax banaan.


Wasiirka Arrimaha Gudduhu mar uu ka hadlaayey xaalada Magaalada Laascanood iyo falkii u dambeeyay ee ka dhacay ayaa yidhi"Baadhis badan baanu sameeynay, baadhistiina meel fiican baanu ka gaadhnay, dadkuna aad bay noogu heelan yihiin,oo in wax badan ka dhacaan ma doonayno, xaaladuna aad bay u fiican tahay”.

Dhinaca kale Wasiirka Arrimaha Gudduhu wuxuu ka hadlay dagaalkii dhexmaray Beelaha Dar arweyne ee Degmada Ceel Afweyn, waxaanu sheegay in hadda xaaladu degan tahay, oo me el fiican waan-waanta iyo wada hadaladu u marayaan.

 

 


Source: Geeska Afrika