Xarunta Xuquuqal insaanka: Dacwadda loo haysto Haatuf waa in loo raaco Xeerka Saxaafadda

 


 



Waxay Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka baafisay war-baahinta gudoomiyaha iyo taf atiraha wargayska xayiran ee Haatuf. Qoraalka Maxkamadda ee la baahiyay wuxuu she egay in dacwad ciqaab ah oo ay ku eedaysan yihiin Yuusuf Cabdi Gaboobe, gudoomiya ha Haatuf, iyo Axmed Cali Cige, tafatiraha Haatuf, ay hortaal Maxkamadda. Dacwadaas oo ay ku eedaysan yihiin qodobo ka mid ah Xeerka Ciqaabta. Dacwadani waxay ka danb aysay kadib markii la xayiray wargeyska Haatuf 7th April 2014.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka welwelsan tahay in saxaafadda loo adeegsado Xeerka Ciqaabta iyada oo la baalmarayo Xeerka Saxaafadda, Xeer Lr. 27/2004.

Saxaafaddu waxay leedahay xeer u gaar ah oo maamula saxaafadda. Mana aha in lagu qaado saxaafadda xeer kale iyada oo uu dhaqangal yahay xeerkii saxaafaddu. Xeerka Ciqaabta waxa la sameeyey 1962dii. Sida ku cad qodobka 130(5) ee dastuurka, Somaliland waxa lagaga dhaqmayaa xeerarkii hore ee aan ka hor imanayn xuquuqaadka iyo xoriyaadka asaasiga ah. Sidaasdarteed, maadaama oo qodobada Xeerka Ciqaabtu ay yihiin kuwo aan la jaan qaadi karin xoriyaadka aasaasiga ah, waxay tahay in loo raaco dacwadaha ka dhanka ah saxaafadda Xeerka Saxaafadda.
Xoriyadda saxaafadu waa mid dastuurku damanad qaaday sida ku cad qodobobka 32 (3) oo reebaya fal kasta oo lagu cabudhinayo saxaafadda. Xeerka Saxaafaddu waa xeer gaar ah oo ka leh mudnaan xeerka guud.





Sidaasdarteed, Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u soo jeedinaysaa dawladda Somalil and:

-In dacwadda loo haysto gudoomiyaha iyo tafatiraha wargeyska Haatuf loo raaco Xeerk a Saxaafadda
-In xayiraadda laga qaado wargeyska Haatuf
 


Mulaho Mohamed Ali

Af-hayeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka