“Xildhibaanku waxa uu Sadexdii Biloodba mar uu Warbixin Siiyaa
Cadowga Somaliland”

Xildhibaan Xariir
Siciid Bulaalle
“Guddoomiye Uma Aha Gudida Khayraadka Dabiiciga ah, magacayagana
kuma Hadli karo”
Hargeysa (TNN)-Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle oo ka mid ah Golaha
Wakiiladda Somaliland ayaa ku eedeeyay Xildhibaan Siciid Maxamed
Cilmi oo ay ka wada tirsan yihiin Guddi hoos aadka Khayraadka
dabiiciga ah ee aqalkaasi inuu ka soo hor-jeedo tallaabo kasta oo
horu mar ah oo xukuumadda iyo qaranka Somaliland qaadayo.
Xildhibaan Xariir Siciid Bulaalle, waxa uu Xildhibaan Siciid Maxamed
Cilmi ku eedeeyay inuu caado ka dhigtay inuu sadexdii biloodba hal
mar cadowga Somaliland warbixin ka siiyo heerka horumarka Somaliland
marayo iyo mashaariicda waaweyn ee dalka laga fulinayo.
Xildhibaanku waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi uu xalay siiyay
Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, waxaanu si
adag u naqdiyay Mudane ay ka wada tirsan yihiin Gudida khayraadka
dabiiciga ah oo uu ku eedeeyay inuu isku magacaabay xil aanay Gudidu
u dooran.
Md. Xariir Siciid oo daba socday war uu saxaafada ku baahiyay
Xildhibaan Siciid Maxamed Cilmi waxa uu yidhi “Waxa Xildhibaan
Siciid Maxamed Cilmi saxaafada uu ku baahiyay warbixin joogto ah oo
aan qabo inuu sadexdii biloodba hal mar uu siiyo cadowga Somaliland.
Xildhibaankani waxa uu ka soo horjeeda wax kasta iyo tallaabo walba
oo horumar ah oo xukuumadda iyo dalku qaaday. Waxa uu imika
cambaareeyay qorshaha xukuumaddu ay ku doonayso in lagu soo saaro
khayraadka dalka oo uu ku tilmaamay mid lagu fuliyo suuq madow,
taasina waa gef iyo meel ka dhac uu ka galay Guddigayaga Khayraadka
Dabiiciga waxaanu isku magacaabay xilka Guddoomiyenimo oo aanay
jirin meel gudidu ugu dooratay.”
“Waxaan Ha’yadaha baadhista iyo Golaha Wakiiladda u soo jeedinayaa
inay baadhis iyo dabo-gal ku sameeyaan cida uu warbixinta siiyo
Xildhibaankan oo caadaystay inuu ka hor yimaado horumarka
dalka,”ayuu yidhi Mudane Xariir Siciid Bulaalle.
Isagoo xildhibaanku hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi
“Guddoomiyahayagii Gudida khayraadka dabiiciga ahi Mahdi waxa uu ku
jiray afartii Xildhibaan ee Golaha laga saaray, sidaasi darteed
Gudidayadu fadhi may yeelan oo Guddoomiye cusub may dooran. Waxaanu
jecel nahay in marka imika Goluhu fasaxa ka soo noqdo aanu doorano
Guddoomiye cusub.”
“Waxaan ummadda reer Somaliland u cadaynaynaa inaanu Xildhibaan
Siciid Maxamed Cilmi ahayn Guddoomiyaha Gudida khayraadka dabiiciga
ah ee Golaha Wakiiladda, kumana hadli karo afka iyo magaca
Gudida,”ayuu yidhi Xildhibaan Siciid Xariir.Bulaalle.
Source: Wargeyska Dawan
|