Shirkadaha diyaaradaha waxay mudan yihiin in looga mahad celiyo sidii ay u fuliyeen go'aankii laga soo saarey garoonka diyaaradaha
 

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay in sidii loogu talo galay loo dhaqan geliyay go'aankii ay dhowaan ka soo saareen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, ayaga oo sheegay in diyaaradihii madaxda dowlada federaalka qaadi jirey ay cabsi darteed garoonka u isticmaali la' yihiin.

War lagu qoray shabakada Al-Shabaab ay ku leedahay Internet-ka ayaa lagu sheegay in shirkadaha diyaaradaha ay mudan yihiin in looga mahad celiyo sidii ay u fuliyeen go'aankii laga soo saarey garoonka diyaaradaha.

waxa ay sheegeen in C/laahi Yuusuf, oo dalka ka dhofi lahaa uu la' yahay diyaarad qaada, sidaasi oo ay tahayna la doonayay in lagu qaado diyaaradaha ganacsiga, taasi oo keentay bey yidhaahdeen in digniin loo jeediyo shirkadaha diyaaradaha.

waxay wax laga xumaado ku sheegeen hadalo ay tilmaameen dad ay sheegeen in aysan lahayn damiir diimeed iyo mid umadeed oo ay sheegeen in ay iska dhigayaan kuwa shacabka u damqanaya, kana hadley arrinta garoonka.

Waxay mar kale ku celiyeen in diyaaradii isku dayda in ay ku soo degto garoonka diyaaradaha ay talaabo ka qaadi doonaan.
 

 

 


Wariye : Raage Iidow
Moqadisho