Xaglotoosiye oo Dalbaday in Xil Culus loo Magacaabo si uu Reer Buhoodle uga Dhaadhiciyo Qaddiyadda Somaliland

 

 

 

 


Wasiirka Madaxtooyada oo u kala dab-qaadaya Madaxweyne Siilaanyo iyo
Saleebaan Xagloto osiye + siyaasiyiinta reer Sool oo ka cadhaysan sida Madaxtooyadu ugu jajaban tahay hogga amiyihii SSC
 

Hargeysa (TNN)- Guddoomiyihii kooxda SSC Mr. Saleebaan Ciise Axmed (Xaglotoosiye), ayaa la sheegay inuu xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka dalbaday in xil culus loo magacaabo si uu xayndaabka Somaliland u soo geliyo degaanka Buuhoodle oo ay ku xooggan yihiin kooxaha Som aliland-diidka ah.

Sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Jamhuuriya, Mr. Saleebaan Ciise Axmed (X aglotoosiye) oo toddobaadkan yimi caasimadda Hargeysa, ayaa la sheegay in ujeeddada socda alkiisu la xidhiidho sidii xil siyaasadeed oo culus loogu magacaabi lahaa si uu reer Buuhoodle loo gu qanciyo inay nabad buuxda la qaataan walaalahooda Somaliland, isla markaana awoodda xilka loo dhiibo u adeegsado in degaanka Buuhoodle lagu soo dabbaalo xayndaabta Somaliland, isagoo aaminsan haddii aan wax xil ah loo dhiibin in dadku u arkayaan qof shicib ah oo aan wax saamayna lahayn.

Sida ilo-wareedyadu tibaaxeen, waxa uu Saleebaan Xaglotoosiye dalabkiisa xil-doonka ah u gu dbiyey xubno wasiirro ah uu ka mid yahay Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Md. Xirsi Cali Xa aji Xasan oo ay saaxiib dhaw noqdeen, iyadoo aanay ilaa hadda kulmin Madaxweyne Siilaanyo iyo guddoomiyihii, balse wasiir Xirsi ayaa la xaqiijiyey inuu labada dhinac u kala dabqaadayo.

Ilaa hadda lama hubo go’aanka Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono dalabka Saleebaan Xa glo-toosiye, iyadoo la sheegay in siyaasiyiinta reer Sool ee muddada dheer la shaqaynayey So maliland ka cadhaysan yihiin sida xooggan ee Madaxtooyadu ugu jajaban tahay xodxodashada Saleebaan Xaglo-toosiye oo faro-madhnaan kala soo noqday degaanka Buuhoodle, kuna guuld arraystay fulinta qodobaddii uu ballanqaaday dhawr bilood ka hor markii Mdaxweynaha Soma liland ay caasimadda Hargeysa heshiiska ku kala saxeexdeen.
 

Source:Jamhuuriya