Xagaad iga jirtaan bey dhaxantu iga heysa wallee reer Hargeysow
 


Waxan shacabka soomaliland ee sharafta badan leeyahay sanad wanaagsan, waxa kaloon doonaya inaan xusuusiyo inta moog in ey kaabaga inagu soo soo hayso  door ashadii madaxweyne cusub loogu doorna laha shanta sanadood ee soo socda  had dii alle yidhaahdo, waxaynu wada rajeynaynaa in ey inoo qabsoonto doorasho xoro xala al ah inshalle sanadkan fooda inagu soo haya ee 2010ka.

Waxan hadaba maanta aakhristow raba inaan bulshada ama shacabka soomaliland ee nasiibka u heli doona in ay codeeyan u iftiiminaya dhawr dariiqo o codkooda ugu hiilin doonaan musharax ey doorbideyaan inuu mudan yahay dalka hogaankiisa  kuna  guu leysto, waxaynu maanta kala doornayna ama kala xulan doona sadex  musharax o mu do sideed sanadood ahaa hogaaminayasha axsaabta qaranka kuwaaso o kala ah  gud oomiyaha islamarkaan ah madaxweynaha JSLand ee UDUB iyo UCID iyo Kulmiye, sade xdaasi gudoomiye sidan filayo shacabku mudadii ay xilalkaasi  gudoom animada iyo  ma daxweynenimada hayeen aad iyo aad bey ugu dharagsanahiin ama ula  soco dan  wax qabadkoodii iyo sidii durufihii adkaa ee ina soo maray ey uga  daba asheen, dhacado oyinkii ama khilaafiyadii siyaasadeed ee dalkeena la soo darsey waa mid la xusuusan doono waqtiga codka loo hibeeyn musharaxiinta maanta  tart a may., mid kastena wuxu guusha ku muteysan doona waxqabadkiisi iyo taariikhdii iyo  karaama da u  buls hadiisa iyo dalkiisa u ku leeyahay.

Haddii aan si gaar ah u soo qaato madaxweynaha maanta dalka hogaaminaya  muda ne Daahir Rayaale Kaahin mugdi ku ma jiro waxqabadkiisi o waxa u mudo  toba neyo sano ahaa mar madaxweyne marna madaxweyne ku xigeen buu ahaa isaga barasho badan loogama baahan oo waa madaxweyne wuxu GALO IYO WUXU GUDO ba la wada garanayo habdhaqankiisa siyaasadeed ee gudo iyo dibada maanta halka ay JSL  taa gan tahay, waxa inagaga filan Madaxweyne Rayaale waxqabadiisi ku saleysan  waxq abadka hormarka dalka dhacdadii DHAGAXAANTII MAGAALAD BERBERA u dhigay ee u maantana wasiirkiisi wershadeentu sheegay inuu been iyo waxaan jirin ey aheyd  dh acdadaasi wershada dhagaxa loogu wanqalay, isaga  Rayaale waa madaxweynaha  m aante waxa u codeyn doona kuwii la yidhi mar IDAGE ALLE HA IDAGO LABA GOOR  IDA GANa AN ISDAGAY, ninka maanta cod siiya Rayaale wuxu noqon doona ninka mar  lab ad isdagayi doona ee ilaahey nacdaley QOFKA MU UMINKA AH LABA JEER  DHIBAA TO KUMA WADA HABSATO, LABA GO'DNA LAGUMA WADA QANIINOM soomalidun waxay tidhaahda NIN ANAD MAALIN KU BARAN SANAD KUMA BARATID.

Waxa kaloon doonayaba in an shacabka sharafta badan xusuusiyo wararka iyo hada lada la siinayo caalamka ee sheegay in loo hayo dilkii taliyaha 12 ee gobolada  bari il aahey naxariistii ha ka waraabiye sarkaalkii nabad sugid ugu sareeya aagaasi bari ee gobolka Laascaanood, waxad mudaa arimahaasi dilka ku saabsan  sarkaa lkaasi loo hayo in ay dawladu mas'uul ka noqon doonto maadaama ay qabteen  taliyihii sare ee sirdoonka gobolada bari kuna eedeysan yahay maanta dilkaasi  wixishnimada ah ee taliyaahaasi loo geystay, beenale markhaatigiisu fogeyay waxan arimaahasi iyo qaar kaloon hoosta ku soo sheegi doonaba ka dhageysay laanta afsomaliga ee BBcda oo wareysi ka qaaday wasiirka arimaha gudaha mudane  Cabdillahi Ismail (Ciro) oo  shee gay inuu hayo sarkaalkaasi nabadsugida ee laascaanood maxkamadan la soo taagi doona, maamulka madaxweyne Rayaale waa ka qirnaya inuu yahay dilaa sarkaalkii  u gu sareya nabadsugid, haddaba aakhristow sideeba mar danbe loo aamin kara  sara akiisha nabadsugida ee halyiyadii dalka difaacaya khaarajineysa maalinba midka ay doona.

Bal markalana an isku dayo aakhristow in an soo qaato gudoomiyaha kulmiye mujaahid Axmed Siilaanayo, runtii ma rabo inaan faalo sidaasi u sii badan ka bixiyo mujaahidka, laakin waxa lama huraan ah in an dhawr dhacdo ka soo qaato maamulkiisi ugu dheer ee hore inoo soo maray, muj Axmed waad la wada socoteen inuu ahaa hogaamiyihii ugu mudada dheera ee ururkii SNM soo mara, laakin nasiib daro dadku isma weydiiyan muxu qabtay mudadaasi dheer ee u hogaamiyaha u ururkii SNM u ahaa.

Mudadaasi u horjooga u ahaa ururkii xaq u dirirka ah ee SNM wuxu ahaa maamulkii  u ga adkaa ee abid soo mara hogaanka SNM, waxa runtii xiligiisi qeybsamey  mujaahid iintii isku duubneyda ee hogaanka ciidamada aheyd, waxa ururka la soo darsey  maa mul xuman iyo qabyaalad iyo qeybsanaan an la fileyn, iyo jahaweer ku dhacay  shaca bkii iyo dagaamadii hawluhu ka socdeen oo aad u kala shakiyay, xiliyadaasi u  mujaa hid siilaanayo horjoogaha inoo ahaa ee aynu soo aragnay hogaamintiisu intaasi  inag aga filan oo maanta kuma soo koobi karo hagardaamooyinkii u ururka u geystay  muja ahidku,

Hogaamintiisu waxey aheyd mid aad u xanuun badan oo ey dadbadani ila maanta la amakaagsan yihiin taarikhdaa madow ee ina soo martay marka laga sheekeyo iyo wixi ka dhici jiray qaaxo iyo goobaha dagaaladu ka socdan,

Wuxu maamulkiisi xanuunka badnaa ee inagu dheeradey ah midka loo yaaaqno QEYBI OO XUKUN, waa xiliyaddii ay soo baxeen CALAN CAS, KUJIDHSI iyo JEEGANTA iyo  MUJA AHID FAALSO, runtii waa xiliyadii inoogu murugada badaneyd ee xaaladeenu aheyd bariga dhex ee ey maatideenu baanka daadsaneyd bARI ILA GALBEED, runtiina  ilaah ey iyo waqtigaa inoo hiiliyay o waxa inaga soo gaadhay doorashadii xisbiga ee lagu soo doortay muj Cabdiraxman Axmed Ali ilaahey naxariistii jano ha ka waraabiye, mud adii yareyd ee u mujaahid Cabdiraxman talada xisbiga la wareegay ayaa aheyd mudadii gaabneyd ee dalka la xoreyay mujaahidiinta hubka wada qaadeen, dalkan sidaasi lagu soo xoreya,

Haddii an dib ugu soo noqdo aakhristow gudoomiyaha xisbiga UCID iyo xisbigaasi u  ho gaamiyaha ka yahay, sida runtii ah hore taariikhda kumaa hayo inuu xil kan maanta u rajeynayo inuu qabto mid la mid ah inuu hore u soo qabtay ama loo soo igmaday Inj.

Faysal Cali waraabe laakin waxan taariikhada ku haya inuu ahaa muwaadin eng-neer ah o xilkiisa si caaqiibo leh uga guta hawshiisa ka adag, haddaba aakhristoow waxan qiimeyn karna intii aynu u soo joognay ee u hogaanka u ah xisbigan UCID e u waliba  m aanta u yahay musharaxa madaxweyne nimada ee maanta,waxad la wada socotaan dhacdooyinkii xanuuka badnaa iyo muranadii siyaasadeed fooda la iswada daray siduu gudoomiye Inj- Feysal ugu dabaashay kuna soo afjarey in la iskugu yimaado miiska  w ada hadalka, wuxu muujiya mudane Feysal xiliyadaasi xadhiga la kala jeednayay ee xaalada dalku aheyd ku jiqsi iyo ku xumee inuu labad xisbi ee kala ah kulmiye iy udub ku soo khasbay in ay soo horfadhiistan o ay miiska wada hadalka isugu yimaadan  dha cadooyinkaasi ina soo maray ma filayo in ey jirto cid mugdi kaga jirto yar iyo weyn  sh acanka soomaliland ee maanta waxgaraney, haddaba waxan leeyahay shacabka  nas iibka u helay in ay codkooda dhiibtaanow ugu hiiliya musharaxa taariikhdiisa mudan ee u soo maray intii u xilka hayay. Iskan ilaaliya kuwa qirtey in ay saraakiishi  naba  dsu gida ee ay xilka u dhiibteen ku eedeyay in ay dilalka ka danbeyeen o maxkamada la soo taagi doono. iska ilaaliya kuwa marwalba ku faanaya muj siilaanayo wuxu ah gud oomiyihii ugu mudada dheera abid ee soo mara ururkii e SNM, waxad mudan in la  wey diiyo kuwa mudadaasi dheer ku andacood muxu qabtey mudadaasi u xilka hayay mujahidku, madaxweyne Siyaad Bare ba wuxu ahaa madaxweynihii ugu mudada dheer ee abid soo mara soomaliya.

Bal an dib ugu soo noqdo sida ey codeyntu noqon doonto inta badan ee la filayo in ay u dhacdo gobolada qaarkood, runtii lixda gobol ee dalku maanta ka kooban yahay  wa xa sadex gobol ka soo jeeda sadexda mushara ee tartmaya, mudane madaxweyne  Rayaale wuxu ka soo jeeda gobolka Awdal, mudane mujhd Axmed Maxamoud  Siilaan ayo wuxu ka soo jeeda gobolka togdheer, mudane Inj. Faysal Cali Waraabe wuxu ka soo jeeda gobolka Maroodi jeex, sadexda gobol ee kale waa daawadayaasah  cayaar ta dhici doonta sanadkan inagu soo socda, waxaney mudan yihiin sadexdaasi gobol ee kale inuu tartanku noqon doono sida u xisbi waliba ololihiisa ugu soo bandhigo una fahamsiiyo uguna codeyaan barnaamjiyada axsaabta ee loo soo gudibiyo.

Runtii sabata an sadexdaasi gobol ee ay tartamayaashu ka soo jeedan u soo qaatey sida inta badan caalamkaba ka dhacda musharax kaste wuxu ku awood weyn yahay gobolka u ka soo jeedo o ay dad badan ugu codeyan gobol ahaan iyo dagaan ahaan iyagoo eegeyn barnaamjiyada siyaaasadeed ee xisbiyadu leeyihiin waa arimo inta  ba dan iska caadi ah oo aney ceebi ku jirin marka xaqiiqda la eego, madaxweyne Rayaale wuxu noqon doona masharax ugu awooda badan gobolka Awdal inkastoo la filayo in labada xisbi ee kala ba ay aad ugu rajo wanaagsan yihiin in ay codod badan ka helin doonan gobolka Awdal, mujaahid Siilaanayo waa hubaal inuu ku awood badan doono gobolkaasi Togdheer inkastoo ay labada xisbi ee kalan ay rajo wanaagsan ka qaban in ay guulo waaweyne ka soo hooyin doona, mudane Faysal Cali Waraaban waxa hu baal ah inuu awooda sare yeelan doono gobolka maroodi jeex, labada xisbi ee kalan waxan filaya in ay rajo fiican ka qaban in ay guulo ka soo hooyan, faaladaasi yar ee koobani waa mid runtii an wax dhibaato ahi ku jirin oo dhici karta, waana mid la filayo in ay sid aasi u dhacdo haddii alle idmo o ay doorasho dhacdo. Bushada caalamkan in badan beynu saxaafada ka maqalnay musharaxaasi hebel waxa u hadhey gobolkiisu ku  awo oda badan o wuu ku guuleysan ayaa gobolkiisa, haddii an si kali idin ku dhigo marka ay kooxaha cayaaruhu fooda isdarayaan waxa inta badan la yidhaahda koox hebla  gurig eeda lagu cayaarayaayow lagama reyn karo ama lagaga ma badni karo waayo waxa magaaladood ku leeyihiin taageerayaal badan o miidanka ama garoonka awoodi kara in ay soo galan o ay daawadan ciyaarahaasi socda islamarkan u sacabin doona  koox da magaaladooda ka soo jeeda.

Haddaba waxan leeyahay oo an doonaya in an farwaaweyne ugu qoro shacabka  da gaamadaasi maroodi jeex daga inuu Inj. Faysal Cali Waraabe yahay musharaxa kaliya ee ka soo jeeda dagaamada maroodi jeex, waxan leeyahay dhamaan shacabka  maro odi jeex in ay codkooda u huraan musharaxooda o ay ogaadan sida caalamku ba u  qa dariyo una qiimeyo musharaxooda maalinta codka la dhiibanayo o ay hurnaa  xisbi ga gudoomiyahoodu ka soo jeedo codkooda, soomalidu waxey tidhaahd RAQ BA WAA KU RAGEED, haddii kale waxad xusuusin doonta musharaxa UCID heestii odhaneysay  DHA NKAAD IGA XIGTAAN BEY DHAXANTU IGA HEYSA WALLEE REER HARGEYSOOw iwm-

Ujeedada an ugu xusay gobolka maroodi jeex qormadeydan, waxa ey tahay wuxu  gu doomiyuhu ka soo jeeda gobolkan maroodi jeex xaq badana uu ku leeyahay inuu  gur igiisa marka hore helo codKA ugu badan, si gobolada kalana ugu dhiiradan in ay  codk ooda siiyan, waxan kor ku soo xusay in ey labada musharax ee kala ba awooda ugu badan ka heli doonan gobolada ay ka soo jeedan taasan u iftiiminaya shacabka  maro odi jeexna in ay ka faa'iideystan qoraalkan.

Dhamaan waxan ka rajeynaya shacabka soomaliland ee nabada iyo hormarka jecl in ey u codeyaan xisbiga UCID iyo musharaxooda mudan Maxamed Cali Waraabe (Fayal)



wa bilaahi tawfiiq
 

 

 

Omar Darood Hassan
Norway