Xafladii SDWO oo shaqaahdo sharaf gudoonsiisay makhtal

 

Ururka SDWO oo Xalay Shahaado Sharaf Guddoonsiiyey Muwaadinkii Gaadhiga ku soo Maray in ka Badan 18 dal:-


Hargeysa (Longlivesomaliland News) Ururka ilaalinta Dimoqraadiyada  Som aliland ee (SDWO), ayaa shahaado sharaf guddoonsiiyey muwaadin  Maxa med Muuse (Maqtal) oo ololaha ictiraaf raadinta Somaliland dartii gaadhi uu leeyahay ku soo maray in ka badan 18 oo dunida ah.



Xaflad ballaadhan oo Xalay lagu qabtay huteelka Summer Time ee  magaa lada Hargeysa, isla markaana ay ka qaybgaleen aqoonyahano, ururrada dhallinyarada, ardayda jaamacadaha, xubno qurbo-joog ah iyo marti  shar af kale, ayaa lagu guddoonsiiyey Mr. Maxamed Muuse shahaado sharaf lagu maamuusay dadaalka uu u galay ictiraaf raadinta Somaliland ee uu ku soo maray dalal fara badan oo aan hore looga aqoon Somaliland iyadoo aanay cidina ka caawin.


Afhayeenka Ururka SWDO Mr. Xasan Waraabe-cadde oo ka wakiil ahaa Guddoomiyaha iyo xubnaha ururkaasi ka kooban yahay ee dunida ku kala nool, ayaa hadal uu xafladaasi ka jeediyey waxa uu sheegay in muwaadinka Maxamed Muuse uu sameeyey waxaan cidina ku fikirin oo weliba khatar badan leh, balse isagu uu u badheedhay. Waxa uu Xasan Waraabe-cadde tilmaamay in aannu qofna is lahayn gaadhi laga kaxeeyo Ingiriiska ayaa nabadqab ku tagi kara Somaliland.


Xasan Waraabacade

“Maxamed Muuse waxa uu u badheedhay khatar aad u weyn oo aan cidina is lahayn waa suurtogal, markaa waxaan leeyahay Maxamed riyadaadii way kuu dhabowday Ilaahayna wuu kaa abaalmarin doonaa. Markii annaga oo joogna qurbaha aannu warbaahinta ka maqalnay inuu dalkii gaadhay, waxaanu is lahayn sidii koox ciyaartoy ah oo koob ku soo guulaystay ayaa iyadoo dadku waddooyinka taxan yihiin oo dumarku dharkii hidaha iyo dhaqanka xidhan yihiin uu tagi doonaa, laakiin may dhicin,” ayuu yidhi Mr. Xasan Waraabe-cadde.

Xoghayaha guud ee SDWO Shiine Cilmi oo shahaado sharaf gudoonsiinaya Maxamed Muse - Makhtal

Xasan Waraabe-cadde waxa uu halkaasi ka akhriyey hadal qoraal ah oo uu soo diray Guddoomiyaha Ururka ilaalinta dimoqraadiyada Somaliland Mr. Guuleed Cabdi Sheekhaash. Qoraalka oo dhamayastiran wuxuu u dhigna sidan”Marka hore waxaan hanbalyo iyo bogaadin aan halkan uga soo dirayaa Muwaadinka weyn ee Maxamed Muse Yusuf – Makhtal. Horaa loo yidhi dhulku waa ogyahay ninkii dhaawac qaba. Dadkaaga iyo dalkaaga ayaa kuu og dhibta iyo jidka dheer ee aad u soo martay 18ka dal ee aad socdaalka qaatay 6 bilood oo dhul qaboow iyo dhul kulul ba aad u soo martay si aad kor ugu qaado sumcada Somaliland isla markaasna aad magaca Somaliland aad gaadhsiiso meelo aan weligeed horey looga maqal.

Waxa mid aad looga xumaado ah sida habayaraatee xukumaadu aanay xilka iskagaba saarin soo dhoweynta imaanshaha muwaadinkan qaaliga ah ee Makhtal, oo ay ahayd in maalintuu Hargeysa ku soo beegnaa ardayda iskuulada iyo dumarkoo oo hide iyo dhaqankii ku lebisan la abaabulo oo la istaago wadadii uu gaadhigiisu ka soo gelayay.

May dhicin arinkaasi hadana waxay ahayd in ay xukuumadu is dabaqabato oo ay xaflad soo dhoweyn ah hotelada waaweyn loogu sameeyo ama madaxtooyadaba, may dhicin taasina, hase yeeshee waxba intaasba ka sii xumayd markii uu madaxweyne ku xigeenku yidhi waxaan gudoonsiinayaa shaahaado sharaf oo shir ay lahaayeen dhexdiisii lagu gudoonsiiyey meeshii xaflad lagu gudoonsiin lahaa isaga u gaara, xataa waxa lagu gudoonsiin kari lahaa xafladii weynayd ee madaxtooyada lagu xusay 26kii June.

Dhinca kale waxa wax lala yaabo ah hadii ay xukuumadii ku fashilantay soo dhoweynt muwaadinkan iyo qadiyadii uu u soo halgamayba sababta ay xisbiyadii mucaaridku uga aamuseen oo iyagu soo dhoweyntii laga filayay xukuumada ugu samaynwaayeen oo xaflado ay u abaabuli waayeen ay ku soo dhoweeynayaan muwaadinkan.

Sidaa si leeg iyaguna waxa iska indhotiray waajibaadka ka saarnaa kor u qaadida sumacada Somaliland shirkadaha waaweeyn sida Dahabshiil iyo Daallo Airline oo ay ayad in xaflad soo dhoweyna u sameeyaan.

Ugu danbayntii waxaan Makhtal leeyahay hadii xukuumadii, xisbiyadii iyo shirkadahii somalilandba ay halgankaagii qariyeen oo ay go,o ku saareen, been ma sheegto taariikhuye taariikhdaa qoridoonta oo baaldahab ah aad ka gashay .

Gaadhigaagii aad jidkaas dheer ku soo martay ee taarikhda lama ilaawaanka ah aad ku so hooysay waxaan maqlay inaad tidhi madaxtooyadaad dhigaysa. Anigu waxaan ku odhanlahaa inaad dhigto meel dadku ku soo booqan karaan oo aan dadka ka caaganayn oo ay isku soo sawir karaan sida maansoor ama ambasador hotel oo kale.”

Waa loo dhashaa wadani waa loo dhintaa wadani. hanbalyo hambalayho

Agaasimaha Ururka Dhallinyarada Somaliland Mr. Maxamed Axmed Maxamuud (Barawaani), ayaa safarkii muwaadinkaasi ku soo maray dalalka badan ku macneeyey inuu qayb ka yahay halgan somaliland ku jirto oo qof kasta gudo ama dibad ku nool looga baahan yahay.


Mr Barawaani

“Safarkani waxa uu muujinayaa sida qof walba looga baahan yahay dadaalka halganka loogu jiro ictiraaf raadinta Somaliland, laakiin qurba-jooga inkasta oo ay dalka wax weyn u qabteen, haddana waxaad moodaa inuu codkoodu hooseeyo,” ayuu yidhi Mr. Barawaani.

Mr. Maxamed Muuse (Maqtal) oo isaguna ka hadlay xafladaas isaga loo sameeyey, ayaa hadal dheer oo uu halkaasi ka jeediyey waxa uu kaga waramay waayihii safarkiisii dheeraa ee uu ku gaalaabixiyey 18 dal oo ka kala tirsan Yurub, Aisa iyo Afrika. Waxa kale oo Mr. Maqal ka sheekeeyey dhibaatooyin badan oo uu sheegay inuu Hargeysa iyo xukuumadda kala kulmay.

“Waxaan soo maray waxa igaga daran waxaan Hargeysa kula kulmay, niyad-jabkii iigu horreeyey iyo dhibaatadii iigu darnayd waxay igala kulmeen Hargeysa,” ayuu yidhi Maxamed Muuse Maqtal.

Mr. Maqtal waxa uu u mahadnaqay shacabka, balse waxa uu xusay in aanu dalku isku wada mid ahayn ee magaalooyinka Gabiley, Berbera, Sheekh iyo Burco si ballaadhan loogu soo dhaweeyey oo aannu iloobayn.


“Waxaad ogaydeen in Madaxweyne-ku-xigeenku Axmed Yuusuf Yaasiin uu shahaado i guddoonsiiyey, maalintaa warbaahintu way ogayd ballanqaadkii uu ii sameeyey, laakiin markii aannu meesha ka baxnay ayaa iigu dambaysay oo wallaahi xitaa telefoonkii uu iga qabanwaayey. Xafladaas waxa uu Axmed Yuusuf hareeraha iska fadhiisiyey laba wasiir oo ka daran Jiciir oo aannu isku reer nahay, kuwaas oo isaga uu u sacabo tumayey,” ayuu yidhi Mr. Maxamed Muuse.

Muwaadin Maxamed Muuse waxa uu shaaca ka qaaday inuu ka noqday  ha dal uu hore u sheegay oo ahaa in marka uu dhammeeyo safarkiisa uu  gaa dhiga dhigi doono Xarunta Madaxtooyada, kadib markii uu ogaaday in aan ay u qalmin.

Isagoo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Markaan lahaa gaadhiga Madaxtooyada ayaan dhigayaa waxaan moodayey wax waxan dhaama, laakiin waxay noqdeen meel aan u qalmin waanan kala noqday, laakiin dib u celinmaayo, macradna ka iibinmaayo ee waxaan dhigi doonaa meel ilaa ubadka dhalan doonaa ku arkaan.

“Ma dhamayn karaayo ee habeen kale ayaan ka sheekayn doonaa  aafaa dka dawladda,” ayuu intaa raaciyey.


Xoghayaha Ururka SDWO Mr. Cabdiqaadir Cilmi Kaahin (Shiine) oo isna  xafl adaasi ka hadlay, ayaa aad ugu mahadnaqay dadweynihii xafladaasi ka  qa ybgalay iyo muwaadinka Maxamed Muuse, waxaannu sheegay inuu isagu Maxamed kula kulmay Jabuuti markii uu marayey oo ay ku dhalatay  arrin tani.


Waxa kale oo xafladaasi ka hadlay Mr. Axmed Kooj oo ku hadlayey afka qurba-jooga iyo Guddoomiyaha ardayda reer Somaliland ee Suudaan Mr. Ibraahim
 



Wariye Mustafe Future
mccfuture@longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News
Hargeysa Office