XAFLADII GOGOLDHIGA JAAMACA SANAAG UNIVERSITY

 

Waxaa manta lagu qabtay xaflad aad u balaadhan oo ay soo abaabuleen Gudiga Hurumarinta Gobolka Sanaag. Taas oo loogu googol xaadhayey Furitaanka Jaamacad laga furayo magaalada ceerigaabo (Sanaag University )

Hindisahan oo in mudo ahba dabada laga soo waday ayaa manta loo dhigay xafladii lagu hirgelin lahaa, sida ay ka warameen gudiga horumarinta gobolka oo uu u hadlay C/laahi Axmed Daamur kana waramay maraxalada gobolka ee tacliina ahaaneed taas oo markii ay gidigu isla lafa gureen ay u arkeen in la helo Jaamacad soo Saarta Kawaadir(dad xaga tacliinta heer ka gaadha ) sidii jahliga gobolku uga bixi lahaa loonaga maarmi lahaa tiigaasha tacliimeed ee aan dadka danyarta ah awoodi Karin loona heli lahaa (biyo sacabadaadaa lagaga bukaartaa) (ood kaa fogi dhaxan kaama celiso)


Wuxuu kaloo gudoomiyuhu ka waranay xidhiidhada wax ku oolka ah ee ay la saneeyeen jaamacadaha dalka iyo inay ka caawin doonnaan xaga syllabus –ka iyo wixii khibrad ah
Hawshuse waxay u taala indheer garadka gobolka wuxuu kaloo xusay in jaaliyadaha debedu balan qaadeen in hadii ay wax dhaqaajiyaan ay wax la qabanayaan

Wuxuu hadalkiisa ku soo gunaanaday in jaamacad la furayo 21/12/08 laguna sii bilaabi doono faculty –tiyo gaar ah sita Teacher training iyo qaybo kale ayna joogaan macalimiin hawsha sii wadi kara laguna ssii bilaabi doono guryo loo kireeyey inta dhisme u gaar ah loo dhisayo iyada oo dadweynuhu hawshaa fara ku hayaan una heelan yihin

waxaa kale oo goobtaa ka hadlay badhasaabka gobolka Mr cali cabdi Hure oo ah macalin aad ugu xeel dheer waxbarashada mudo dheerna ku soo jiray isaga oo wax badan ka taabtaabtaday sheegayna inuu geed dheer iyo mid gaaabanba u korayo hirgelinteeda

waxaa isna arintaa si qoto dheer uga hadlay maayar Deg Ceerigaabo Mud: Ismaaciil Xaaji Nuur sidoo kale waxaa iyana ka hadlay dadweyne fara badan. Iyo macalimiin academic ah oo goobta soo xaadirtay
waxaa lagu soo geba gebeeyey tabarucaad laysku qorqoray oo qof walba balan qaaday inuu qayb laxaadleh ka qaadan doonno.

sanaag.org