Xafladii xalay ee Lagu Soo Dhawaynayay Fanaa nada Maryan Mursal oo ka dhacday Madaxtooyada
 

Xaflad balaadhan oo loo sameeyay Fanaanada Caanka ah ee MaryanMursal, ayaa xalay lagu qabtay Qasriga Madaxtooyada ee Somaliland.

Xafladan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay, isla markaana ay ku marti qaaday Marwada koowaad ee Madaxweynaha JSL Marwo Huda Barkhad Aadan, waxa ka soo qayb galay Qurba jooga reer Somaliland eek u sugan Somaliland, Marwooyin , Fanaaniin ay ka mid ahaayeen Fanaanka caanka ah ee Cabdi Nuur Alaale, Lafoole, Nimco Yaasiin, Ubax Fahmo iyo Maryan Mursal oo iyadu xaflada loo sameeyay.


Marwada Koowaad ee Jamhuuriyadda Somaliland Marwo Huda Barkhad Aadan, ayaa shahaado sharaf iyo hadiyado kale oo qaali ah gudoonsiisay Fanaanada Maryan Mursal.

Maryan Mursal ayaa hadal kooban oo mahad naq u jeedisay Marwada Madaxweynaha , waxana ay mahad naq balaadhan u jeedisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Madaxweyne ku xigeenka Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, iyadoo ugu mahad celisay sidii diiran ee loogu soo dhaweeyay dalka.

Sidoo kale, Haweenka reer Somaliland ayaa iyaguna u gartay oo siiyay Mawada Madaxweynaha Shahaado sharaf, iyagoo sheegay in marwadu ku mutaysatay hawl karnimada iyo sida mar walba ay u kaalmayso Dadka jilicsan ee reer Somaliland.

Munaasibadii xalay waxa ay fanaaniintu ku soo bandhigeen Heeso aad iyo aad u macaan, kuwaas oo soo jiitay dareenka dadkii ka soo qayb galay xaflada.

Somalilandnation