Xafladdii waaxda Mj. maxamed mooge

 

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay, oo lagu xusayay waaxnimada Xaafadda Maxamed Mooge, oo ay soo qaban-qaabiyeen Ururka Dhalinyarada YOVO, iyaga oo kaashanaya gudigga Waaxda Maxamed Mooge, ayaa lagu qabtay Xarunta Waaxda Cusub ee Mj. Maxamed Mooge.

Xafladan oo ay ka soo qaybgaleen boqolaal ka mid ah dadwaynaha ku nool Magaalada Hargeysa, mas'uuliyiin ka socotay Dawlada, Xildhibaano, Wakiilo ka socday Axsaabta
Qaranka, Aqoonyahano, Mas'uuliyiinta YOVO, Ciyaartooyga waaxda Maxamed Mooge, iyo dad kale oo aad u farabadani, ayaa ahayd mid si qurux badan u qabsoontay.

Ugu horayn gudoomiye-ku-xigeenka Waaxda Maxamuud Cabdi Kaliil, ayaa u mahadnaqay Ururka YOVO, ee xafladda soo qabanqaabiyay, kuna ammaanay dadaalka ay ururku muujiyeen.
Gudoomiyaha waaxda Maxamed Xariir Cali oo isna madasha ka hadlay ayaa ka waramay habsami u socodka hawlaha waaxda Maxamed Mooge, iyo sida ay u hirgaliyeen maamulka waaxda oo ah mid hadda madaxbanaan.

Xildhibaan Maxamed Cali Axmed, oo ah wakiilka Golaha deegaanka Hargeysa ee waaxda Maxamed Mooge, ayaa isaguna sheegay in ay si wanaagsan u socoto cashur ururinta waaxdu, waxaanu intaas raaciyay in uu jiro iskaashi xooggan oo ka dhaxeeya maamulka waaxda iyo ciidamada Booliska, taasina ay sahashay in nabadgalyada waaxdu ay tamaam noqotay.

Gudoomiyaha ururka Youth Vision Organisation "YOVO", Cabdi-Deeq Maxamuud Yuusuf, ayaa ka warbixiyay horumarka ay waaxdku ku tallaabsatay mudadii ay jirtay waxaanu yidhi "Waaxda Maxamed Mooge, waxa lagu tilmaami karaa Chinaha Hargeysa, maadaama oo ay samaysay horumar aad u balaadhan mudadii 10 ka sanno ahayd ee ay jirtay, taasna ay ka matasho dalka Chinaha oo lagu sheego mid horumar balaadhan sameeyay sanadii u dambeeyay, waaxdana waxa hadda u soo kacay dhalinyaro badan oo aqoonyahano ah kana shaqayn doona horumarka waaxda".
Duqa Caasimada Hargeysa Engineer Xuseen Maxamuud Jiciir, oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in waaxda Maxamed Mooge ay la mid tahay waaxyihii 5 ta ahaa ee hore u jiray,isla markaana ay ka dheeraysay waaxyihii kale ee marka la la magaacabay, waxaanu yidhi, "Waaxda Maxamed Mooge, waxay noqotay waaxdii ugu dheeraysay saddexdii waaxyood ee aanu dhawaan magacawnay, mararka qaarkoodna waxay bixisaa cashuur ka badan cashuuraha ay bixiyaan waaxyihii hore u jiray".

Eng Jiciir waxa uu intaas ku daray in ay jiraan dhawr waddo oo loo dhisi doono waaxda Maxamed Mooge, iyo biriij isku xidha Maxamed Mooge iyo waaxda Gacanlibaax oo dooxa dulmara, haddana uu dhismihiisi socdo. Waxaanu u ballanqaaday in ay dawlada hoose 50% taageeri doonto mashaariicda horumarineed ee waaxda Maxamed Mooge, waxaanu kula dardaarmay in ay cashuurta si wanaagsan u bixiyaan, amaankana ay ilaaliyaan.

Ugu dambayntii Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo ka mid ah golaha Wakiilada ayaa ku amaanay dadwaynaha waaxda Maxamed Mooge, wax wada qabsiga iyo iskaashiga ay muujiyeen, waxaanu tilmaamay in dhawaan la soo saari doono xeerkii caasimada Hargeysa, oo waaxyahani ay isu badali doonaan degmooyin insha Allah.

Xafladan ayaa ku dhamaatay jawi wanaagsan, iyada oo ay halkaas ciyaar kubbada cagta ahi ku dhexmartay, laba naadi ee Maxaakiimta iyo Gol-Waraabe, oo ka dhisan waaxda Maxamed Mooge, ciyaartaasina waxay ku dhamaatay barbaro1-1 ah.


Siciid Maxamuud Gahayr

Voluntary report writter
0025224428604
saedmgahair@hotmail.com
saedmgahair@yahoo.com