Xafladdii Lagu Sagootinayey Ardeydii Ka Baxday Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar oo lagu qabtay Barxada hore ee Dugsigaasi

 



 

Hargeysa (TNN)-Xaflad si balaadhan loo soo agaasimay oo lagu sagootinayey Ardeydii ka bax day Dugsiga Sare ee Farax Oomar ayaa maanta lagu qabtay Barxada hore ee Dugsigaasi.

Xafladdan lagu sagootinayey Ardeydii Dugsigaasi ka baxday ayaa waxa ka soo qayb galay Was iirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed, Guddoomiyaha Maamul Wanaaga iyo ka hor taga Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar, Khaalid Jaamac Qodax oo ah Qoraa Da’yar oo ka tirsan Ururka Qorayaasha Somaliland, Waalidiin, Marti Sharaf iyo Ardey aad u tiro badan.

Xafladan ayaa waxa ugu horeyn ka hadlay Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar C/shaku ur Maxamed Ismaaciil, isaga oo xusay in Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ka aflaxeen Ardey aad u tiro badan oo hawlaha Bulshada loo qabto xaga hore kaga jira.

Maamulaha Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar C/shakuur ayaa xusay in Dugsiga Ardeyda Dugsig an soo marta looga bartay wax tarka Umaddooda iyo Dugsigoodaba, waxaanu xusay in Ardeydii Sanad Dugsiyeedka 2010-2011 ka baxday Dugsiga Faarax Oomaar ahaayeen Ardey aan la ilaaw i Karin waxyaabaha ay u qabteen Dugsiga iyo Horumarka ay gaadhsiiyeen, Maamulaha oo Arrim ahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Ardeydii Sanadkani ka baxday Dugsigu waxa ay ahaayeen Ardey aan la ilaawi Karin Waxtarkii iyo Horumarkii ay Dugsiga Gaadhsiiyeen, Ardeyda Dugsigan ka baxdaana waa Ardey Aqoontooda iyo Kartoodu kaga dhex muuqdaan Bulshada”.

Khaalid Jaamac Qodax oo ka mid ah Ardeydii Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ka baxday Sanad kii 2003-dii, isla markaana Qoray Buug uu kaga waramayo Sooyaalka Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay Sababihii keenay in Dugsigan laa aas aaso, isaga oo Dugsigani ahaa Dugsigii ugu horreeyey ee Dugsi Sare ah ee laga dhiso Gobolka Maroo di Jeex.

Khaalid ayaa sidoo kale ka hadlay Marxaladihii kala duwanaa ee uu Dugsigu soo marey, waxaa nu faahfaahin ka bixiyey Buug uu dhameystiray oo uu ka qoray Waayihii kala duwanaa ee uu Dugsigu soo maray tan iyo maalintii dugsiga la dhisey ilaa maanta. Taariikhdaasi oo uu dhinacyo badan ka eegey waxa ay soo jiidatey dhammaan masuuliyiintii iyo ardeydii dugsiga oo dareen farxadeed ku soo dhaweeyey

Maamule ku xigeenkii hore ee Dugsiga Faarax Oomaar imikana ah Maamulaha Dugsiga Sare ee Gacan Libaax Siciid Cabdi Shiil oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Dugsigan Faarax Oomaar uu yahay Dugsi xusuus mudan oo Bulshada dhexdeeda Qiimo ku leh.

Axmed Ismaaciil Habane iyo Maxamed Xasan Nageeye (Baney) oo ka mid ahaa Ardeydii Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar ka baxday Sanadkan ayaa ka waramay intii ay dugsiga wax ka baranay een sidii wanaagsanayd ee ay Macalimiintu ula soo dedaalaysay iyo waxyaabaha aanay ku ilaa wi doonin Dugsigan.

Guddoomiyaha Maamul Wanaaga iyo ka hortaga Musuqmaasuqa Axmed Muxumed Madar oo in sa halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu wakhti ka soo ahaan jiray Dugsigan Macalin, isla mar kaana uu yahay Dugsi Xusuustiisu ku dheertahay, isaga oo sheegay in Bil ka mid ah Mushaha rkiisa ugu deeqi doono horumarinta Dugsiga.

Sacad Muuse Cabdi oo ka mid ah Ardeydii Dugsiga ka baxday, isla markaana iska lahaa Fikirka in Dugsiga loo sameeyo Shabakad uu Barta Internetka ku yeesho oo isna halkaasi ka hadlay ayaa ka waramay sababaha ku dhaliyey in ay Dugsiga u sameeyaan Shabakada uu iska yeesho.

Guddoomiyihii hore ee Dugsiga Faarax Oomaar C/kariim Darbo oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Mahadnaq balaadhan u soo jeediyey Macalimiintii iyo Maamulkii Wax soo baray intii uu Dugsiga ku sugnaa ee uu wax ka baranayey.

Ugu dambeyntii waxa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiy Macalimiintii iyo Ardeydii kaalmaha fir fircoon kaga jiray Dugsiga.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Xuseen Muxumed Maxamed oo ugu dambeyntii halkaa ka hadlay ayaa Ardeyda kula dar daarmay inay wada jir ah wax u wada qabsadaan Dugsigoodana horumariyaan, waxaanu sheegay in uu diyaar u yahay Horumarinta Dugsiga.


Sacad Muse Cabdi
sacad098@hotmail.com