Xaflada Taariikhiga ah ee Xildhibaan Cabdiqadir Jirde

 



alafada aad loo soo Agaasimaya oo Gudoomiyaha Mustaqbalka ee Waddani Xildhibaan Cabdiqadir Ismaciil jirde loogu sameeyay Bariga magaalada London. Xafladan oo ahayd mid Taariikhiya maadama ay ahayd markii ugu horeysay ee uu cariga Ingriiska soo booqday isagoo xilka gudoomiye nimada ku magacaaban Isla markaasna taageero kaga dalbay Dhamaan taareegayaasha Xisbiga Waddani ee ku dhaqan dalkan Ingriiska. Ayaa lagu qabtay Bariga magalada London 10/12/16. Xafladan oo ay ka soo qayb galeen Dhamaan Laa'amaha Xisbiga Waddani UK Iyo Gudiga Fulinta Ee Xisbiga Waddani UK . Waxaa xusid mudan in uu xafladaas uu Ka soo qayb galaya Gudoomiyaha Xisbiga Waddani ee magaalada Washington DC USA. Mudane Gudoomiye Axmed Qaadi, oo safar Dheer u soo galay Ka qayb gelida xafladan. Xildhibaan Gudoomiye Cabdiqadir Jirde oo hogaaminayaya wefdiga ay Ka mid ahaayeen la Taliyahay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Isla markaasna ah musharax madaxweynaha musqabalka ee Xisbiga Waddani marwo Fadumo Siciid Iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jamac (Aw Xoog). Hadalka Iyo khudbaha halkaas laga soo jeediyay oo aad u dheerada Waxaan Ka soo qaadanayaa qudbadii gudoomiye Cabdiqadir Jirde oo ahayda mid soo jiidatay dadweynihii Ka soo qayb galay xafladaasi. Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu dheeraaday xaalada Abaaraha dalkeena ku habsaday taas oo dad Iyo duunyaba lagu leeday waxaanu Baaq u diray Dhamaan shacabka jamhuuriyada Somaliland ee Qurba jooga ah siday kaalmo uga geysan lahaayeen Sidoo kalena Beesha caalamka ayuu Baaq u diray. Gud/ Xildhibaan Cabdiqaadir wuxuu xusay koboca Iyo baaxada Xisbiga Waddani sida shacabka Somaliland Gudo Iyo dibadaba ay ugu heelan yihiin isbedel ka siyaasadeed , dhaqaale, Waxa barsho, caafimaad Iyo Dhamaan adeegyada bulshada ee ay Xukuumada kulmiye dayacyada Iyo in Xisbiga Waddani uu balan qaadano dayactirka Dhamaan arimahaasi aan kor ku sheegay . Waxaa kaloo Xisbiga Waddani uu balan qaaday inuu la dagaalamayo Musuq maasuqa Iyo qabyaaladan xadhiga goosatay ee uu Xisbiga kulmiye dib u soo nooleeyay. Curyaaminta Aqoonsiga jamhuuriyada Somaliland ayuu Xildhibaanku ku tilmaamay Waxaa la yaab leh oo Dhamaan Somaliland ay qaadan weyday in mudadii uu kulmiye talada hayay aynu caalamkii Ka gonay Waxa xidhiidh ah oo muuqdan aynaan la yeelan. Ku dheeraan maayo dhaliisha dul hoganayaan Xukuumada kulmiye waad Ka war qabtaan . Hadab Xisbiga Waddani wuxuu balan qaadayaa Ka dhabaynta Dhamaan balan qaadayada ku xusan Booga Barnaamijka Xisbiga Waddani mana noqonayaan kuwo afka laga yidhaa oo COD lagu doonto , mana ah Arinku Madaxweyne Axmed Siilaanyo bedel oo Cabdiraxmaan Ciro Madaxweyne Ka dheg ee Waa isbedel dhab ah oo Dhamaan Nidaamka Maamul ee hada dalka ka jira aanu xididada ugu siibayno Waa balan aanu Somaliland ugu bishaaraynayno.

Ugu dambeyntii Khadabadaas Taariikhiga ahayda waxay Dhamaan dadkii goob jooga ahaa ay ku dhegeysteen dhego laab u daloola.
 


Mataan M Omar

Xoghayaha warbaahinta Waddani UK. Sheffield