Xaflad Qaadhaan loogu Ururinayo Mujaahidiintii Halgankii SNM ku Naafoobay Ayaa Maanta lagu Qabtay Magaalada Hargaysa.

 



 

Hargeysa, 20 August 2011 (TNN) Agaasinka xafiiska samafalka madaxtoonyada s/land ayaa maanta soo qabanqaabiyey munaasibad balaadhan oo qaadhaan loogu ururinayey mujaahidii ntii ku naafoobay halgankii SNM ee hawlgaladii lagu xoraynayey s/land ee sannadihii siddeed tanaadkii.



Haddaba, waxa munaasibadaasi ka soo qayb galay Marwada koowaad ee dalka JSL Aamina waris Sheekh Maxamuud (Jirde),Guddoomiyaha xisbiga kulmiye Mujaahid Muuse biixi cabdi, xildhibaano ka tirsan mudanayaasha labada Gole ee S/Land Guurtida iyo Wakiilada,saraakiil ka mida xubnihii SNM iyo xubno qurbo jooga.



Marwada koowaad ee madaxweynaha JSL oo ugu horeyn halkaasi ka hadashay ayaa sheegt ay in hawshan maanta bilaabantay ay sii socon doonto oo aanay istaagi doonin waxaana ay marwadu sheegtay in ay ka xukumad ahaan ka go'an tahay in ay ka shaqeeyaan sidii ay wax ugu qaban lahayeen mujaahidiintii dalka u soo halgamay taas oo ay maanta bilow ay u tahay



Intii lagu guddo jiray munaasibadaasi waxa lagu ururiyey qaadhaan gaadhaya laba iyo labaa tan kun iyo  siddeed boqol oo dollar oo loogu tallo galay in lagu taakuleeyo mujaahidiintii u n aafoobay xoreynta dalka maanta aynu ku nool nahay dushiisa kaas oo mujaahidiin faro bada n oo u soo naafoobay iyo waalidiintii iyo ubadkii ay dhaleen mujaahidiintii dalkan u shahiiday ay ku dayacan yihiin guddaha dalka taas oo aanay jirin cid ilaa hadda wax u qabatay haddii ay noqon lahayd xukumad iyo shacbiba marka laga reebo talaabadan maanta iyo qaar kale oo fara tirisa.



Balse haddii ay talaabani sii socoto isla markaana ay ka dhabayso xukumadu ayaa waxa ay noqon doontaa mid wax weyn u tarta mujaahidiintii dalkan u soo halgamay dhistana mooral kooda oo ay ogaadaan in la danaynayo.Talaabadan ayaa ah talaabadii ugu horaysa ee ay x ukumadu u qaado dhinnaca wax u qabashada mujaahidiintii dalka u soo halgantay oo inta b adan aad uga caban jiray xukumadii hore.




 

 


Guuleed Muxumed Ibraahim (Guuleed Yare)
Timacade News Reporter
Hargeisa/Somaliland