Xaflad Loogu Mahad celinayay Golaha Deegaanka Sheffield oo lagu
qabtay Hargeysa
Hargeysa (TNN):-Waxa aanu u mahadnaqaynaa Golaha Deegaanka
Sheffield, Aqoonsiga ay Somalilan d siiyeen (We Thank Sheffield
Council for the Recognition of Somaliland) qoraalkaasi waa mid ka
mid a hal ku dhig-yadii ku xardhanaa goobta Xaflada lagu qabtay.
Maanta waxa Caasimada Somaliland ee Hargeysa laga dareemayey
Dhaq-dhaqaaq xoogan, kaasi oo la xidhiidha Xaflad si wayn loo soo
agaasimay oo lagu qabtay Hotel Mansor Hargeysa oo u jeedadee du
ahayd in taageero xoogan loo muujiyo Golaha Deegaanka ee Sheffield
City Council oo ah Golihii ug u horeeyey ee aqoonsada Somaliland
taageerana la barbar istaaga gooni isu taaga Somaliland.
taasi oo ka markhaati kacaysa sida ay caalamku ugu dhegtaagayaan
Somaliland iyo sida ay uga go’a n tahay in ay Jamhuuriyada
Somaliland u aqoonsadaan Dal madax-banaan oo ku soo biira Wadamad a
la aqoonsan yahay.
Waxa maanta halkaasi si qiiro wadaninimo ku dheehan tahay Hadallo
uga soo jeediyey kuna tartam ay Jaaliyadaha Somaliland ee ku kala
nool Wadamada yurubta oo mid waliba balan qaaday inuu noq on doono
ka ku xiga Sheffield in kasta oo kuwo badaniba ay qireen in ay iyagu
ahaayeen kuwa hoga aminaayey ee islahaa cidiba idinka horayn mayso
balse ay ka hormartay Sheffield una hambalyeey Jaaliyada Reer
Sheffield ee geesinimada ka muujisay Wadanka Inigiriiska.
Xafladan maanta lagu qabtay Mansor hotel oo ay ka soo qaybgashay
Marwada Koowaad ee qaran ka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed
Jirde iyo Xubno wasiiro ah oo ay ka mid yihiin Wasiir ka Wasaaradda
Arrimaha Dibeda Mudane Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Wasaaradda
Arrimaha Gud aha Mudane Cali Maxamed Warancade, Wasiirka Wasaaradda
Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Sh ire, Wasiirka ku xigeenka
Qorshaynta, Mudane, Xasan Daahir Dhinbiil Wasiir Ku-xigeenka
Wasaarad da Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Marwo Shugri Xariir
Ismaaciil, Xildhibaano Madax-dhaqameed, Xi sbiyada Mucaaradka iyo
bulshada qaybeheeda kala duwan.
Hargeysa (Somaliland.Org)-Waxa aanu u mahadnaqaynaa Golaha Deegaanka
Sheffield, Aqoonsiga ay Somaliland siiyeen (We Thank Sheffield
Council for the Recognition of Somaliland) qoraalkaasi waa mid ka
mida hal ku dhig-yadii ku xardhanaa goobta Xaflada lagu qabtay.
Madashan oo ahayd mid ay ka muuqdeen Calamada Wadanka UK iyo Ka
Somaliland oo ay dadweynih ii goobtaasi isugu yimid luxayeen,
jawigana ka dhigtay mid Qurxoon oo dadweynihii isugu yimid dib u
xasuusisay 1960 kii markii ay Somaliland Madaxbanaanideeda ka
qaadatay Boqortooyadii ingiriiska ee Somaliland ka talin jirtay
wakhtigaasi, balse jawigan maanta ayaa noqonaaya mid xasuustiisu tah
ay in Wadanka Ingiriiska Gole ka mid ihi intuu shir ka yeesho
qadiyada Somaliland uu weliba ku dhaw aaqo gooni isu taaga
Somaliland, waana ta keentay in Shacbiga Somaliland ay xusaan maanta
go’aankaasi geesinimada leh.
Cumar M. Farax
Hargeysa,Somaliland
|