Xaflad lagu xusayay 18-ka May oo Xalay Lagu qabtay Madaxtooyadda





Hargeysa (TNN)-Xarunta Madaxtooyada Jsl habeenimadii xalay waxaa lagu qabtay xaflad bal aadhan oo lagu xusayey munaasabadda 18-ka may oo ku aaddan sanadguuradii 22-aad ee ka soo wareegtay markii ay Somaliland madaxbanaanideeda la soo noqotay sanadkii 1991-kii.

Xafladda oo ay ka soo qayb galeen Mas’uuliyiinta ugu saraysa Qaranka sida Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Mxamed Maxamuud (Siilaanyo), Gudoomiyaha Golaha Guurtida Md Salee baan Maxamuud aadan, Gudoomiyaha Golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdila ahi, Gudoomiyaha Maxkamadda sare Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil cali, madaxda Xisbiyada Qar anka, Golaha Wasiirrada Somaliland qaar kamid ah, saraakiisha ciidanka io marti sharaftii kale ee munaasabadda awgeed ay u soo direen dalalka derisku gaar ahaan Itoobiya iyo jabuuti.


Xafladda oo ahayd mid socotay muddo saacado ah ayaa waxaa suugaan kala duwan ka turju maysa qaranimada Somaliland iyo taariikhdii loo soo maray ku soo bandhigay fanaaniinta Qar anka.

Dhanka kalena Madaxweynaha JSL Md Axmed Maxamed Maxamuud ayaa isla xafladaasi hadal kooban oo uu ka jeediyey waxa uu uga mahad naqay dalalka deriska la ah somaliland ee wufu udda u soo diray ka qaybqaadashada dabaaldegyada 18-ka May.

Cumar Maxamed Faarax