Xaflad Balaadhan Oo Loo Sameeyay Siyaasi iyo Taageereyaal Ka Tirsanaa KULMIYE oo ku Biiray UDUB

Maxamed Cabdi Daa’uud, oo ka mid ahaa siyaasiyiintii aasaasay urur Siya asadeedkii Qaran, ayaa shalay magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inuu si rasmi ah isaga iyo taageereyaashiisii ugu biireen Xisbiga UDUB.Md. Maxa med Cabdi, wuxuu sidaasi ka sheegay Xaflad balaadhan oo maanta lagu qabtay xarunta Xisbiga UDUB ee magaalada Hargeysa oo ay ku soo  dhaw eynayeen isaga iyo taageereyaal kale oo ka soo baxay xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE .

Waxaana madashaasi goob joog ka ahaa Xildhibaabo Ka tirsan Goleyaasha baarlamaanka iyo Golaha deegaanka iyo xubno ka tirsan Guddida fulinta ee UDUB.

Maxamed Cabdi Daa’uud oo xafladaasi ka hadlay ayaa wuxuu yidhi "Waxaan ka tirsanaan jiray Ururkii Qaran, imika waxaan soo galay Xisbiga UDUB, waxaanu xiligaa aanu doonaynay oo noo muuqatay in dimuqraadiyada dalkan uu fur furnaado, magaca dimuqraadiyaduna xisbigan UDUB oo qudha ayuu magaciisa ka muudaa, waayo waxa xarfaha magaca UDUB ka kooban yahay Ururka Dimuqraadiga Ummadda bahowday, labada xisbi ee kale magacooda dimuqraadiyadu kama muuqdo."

"Markii aanu bilaabaynay urur-siyaasadeedkii Qaran inaan bahasha dimuqraadiyada dhinacyada laga xidhine’e, xoriyada loo sii daayo, oo ninkii itaal haya ee dadweyne haystaa uu dadweynihiisa mar walba ku dhaato oo aan laga qaadi karin sida xisbiyada Maraykanka ee Jamhuuriga iyo Dimuqraadiga, oo sanad walba tartanka waa lala galaa cid dhaqaajisaana ma jirto,"Ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud.


Maxamed wuxuu sheegay in Somaliland oo dhammi iyo sadexdii xisbi qaran ba ay ka hor yimaadeen markii ay urur-siyaasadeedka ku dhawaaqeen, waxaanu yidhi "Waxa dhacay in Somaliland oo dhami naga hor yimaadeen oo sadexdii xisbi qaranba naga hor yimaadeen, raguna waa kii kufa ee Kaca waa nala jabiyay runtii waana nala biliqaystay Jarmalku markii uu dagaalkii labaad ee adduunka ku jabay waxa kala qaatay labadii quwadood ee waaweynaa ee Waarso iyo Naato, Asxaabtaydii aanu Qaran ku wada jirnay in kasta oo aanu ahayn uun niman u olaleynaya sidii dimuqraadiyada loo furi lahaa, oo sidii ay dadku moodayeen aanaan ahayn xisbi, oo maalintii u horreysay haddii ururadii la furi lahaa uu mid waliba ururkiisa iska furan lahaa, Haddii ay asxaabtaydii kale galeen KULMIYE waan ugu hambalyaynayaa, waxaan leeyahay haddii aanu Jarmalkii la qeybsaday noqonay oo ay iyaga Waarso qaadatay Aniga Naato ayaa I qaadatay, oo UDUB baan galay."

Maxamed wuxuu sheegay inuu rajaynayo in xisbiga UDUB ay maalin ay noqotaba ururadii siyaasada ay u furi doonto dalka, waxaanu yidhi "Laakiin taas macnaheedu ma aha, taas macnaheedu ma aha in marka ururada la furo uu Maxamed Cabdi Daa’uud cararayee balse UDUB-tayda ayaan ahaanayaa."

"Waxa ila noqon weyday sadexdii nin ee hore u tartamay labadii nin ee laga badiyay, haddana imika ay yidhaahdaan haddana way ikan, markaa waxaan idhi kolay arrintan hore ayaa loo daawadaye’e, bal labadii laga badiyay intaad raaci lahayd kii badiyay uun iska raac,"ayuu yidhi Maxamed Cabdi Daa’uud oo ka mid ahaa dadkii bud-dhigeyaasha ahaa ee aasaaskii ururkii socon waayay ee Qaran.

Waxa kale oo uu sheegay in marka la qiimeeyo Soomaali oo dhan cid Somaliland ka horaysaa dhinaca waxqabadka aanu jirin.
Maxamed, wuxuu sheegay in miisaaniyad sanadeedka Somaliland ay tahay 50 Milyan oo Dollar, oo la mid ah dakhli sanadeedka wiil yar oo ciyaartoy ah oo reer Yurub ah, hase ahaatee haddana Boqol oo Milyan oo Dollarna Somaliland ay sanadkii ku qayishao.

Siyaasigaasi wuxuu sheegay in shacbiga Somaliland leeyihiin cadow badan oo u baahan in laga gaashaanto, waxaanu yidhi "Cadow badan oo iskugu jira Somaliland diid iyo ictiraaf diid iyo haddii uu yahay ka dhibaato doonka ah ee qaraxyada inala doonaya ee reer Xamar-ka wali ina daba socda."
Dhinaca Kale, Sh. Xasan Jaamac Muxumed, oo ka soo baxay xisbiga  muca aridka ah ee KULMIYE oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in 18-kii sanadood ee ay Somaliland madax-banaanideeda dib ula soo noqotay uu ahaa mucaarid, hase ahaatee xiligan uu go’aansaday inuu ku soo biiro xisbiga UDUB.

Sh. Xasan Jaamac wuxuu sheegay in xisbigii uu ka soo baxay uu garan doono kaalintii uu kaga jiray isla markaana xisbiga UDUB ee uu ku soo biirayna uu tallo iyo taageeraba ku soo kordhin doono, waxaanu masuuliyiinta xisbigan uu ku biiray uga mahad celiyay sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga UDUB Md. Jaamac Yaasiin Faarax, oo  xaflada asi ka hadlay ayaa sheegay in xisbigiisa iyo taageereyaashooduba ay soo dhawaynayaan xubnahan cusub ee ku soo biiray.

Xoghayuhu wuxuu sheegay in siyaasiyiintan ku soo biiray xisbigii ay ka soo baxeen uu wax weyn u noqonayo isla markaana ay wax weyn ku soo kordhinayaan taageerada xisbiga UDUB.

Md. Jaamac Yaasiin Faarax wuxuu ku baaqay in loo diyaar garoobo sidii doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysaa ay si nabad-gelyo ah oo xor ah ay u qabsoomaan, waxaanu yidhi "Waxaanu ogol nahay in xisbiyadu qaranku ay si sinaan leh u tartamaan, ummadda Somaliland ayaa na kala dheeraysiin doonta, waxaanan rajaynayaa inaanu mar kale ku guulaysanayno.

"Ninka maanta UDUB hore u joogay iyo ka imika ku soo biiraa waa isku xuquuq oo waxba isma dheera, Anaguna waxaanu tix-gelin weyn idinku siin doonaa kartidiina.

Xildhibaan Aadan Muxumed Hoori, oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ee laga soo doortay Gobolka Hargeysa lagana soo doortay Gobolka Hargeysa oo madashaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu aad u soo dhaweynayo xubnahan cusub, waxaanu tilmaamay in xisbigii KULMIYE iyo Qaran ee ay ka soo baxeen ay guul darro culus ku yihiin.

Waxa kale oo isaguna ka hadlay xafladaasi oo erayo mahad naq ahaa ka soo jeediyay Xildhibaan Xasan Cabdi Maxamuud (Xasan Xaydh) oo ka mid ah Golaha deegaanka ee Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in xubnahani ay dhibaato iyo loolan adagi ku dhex mari jireen deegaamada isaga laga soo doortay, isla markaana uu ku faraxsan yahay inay xiligan isku xisbi ka wada hawl galaan.

Dhinaca kale waxa xafladaasi ka hadlay Maxamuud Jaamac Quule iyo Luul Balayax oo ku hadlayay magaca dadkii ka soo baxay xisbiga KULMIYE oo sheegay markii ay arkeen siyaasad xumada iyo wax ay ku tilmaameen majaro habowga mucaaridka ay go’aansadeen inay u digo-rogtaan xisbul xaakimka UDUB.

 


Ramaasnews