Xaflad Balaadhan Oo lagu xusayay maalinta shuhadada SNM oo lagu qabtay Hargeysa

 



 


Hargeysa,October 17th, 2011 (TNN)-Xaflad balaadhan oo lagu xusayay sanad guuraddii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM oo ku beegan 17-ka October, ayaa maa nta lagu qabtay xarunta Ha’yada shaqaalaha dawlada. waxa munaasibadani ay salka ku ha ysaa dagaalkii qadhaadhaa ee ciidamadii Siyaad bare iyo xoogagii ururkii SNM ku dhex maray deegaanka Burco Duuray 17 bishii October sannadkii 1984-kii oo laga joogo 27 Sanadood.

Xaflada lagu qabtay Magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay Marwada koowaad ee Somalil and, xubno ka tirsan golaha wasiirrada, Gudoomiyaha xisbiga KULMIYE, Xildhibaano ka tirsan golaha Wakiilada, Mujaahidiin iyo marti sharaf kale.

Mujaahid C/salaan Turki oo ka mid ahaa gudida qaban qaabada xuska maalinta shuhadadii ku geeriyootay halgankii dib u xoraynta waddanka oo xafladaasi ka hadlay ayaa waramay baah ida loo qabo in la qoro taariikhdii halgankii SNM si bulshada iyo jiilka koraya looga tago taarii kh halgameedkii qadhaadhaa ee loo soo maray dib u xoraynta.

C/Salaan Turki waxa kale oo uu ku baaqay in wax loo qabto agoomihii ay ka tageen mujaahi diintii SNM iyo naafadii ururkaasi oo uu xusay inay u baahan yihiin cisbitaalo dibadeed.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyada ee Somaliland Md.Xirsi Cali X.Xasan oo xafladaasi ka had lay ayaa sheegay inuu socdo qorshe balaadhan oo lagu horumarinayo agoomihii SNM, iyo Ma dxaf lagu Muujiyo taariikhdii Ururkaasi lahaa oo ay si wada jir ah isaga kaashanayaan xukuu mada iyo Guddi ka tirsan Ururkii SNM.

“Waxaan muhaahidiinta iyo SNM waxaan Salaan uga sidaa Madaxweynaha Somaliland, xukuu madani waxba kama hagranayso wax u qabashada ururkii SNM, waxaana ka go’an inay taag eerto mujaahidiintii dalka,”ayuu yidhi Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wasiirka Madaxtooyadu wuxuu intaas ku daray in sida ugu dhakhsaha badan loo dhamaystiri doono taalladii uu Madaxweynuhu dhawaan ku dhagax dhigay magaalada Bali gubadle taas oo lagu maamuusayo dhamaanba intii ku shahiiday halgankaas.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Md. Maxamed Kaahin Axmed, oo ka mid ahaa masuuliyiintii garab kii milatari ee ururkii SNM ayaa tafaasiil ka bixiyay taariikhdii maalintan iyo dagaalkii ka dhac ay deegaanka Burco duuray ee ay iskaga horyimaadeen mujaahidiintii SNM iyo ciidankii tali skii Maxamed Siyaad Barre.

Maxamed Kaahin waxa uu ka sheekeeyay sidii uu u dhacay dagaalkii Burco Duuray ee ku sin aa 17 bishii October 1984-kii, kaas oo ahaa hujuumkii u horeeyay ee SNM ku qaado fadhiisim adii ciidankii Siyaad barre, waxaanu sheegay in dagaalkaasi ahaa kii ugu dhimashada badnaa ee SNM soo gaadhay iyadoo ay ka geeriyoodeen shuhado tiro badan oo uu hormood u ahaa Alle ha u naxariistee Mujaahid Maxamed Xaashi Lixle.

Afhayeenka KULMIYE waxa uu sheegay in dagaalkaasi uu soo saaray awoodii garabkii Ciida nka ee SNM.waxaanu Eebe uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo shuhadadii nafaho odii u huray dib u xoraynta Somaliland.

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md. Muuse Biixi Cabdi oo Xafladaasi ka hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyay heerarkii kala gedisnaa ee ururkii SNM ay soo martay intii ka danbaysay aasaask eeda ,isagoo sheegay in dagaalkii Burco-duureey ka dhacay uu ku soo beegmay xili isbedel Dimoqraadiyi ku yimi Hoggaankii SNM, iyo Cadaadis badan oo kaga imanayay dhinaca dawladii Migiste Xayle Maryam ee wakhtigaa hogaaminayay dalka Itoobiya.

Md.Muuse Biixi waxa uu xusay in dagaalkii uu ku geeryooday Alla ha u Naxariistee Muj Maxam ed Xaashi Diiriye (lixle) iyo shuhadadii kale ay noqdeen dhimbiishii hurisay halgankii dalka La gu xoreeyay, waxaanu intaa ku daray in la gaadhay guushii iyo midhihii ka soo baxay halg ankaas.

Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye waxaa uu cadeeyay in Tabasho kasta oo ay qabaan Mujaahidi intii iyo agoomihii SNM,aanay marnaba ka bixin balanqaadyadii Xisbiga kulmiye ku galay olola hii Doorashada.

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu shacbiga ku guubaabiyay in qaran ahaan Somaliland ku jirno halgan ka duwan kii hore kaas oo ah sidii ay Jamhuuriyada Somaliland aqoonsi buuxa uga heli lahayd dunnida inteeda kale.

Ugu dambayn Marwada koowaad ee Somaliland Marwo Aamina Sh.Maxamud Jirde (Aamina Waris) oo kulankaas ka hadashay ayaa ILAAHAY uga bariday inuu naxariistiisii jano ka wara abiyo intii ku geeriyootay xoraynta dalkooda isla markaana u rajaysay in dhamaanba mujaah idiintii ururkii SNM ay cisi iyo sharaf ugu noolaadaan wadankooda .

Waxaa kale oo Goobtaasi ka hadlay Masuuliyiin iyo Mujaahidiin kala duwan oo ka tirsanaa Ururkii SNM oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyada ay maalinta Shuhadadu u leedahay dalka iyo dadkaba.

Dhinaca kale waxa xaflado noocan oo kale ah oo lagu xusayay sanad guuradii 27-aad ee ka soo wareegtay maalinta shuhadada SNM lagu qabtay Magaalooyinka Burco Iyo Gabilay.

Source:Somaliland.org