Xaflad Balaadhan Oo Lagu Xusaayey Maalinta la dagaal an ka Masoobooyinka Aduunka Oo Hargeysa Ka Qabsoontey.
 


Hargeysa (TNN)-Munaasibad si heersare ah loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen masuul iyiin kaladuwan oo ka tirsanaa Dawladda Somaliland, Mas,uuliyiinka kala socota Hay’adaha ka ha wlgala ladagaalanka musiibooyinka, Urruda dhalinyarada, haweenka iyo bulshada qaybaheeda k ala duwan ayaa maanta lagu qabtay Beerta Xorriyada ee magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo lagu xusayay Maalinta ladagaalanka Masoobooyinka Aduunka ayaa waxa soo agaasimaya Hay’adda wadaniga ah ee HAVOYOCO oo la kaashanaysay Hay’ada ka hor taga masi ibooyinka dabiiciga ah ee NERAD, isla markaasi waxa mashuuracan maalgalisay OXFAM GB.

Martisharaftii kasoo qaybgashay xafladaasi waxa ka mid ahaa Guddoomiyaha Hay’ada Nerad Max amed Muuse Cawaale, Agaasimaha Wasaarda Xanaanada Xoolaha Mr. Maxamed Maxamuud Cag aweyne,Agasimaha Wasaarada Macdanta iyo Biyaha Siciid. Waxa kale oo kasoo qayb galay qaar kamidaha ururada maxaliga ah sida Sonyo, Hyda iyo SOLPAF.

Ugu horayntii waxaa halkaasi ka hadlay agaasimaha fulinta HAVOYOCO Ismaaciil Mohamed (Dh oolayare), isagoo kawaramay qaybaha ay musoobiynku u qaybsamaan kuna tilmaamay in yihiin qaar dabiici ah iyo kuwo bini'aadamku sababo, waxa uu agaasimuhu sheegay sida loogu baahan yahay in marwalba looga shaqeeyo la isuna kaashado ladagaalka masoobiyinka. Isagoo si quto dheer uga hadlay doorka ay dhalinyartu ka qaadan karaan aafooyinka dabiiciga ah iyo kuwa kaleba.

Waxaa sidoo kale ayaguna xaflada intii ay socotay qayb libaax dhankooda ka qaatay dhalinyara da Circus Somaliland oo katirsan HAVOYOCO oo halkaasi kusoo bandhigay ciyaaro kala duwan oo aad u xiiso galiyay dadweynihii tirada badnaa ee munaasibadaasi goob jooga ka ahaa.

Ugu danbayntii waxa soo khatimay xaflaada mid kamida hawlwadeenada mashruuca la dagaalan ka  abaahara ee HAVOYOCO Mr. Mohamoud Bynumber oo warbixin kooban ka bixyay sida ay H a'yada HAVOYOCO uga qaybqaadatay la dagaalanka abaaharaha iyo mucaawinooyinkii kala duw anaa ee ay u qaybiyeen dadka abaaruhu saameeyeen.

Axmed Maxamed Shaqalle
Shaqalle02@gmail.com
Hargeysa Somaliland