Xaflad Balaadhan oo lagu daahfuraayey Iidan Readers Club Oo lagu qabtey Magaalada Hargeysa



 


Hargeysa (TNN)-Xaflad balaadhan oo si heer sare ah loo soo agaasimay, ayaa 12/10/20 11, lagaga dhawa aqay Naadiga akhristaayaasha Iidanoo lagu qabtay Huteelka Hadhwan aag Restaurant ee Magaalada Hargeysa.

Munaasibadan waxa ka soo qeybgalay Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi),Fanaanka Codka Macaan ee Maxamed Axmed Kuluc, Faadumo Siciid,Fanaanka Nuur Daala cay,Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde,Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Soma liland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusf,Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal Iinsaanka Qarank a Aamina Xaaji Cabdilaahi Axmed, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Madaxtooyada Xasan Cabdi Madar,Guddoomiyayaasha qaar ka mid ah Naadiyada Wax-akhriska iyo wax qorida ,Dhalinyaro aad u fara badan,aqoonyahano, iyo marti-sharaf kale.

Ugu horayn Gudoomiyaha Gudida Qabanqaabada ee Naadiga Guiled Goohe Idaan ,oo hal kaasi kahadlay ayaa sheegay sababta ,iyo cida aasaastay nadiga ,waxaanu yidhi oo hada lkiisi kamid ahaa (NAADGA AKHRISKA EE CABDI IIDAAN FAARAX,(Iidan Reader’s Club),wa xa aasaasay markii u horaysay si mutadawacnimo ah uguna dhawaaqay 01-dii, bishii 7-aad, ee sanadkan 2011-ka, koox dhallinyaro ah oo u dhalatay Somaliland, oo intooda bad ani wax ka barta Jaamacadaha kala duwan ee ku yaala dalka Uganda, oo aad u xiiseeya Wax qorista iyo Wax akhriska, oo ay magacyadoodu yihiin



1- Ayaanle Cabdi Yuusuf ………………………..Gudoomiye

2- Cabdiwali Axmed Dahir………………………Isu-duwe

3- Guuleed Yuusuf Iidaan……………………….Xubin

4- Cabdiqadir Maxamed Ciid (Baay)

5- Khaalid Yuusuf Daahir

6- Maxamed Cali Cawil

7- Cabiraxman Cabdullahi Biixi

8- Salma Dr.Saleebaan Cabdi Guled

9- Xuseen Xariir Cumar

10- Cabdirisaaq Maxamed Cabdi

11- Siciid Cabdiqadir Xuseen

Anaga oo ka duulayna hadafkayaga ku saabsan dardargelinta dhaqaajinta hawlaha Naad iga ee bilawga ah, kana shidaal qaadanayna masuuliyada aanu dhabarka u ridanay oo u baahan samir, is xilqaan,, talo wadaag iyo daacadnimo dheeraad ah.

Anaga oo ku faraxsanahay in aanu halkan idiinku soo gudbino waxyaabaha noo qabsooma y tan iyo intii aanu ka dhawaaqnay Naadiga oo ku beegnayd 01-dii bishii, 7-aad, ee sanad ka 2011-ka.

Waxa aanu halkan idiinku soo gudbinaynaa waxyaabaha ugu waaweyn ee noo qabsooma y tan intii aanu ku dhawaaqnay Naadigan akhriska oo kala ah sidatan.

1- Hirgelinta Laybareeri weyn oo laga dhisi doono Xarunta gobalka HAWD, ee Balli guba dlle, iyada oo hordhicii urruurinta agabka laybereerigu oo ay u horeeyaan buuggagtii la dhigi lahaa ay dhallinyaro Naadiga ka tirsani ay si mutadawacnimo ah uga bilaabeen dalalka Ugnada iyo Britain, lana soo urruuriyay buuggaga aad u tiro badan.

2- Waxaanu si mtawacnimo ah oo buuxda ugu guulaysanay in aanu soo saarno Wargeysk ii u horeeyay ee uu Naadigu yeesho oo loogu magic daray‘’HANQADH’’, si joogto ahna u soo bixi doona bishiiba march.

Waxa aanu gacanta ku haynaa qorista iyo soo saarista Buuggaag dhawr ah oo sidaanu kor kusoo xusnay uu ugu horeyn doono buug aad u qiimo badan oo aanu si baaxad leh ugu soo Urruurinay Taariikh nololeedkii iyo suugaantii kala duwanayd ee Alla Ha u naxar iistee Abwaan Cabdi Iidaan Faarax, oo aanu ku bayaamin doono marxaladihii kala duwaa naa ee uu ka soo qaatay halgankii dheeraa ee gobanimadoonka ee lagula jiray gumaysig a, doorkii lama ilaawaanka ahaa ee uu ka soo qaatay xisbiyadii siyaasiga ahaa ee ka jiri jiray, xukumadihii rayidka ahaa ee talada soo qabtay, cawaaqibkii ka dhashay Midnimadii is raacii Somaliland ay la gashay Koonfurta Soomaaliya, tacadiyadii laga dhaxlay xukunkii kali taliska ahaa ee Maxamed Siyaad Bare ee ku salaysnaa xasuuqa iyo eexda, Dagaaladii lagu hoobtay ee dhex maray dalkii hore la isugu jiray Soomaliya iyo dalka Ethiopia, iyo qay bihii kala duwanaa suugaantiisii badweynta ahayd ee isugu jirtay gabayadda, Maansooyin ka, Geeraarada, heesaha iyo waliba waxyaabaha u gaarka ahaa Abwaanka ee aanay cid kale la wadaagin ee uu kaga hadlay qaybaha kala duwan ee nolosha ijtimaaciga ah ee dalka iyo dunidaba ,kuna noqday hormoodka halabuurada Soomaalida

Waxaanu ugudanbaystii u mahadnaqay Dalada Dhalinyarada ee SONYO iyo dalada isku xid hka dumarka ee NAGAAD oo iyagu gacan kagaystay hirgalinta xafladan



Fanaanka Caanka ee Maxamed Axmed Kuluc ayaa si waafiya uga sheekeeyey taariikhda iyo halgankii suugaaneed ee Abwaan Cabdi Iidaan Faarax iyo weliba wacyigelintii uu hadh iyo habeenba dadka ku baraarujin jirey.



Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Habeenkii uu Cabdi Iidaan dhintay ayuu Maxa med Siyaad Bare nagu soo booqday Tiyaatarkii Muqdisho,dabadeed markaasu nagu yidhi bushaaro ayaan idiin sheegayaa Sow ma ogodiin inay inkaartayadu kacdo oo Cabdi Iidaan Faarax xalay dhintay .

Waxa uu ahaa nin waddaniya oo halgamaaya oo dadkiisa iyo waddankiisaba jecel, oo dhiir an oo geesiya . Ayuu yidhi Maxamed Axmed Kuluc.

Maxamed Axmed Kuluc oo ay saaxiibo ahaayeen Rabi naxariistii jano ha ka waraabiye Ca bdi Iidaan Faarax, isla markaana ku heesa heeso uu sameeyey Abwaan Cabdi Iidaan Faa rax ayaa mugleh oo Faah-faahsan uga waramay Suugaantiisi baaxada lahayd, iyo aqoont ii uu u lahaa marxuumka, iyo weliba

Waxa uu ahaa nin Cawaandiya oo aan ka baqanin xukuumaddaha, oo xaqa sheega .Ayuu yidhi Kuluc.

Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) ayaa ku baaqay in suugaantiisi Alle ha u naxariiste Marxuum Cabdi Iidaan Faarax la faafiyaa oo dadka la gaadhsiiyaan, iyo jiilas ha cusub ee aan soo gaadhin oo la baraa taariikhdiisa. Qofku haddii uu hal-abuur yahay oo suugaantiisu suuqa gasho oo ay dadka gaadho, weligaaba ha arkin ee waad garanay sa shakhsiyadiisa, kaalintiisa, wuxuu yahay wuxuu galo, kuli waxa xanbaarsan suugaantii sa sida uu u fikiro, .Ayuu yidhi.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi Cabdi Iidaan Faarax waa in lagu daydo, oo qofka waxa lagu gartaa marka la akhristo waxa uu hal-abuurey . Cabdi Iidaan Faarax waa in Suugaantii uu sameeyey la faafiyaa oo dadka la gaadhsiiyaa, oo jiilasha aan aqoonin suugaantiisa la baraa . Ayuu yidhi Abwaan Hadraawi.

Marwo Faadumo Siciid oo munaasibada ka hadashay ayaa ka sheekaysay geesinimadii,iyo taariikhdii halgameed ee uu Abwaan Cabdi Iidaan Faarax lahaa,isla markaana waxay ku dooday inay ku faraxsan tahay inay goob-joog ka noqoto xaflada lagu wanqalay Naadiga qoraalka iyo wax-akhriska ee loogu magac-daray Cabdi Iidaan Faarax. Waa xus aad iyo aad u qiima badan Ayey tidhi.

Marwo Faadumo Siciid waxay soo jeedisay in taariikhda Hal-abuuradii iyo halgamayaashi Somaliland aynu uruurina oo la xusaa,iyada oo arrintaa ka hadlaysana waxay tidhi Qofka marka taariikhdiisa iyo Suugaantiisa la uruuriyo weligiiba ma dhimanayo,haddii aynaan qorin taariikhdeena way inaga lumaysa, Markaa waa inaynu taariikhdeena qornaa oo aynu uruurina .

Waxa la ii sheegay inuu Cabdi Iidaan u dhashay Hargeysa,waana ceeb inay xaflada loo sa meeyey naadiga loogu magac-daray inay tiradaa yar ee dadka ahi ka soo qeybgasho .Wa ayo waxay ahayd in hoolkan yari buuxsamo oo dadku meel ay kala joogsadaan waayaan .Ayey tidhi Faadumo Siciid.


Cabdi Iidan waxa uu ahaa Mujaahid Gacan iyo lugba qaaday, Dadku inta ay nool yihiin waa in wax la siiyaa, halka marka ay dhintaan wax laga siinayo, Ayey tidhi Faadumo Siciid.

Guddoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo isagu xidhiidhiyaha munaasibada ahaa ayaa waxa uu yidhi Anigu Waan ka nasiib wanaagsanay Abwaan Maxamed Ibraahim Warmse (Hadraawi) Iyo Faadumo Siciid, oo waan arkay Cabd i-Iidaan Faarax,waxaanan arkay isaga oo ay wada socdaan Axmed Maxamed Kuluc oo ah aabaheygii labaad, iyaga oo wakhtiga gaadhi wada saarna .

Guddoomiyaha Guddida Xuquuqal Iinsaanka qaranka Aamina Xaaji Cabdilaahi Axmed oo i yaduna halkaasi ka hadashay ayaa waxay soo jeedisay in la uruuriyo taariikhda hal-abuu rada Somaliland, waxaaanay tidhi Cabdi Iidaan taariikhdiisi na noqoto ama abwaanadii kale ee Somaliland waa inaynu dhamaantoodba taariikhdooda la muujiyaa oo la uruuriy aa,waayo haddii kale way inaga lumayaan oo dib loo heli-maayo .

Marwo Aamina mar ay ka hadlaysay muhiimada uu leeyahay wax akhrisku waxay tidhi Qof kasta aqoontiisu waxay leeg tahay inta uu akhriyo .

Agaasimaha guud ee Wasaarada Madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar oo isna h alkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Waxaan hambalyeynayaa Naadiga akhriska iyo wax qorista ee Cabdi Iidaan Faarax loogu magac0-daray ee ku soo biirey naadiga akhristayaasha iyo wax qorista ee dalka ka jira .

Naadiyada akhriska intoo badan xidhiidh ayaanu leenahay, waxaana na kulmiya wax akhr iska iyo wax qorista. U-jeedada ugu weyn ee naadiyada wax-akhriska laga lahaa waxa weeyaan in aqoonta kor loo qaado. Xagayaga idiyaar ayaanu idinla nahay inaanu idinla shaqeyno . Ayuu yidhi Xasan Cabdi Madar.

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jire oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi Cabdi Iidaan Faarax inaga ayey wax ina tareysa inaynu suugaantiisa maanta dhiteysano .

Cabdiqadir waxa uu soo jeediyey in Suugaantii Cabdi dadka oodhan la wada gaadhsiiyaa, waxanu yidhi Waa inaan suugaanta oo kaliya lagu daynin, ee waa in la faafiyaa oo dadka la gaadhsiiyaa. Shacabka ayaa suugaanyahankiisa iyo Af-Soomaaligiisa qiimeeya, markaa innaga ayaa is-qiimaynayna .


Axmed Maxamed Shaqale oo ka tirsan Naadiga Wax akhriska ee Timacade oo isna ku had layey Afka Naadiyada wax akhriska ayaa soo dhaweeyey Naadigan Cusub ee Wax akhris qorista ee Iidaan Readers Club.isla markaana ka sheekeeyey taariikhda naadiyada hore u jirey iyo heerarka kala duduwan ee ay soo mareen.