Xaflad Balaadhan Oo Ay Qabsadeen Ardeydii Sanadkan Ka Qallinjabiyey Kulliyada Maamulka Iyo Maareynta Jaamacadda Hargeysa .
 

 


Hargeysa (TNN)-Ardeydii Sanadkan ka qallinjabisey Jaamacadda Hargeysa gaar ahaan kulliy ada Maamulka iyo maareynta ayaa xaflad balaadhan oo ay ugu tallo galeen iney Ku sagootiy aan macalimiintoodii islamarkaan ahayd Casho sharaf ku qabtey Hotel Impreal Ee Magaaalad a Hargeysa.

Xafladani oo aheyd mid sibalaadhan losoo abaabuley waxaa kasoo qayb galley Prof Axmed Gaheyr .Prof Odowaa.Prof ,Maxamed Maxamuud Cige.Gudomiyhii Gudida Qabanqaabada Ardeyda Khadar Yusuf Xirsi,Maxamed Cabdi Iyo C/laahi Guure.


Ugu Horeyn Waxaa xafladaasi kahadley Gudoomiyihii Gudida qabanqaabada ardeyda Khadar Yusuf Xirsi.Waxaanu khadar kawarbixiyey Mudadiia y kujireen waxbaarshada Jaamacada iyo heerarkii kalla duwana ee ay soo mareen waxaanaa uu sidoo Kalle Md Khadar Sheegey iney xafladani oo ay qabteen kulliyada Maamulka ee Jaamacada Hargeysa ka qallinjabiyey Sanad kani ay ugu talla galeen iney macalimiintoodii Mudada waxsoo bareysay ay ku abaal mariyaa n sidoo kalle Ardeygii ugu sareeyey Kulliyada Maamulka Ee Jaamacada Hargeysa Sanadkani oo ahaa Fu,aad Daahir Salaan Ay ku Abaal mariyaan.waxaa uu khadar sheegey iney ardey ahaan isku xidhanaan doonaan oo Aaney sidaa ukalla tagi doonin waxaanu umahadnaqey maamulka,macalimiinta iyo Dhamaan shaqaalaha Jaamacada Hargeysa Mudadii way wax soo baranayeen sidii fiicneyd Ee ay ulal dhaqmeen.

Aqoonyahan Maxamed Abdi Oo kamid ahaa Aqoonyahankii Sanadkan kaqallinajbiyeyJaamac ada Hargeysa Gaar ahaa kulliyada Maamulka iyo Maareynta ayaa sidoo kalle Hadalkooban oo uu halakasi kasoo jeediyey uga mahadnaqey macalimiintii mudadaas Wax soobareysay sidoo kalle waxaa uu umahadnaqey dhamaan ardeyda ay waxsoowada Baaranayeen isagoo kula dardaarmey iney isku xidhanaadaan ooay iskawarhayaan Waxaanu Aqoonayahan Maxamed Cabdi Ku Dheeraadey Qiimaha ay Aqoontu Leedahey.


Prof Axmed Gaheyr .Prof Odowaa.Prof ,Maxamed Maxamuud Cige oo kamid ahaa Macalimiintii ardeydaasi wax soo bartey Ayaa Xafladaasi kasoo jeediyey Hadalo qiimo leh Oo isku jira wa ano,wacdi iyo Dardaaran waxaaney si qoto dheer ugu gubaabiyeen Dhallinyarada Wax bara tey iney aqoontooda dalkood galiyaan oo ay ugu shaqeeyaan.

Sidoo Abwaan C/risaaq.C/rashiid,C/laahi Guure Iyo Ilhaan Oo kamid ahaa ardeyda ayaa Xafl adaasi kasoo jeediyey Gabey,Hadalo waano ah iyo Gubaabin.
Gabogabadii Xafladaasi waxaa Shahaado sharafyo lagu gudoonsiiyey Prof Axmed Gaheyr Prof Odowaa.Prof ,Maxamed Maxamuud Cige oo ahaa Macalimiinta ardeyda waxsoo Bartey sidoo kalle waxaa Shahaado Sharaf lagudoonsiiyey Ardeygii ugu sareyey Kulliyada Maamulka Ee Jaamacada Hargeysa Oo Ahaa Fu,aad Daahir Salaan.Xafladani ayaa kusoo Gabogabawdey Jawi Fiican.

 

Ahmed Mohamed Shaqalle