XAFLAD AAD U WEYN OO LOOGU SAMEEYAY MINNESOTA-USA MUSH ARAXA MADAXWEYNE KU XIGEENKA UCID MUDANE C/RASHIID XASAN MATAAN IYO WACDARIHII HALKAAS KA DHACAY



Minnesota: Habeenkii xalay ahaa ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota xaflad aad u weyn oo lagu maamuusayay ku xigeenka musharaxa madaxweyne ee UCID, mudane C/rashiid Xasan Mataan. Xafladaas oo ahayd mid run ahaantii aad iyo aad looga soo shaqeeyay ayaa waxa iskugu yimid dadweyne aad iyo aad u tiro badan oo ka kala socday dhamaanba qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Somaliland ee degen gobolkan Minnesota iyo weliba marti-sharaf kale oo badan ka kala yimid goboladda kale ee dalkan Maraykanka si ay uga soo qayb galaan xafladdan. Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in ay xafladan kasoo qayb galeen marti sharaf kale oo ka socotay dawladda Maraykanka oo uu hor kacayay Senator Dan Hall oo ah Senator aad caan uga ah gobolkan Minnesota isla markaana ka mid ah asxaabta siyaasadeed ee aadka ugu ololeeya qadiyadda Somnaliland.

Xafladaasi oo ay ka soo qayb galeen dad aad iyo aad u tiro badan ayaa la odhan karaa wax ay ka mid ahayd xafladdihii ugu waaweynaa ee abid ka dhaca Minnesota ee lagu soo dhaweeyoi musharax siyaasadeed oo ka socda Somaliland. Waxa halkaas ka hadlay marti sharaf badan oo isugu jiray muxaafid iyo mucaarid, rag iyo dumar, dhalinyaro iyo waayeel, wadaad iyo waranlehba. Run ahaantii waxa goobtaas la isku dhaafsaday khaftan, talooyin iyo figrado caafimaad qaba.

Iyada oo run ahaantii aan la soo koobi Karin marti sharaftii iyo madaxdii halkaas ka hadashay waxase xusid mudan qudbadihii wax ku oolka ahaa ee ay halkaas ka jeediyeen: Qudbisamaan Imam Shiikh Sacad, Siyaasi Axmed Ugaas Jaamac (Axmed Umad), Oday Cabdi Iimaan, Suldaan Abubakar Wabar, Xoghayaha Arrimaha Dibedda UCID Mudane Yusuf Budle, Senator Dan Hall, Former Congressman Dan Severson, Gudoomiyaha UCID ee USA Mudane Xasan Yonis C/lahi iyo Professor Saleebaan Cige.

Senator Dan Hall oo halkaas ka hadlay ayaa aad iyo aad ugu nuuxnuuxsaday sida uu ula dhacsan yahay horumarka ay gaadhay Somaliland iyo weliba sida ay dadkeedu isagu tashadeen iyaga oo aan cidnaba wax ka sugin ee u dhaqaaqay siddii ay iyagu dalkooda iyo dadkoodaba ugu horumarin lahaayeen. Senator Dan Hall ayaa halkaas ka sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu booqasho ku imandoono Somaliland dhamaadka bisha Januari. Sidda uu sheegay Senatorkanu waxa ay booqashadaas ku tegidoonaan caasumadda Somaliland iyaga oo ka kooban saddex sarkaal ooMaraykan ah, ujoodadooda ugu weyna ay tahay siddii uu usii fahmi lahaa qadiyadda Somaliland si uu u gado qadiyadda Somaliland oo uu aad ula dhacsan yahay.

Qudbado badan kadib, waxa halkaas ugu dambayntii qudbad aad iyo aad u qiimo badan ka jeediyay Musharax C/rashiid Xasan Mataan oo run ahaantii aad iyo aad loogu qushuucay sida dheeliga tiran ee uu uga xog waramay geedi socodka siyaasadda ee Somaliland. Musharax C/rashiid waxa uu si fiican uga waramay qorshaha iyo ajendaha siyaasadeed ee u yaala xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID isaga oo sheegay wax qabadka dhamaanba xukuumaddihii iskaga kala dambeeyay maamulka Somaliland iyo kolba meeshii ay soo gaadhsiiyeen. Waxa uu Musharaxu si aad ah uga sheekeeyay waxqabadka xukuumadan hadda joogta iyo weliba waxyaabaha ay ka tagtay iyo waxa uu Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelku ka bedelidoono marka uu ku guulaysto hogaanka dalka.

Waxa aan la hilmaami Karin fanaanadda Caanka ah ee Hodan C/raxmaan oo halkaas kusoo bandhigtay heeso si gaar ah looga soo shaqeeyay iyo weliba hees cusub oo ay goobtaas bacda kaga jartay oo si gaar ah loogu sameeyay Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka ee UCID.

Waxa kale oo aan marnaba la hilmaami Karin in la xuso mahadi ha ka gaadhee Mudane Maxamed Maxamuud C/laahi (Shiine) oo isagu ahaa qabanqaabiyaha xafladdan, isla markaana masuulka ka ahaa maamulka iyo soo dhaweynta Musharax C/rashiid Xasan Mataan mudada uu socdaalka ku joogo gobolkan Minnesota.

Xafladaas oo ku dhamaatay guul iyo is fahan ayaa ugu dambayntii lagu soo gunaanaday musharaxa oo halkaas kaga jawaabay su’aalo toos ah oo ay weydiinayeen dadweynihii kasoo qayb galay xafladaasu.

Fadlan la soco sawiro kale iyo kulanada kale ee uu Musharax C/rashiid Xasan Mataan kula galay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland ee ku dhaqan gobolkan Minnesota.



UCID Media