xaflad aad u wayn o ka dhacday dalka faransiiska magaalada rennes taas oo lagu xusaayay sanad guuradii 51 kontonaad ee ka soo wareegtay marki ay somaliland xoriyada ka qaadatay guumaystihii ingiriiska
 

 


Rennes,France,  02 July 2011(TNN)- Waxaa lagu qabtay magaala madaxda gobolka biritaang ee dal ka faran siiska xaflad si aad ah loo soo agaasiimay taas oo lagu xusaayay sanadguurada 51 konton aad ee ka soo wareegtay markii ay somaliland ka qaadatay xoriyadeeda guumaystihii ingiriiska san adii 1960 june 26 keedii maalin taas oo ah maalin ku leh qiime aad iyo aad u wayn dhamaanba shacbi waynaha reer somaliland iyo umada geeska afrikaba.


Munaasibadaa qaaliga ah oo ay qaban qaabadeeda iyo isku duba ridkeeda lahaayeen si wayna aanu ugu mahad celinayno mudanayaasha iyo marwooyinka hoosta ku qoran :


1-Axmed Cabdilaahi Nuur iyo Marwadiisa Foosiya Ciise ,oon la aantood suura gasheen munaasibadan qaaliga ahi


2-Axmed Ciise Nuur iyo Marwadiisa Rooda Axmed


3-Idiris Cali (Ina Cali Bidaar) iyo Marwadiisa Raxma


4-Sahra Maxamuud (oo uu adeer u yahay Mujaahidkii waynaa, alla ha u naxariistee Xasan Yoonis Ha bane


5-Jibrii


Aniga oon soo koobi karayn dadkii soo qaban qaabiyay xaflada , waxaaan kaloon u mahad celinayna a gudidii dhalinn yarada ee sida sharafta leh iyaguna ula shaqaynaayay qaban qaabiyayaasha iyo labada fanaan ee iyaguna wakhtigooda qaaliga ah u soo huray,  waaa Nuur Daalacay iyo Sahra halg an , oo iyaguna si diirasho leh uga qayb qaatay munaasibadaaa lagu xusaayay sanad guurada 51 to naad ee ka soo wareegtay markii ay somaliland 1960 kii jun 26 keedii , ka qaadatay xoriyadeeda guu maystihii ingiriiska.


Madasha waxaa laga soo jeediyay khudbado kala duwan oo ku saabsan 26 jun iyo qiimaha ay ugu fa dhido somaliland oday axmed cabdilaahi nuur ayaa si kooban ugu hambalyeey dhamaanba shacbi wa ynaha reer somaliland .Waxa kaloo isna goobta ka hadlay Maxamuud Cabdi Sulub Maxay, Kayse Cala nle Xasan iyo Maxamed Axmed Cisman (Indho) , oo isna ka so jeediyay madasha khudbad aad u qiim o badan isaga oo shacbiga reer somaliland meel kasta oo ay jogaan u diray fariin ah in ay ilaashada an xoriyadooda iyo madax banaanidooda kuna faro adaygaan taas oo uu dhiig badani u daatay isku so wada duubo waxaan idiin soo gudbinaynaa sawiro ku saabsan xafladaa iyada oo daawasho ahna waanu idiin soo diri saacadaha soo socda.