XADHIGA MAAMULKA HAATUF, SOMALILAND TIMES IYO HUBAALNEWS
Distoorka Somaliland iyo xeerarka ka farcamaaba waxay sid cad u
qeexayaan xoriya adka asaasiga ah ee muwaadinka iyo waajibaadka la
xidhiidha. Ku dhaqanka shuruuc da dalku waxay ka tarjumaysaa kala
dambeynta iyo dhowrista sharciyadda si uu u h ana qaado nidaam ay ku
dheehantahaya caddaalad iyo sinnaan hoosta ka xariiqaysa hab-sami u
socodka dowladnimo.
Waxa xaaraan maqdac ah in la adeegsado xeerkii ciqaabta (Penal Code)
ee lagaga dh aqmi jirey Soomaaliyadii haligantay iyadoo sharcigii
saxaafada ee dhaqan galay 2004 dalka ka jiro. Garsoorayaasha
dacwadda lagu riday maamulaha iyo tafatiraha Warge yska qaabka ay
dacwada u maamuleen waxa ka muuqata in meel kale laga hagay oo arrin
madaxtooyada lagu go'aamiyey ayey fulinayeen taasina sidii
madaxtooyadu jec leyd ayey u fushay. Dacwadani waxay daaha ka fayday:
In shakhsiyaad aan qaranka xil u haynini awoodi dalka toos ula
wareegeen siday had ba doonaana ugu takri falaan;
Awoodihii u kala xadaysnaa waaxa Fulinta, Waaxda Garsoorka, iyo
Waaxdii Sharci Dejinta oo gebi ahaantoodba ku ururay qasriga
madaxtooyada. Sawirku waa ifafaalihii sannadkii 1987 markaas oo
Guddoonkii Ururkii SNM, Guddoonkii Golihii Dhexe ee Ururka, iyo tii
Golihii Fulintaba gacanta loo geliyey Md. Axmed Maxamed Maxamuud oo
xiligaa aha Guddoomiyihii SNM!! Wuxu yidhi dugsiga iyo dayax isku
toosanaa. Waa cajalad hadba dib u soo cusboonaanaysa; waa masraxiyad
aan bilow iyo dhammaad midna lahayn.
Milgihii, karaamadii, xormadii, iyo sharaftii Somaliland oo
xukuumadda dalka ka talisaa dhulka jiiday;
Xukuumaddii talada loo igmada oo gudo iyo debedba hawlihii
dibloomaasiyadeed si foolxun ugu fashilantay;
Xukuumaddii talada dalka lagu aaminay oo u xuusiibatay qabyaalad,
kala qoqob, qaraabo kiil, eex, iyo hanti urursi;
Khayraadkii dabiiciga ahaa ee bad iyo berriba ku jiray ee ummadda ka
dhexeysey oo shirkado shisheeye hadiyad loo siiyey; heshiisyada
shirkadaha shisheeye xukuumaddu la gasho way ka gows adeygtay in
horkeento Dolaha Sharci Dejinta sida distoorka qaranku jideynayo;
Xukuumada maanta jirta waxa kale oy ku fashilantay sugidda
soohdimihii dalka waa taa bulshadii caalamku inagula soo dhiiratay
deel-qaafyo lid ku ah qarannimadeenii iyo jiritaankeeni daawacay
gaadhsiisay oon ilaa maanta jawaab cad xukuumadu ka bixin la'dahay;
Doc kastoola eegaba waxa markhaati madoon ah dalkii oo heehabaya.
Madaama Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali Cige maxakamadu diiday
in ay dhegey sato caddaymihii la xidhiidhayey musuqmaasuqii wargeyska
Haatuf sida taxanaha ah u baahiyey. Xukunka lagu riday Gaboobe iyo
Cige waa mid baalmarsan curfiga xeerarka dunida lagaga dhaqmo waana
mid toos uga hor imanaya distoorka qaranka Somalilan d; waa garsoor
hagaasay iyo caddaalad majara habowday. Sharci lagu tunto iyo
xoriy ad la cabudhiyaa horumar inoo horseedimaayaane jidkan guracan
xukuumaddu dib ha uga fiirsato. Bulshoweyntii caalamka ee
waxqabsigeena inagu ammaani jirtey maanta cambaareyn aan kala go'
lahayn waa taa ina huwisey. Waxa haboonaan lahayd in sha rciyadda
dalka dib loogu soo dabbaalo.
Isku soo wada duuboo gaddaandhabadkani wuxu daaranyahay waa xaalad
abuur iyo xeelad muddo kordhineed iyo sii jecleysi ku negaanshaha
kursiga; taasina waxay sii kordhin doonta ummadda oo xisbul-xaakimka
iyo xukuumadaba kalsoonidii kala laabta,
Axmed Cali Ibrahim Sabeyse
June 30, 2014.
|