Xadhiga Luul Xasan Mataan waa xasarad iyo xagjir beelnimo....Qaybtii 1aad.
Hamud Duale

 


Xadhiga Luul Xasan Mataan waa xasarad, waa xaq daro, waa xisdiga dhallaanka nolosha darbi jiifka ah, waa saajin bay dhaaftay iyo Garaad nin la yidhaa. Waa dhenged baanu kaaga soo sa ari xafiiska iyo caadooyinkii KULMIYE. Waa waxyaabihii Cali Gurey uga baxay KULMIYE, waa wux uu Boobe xawdka ula dhacay, maamul xumadeeda. Waa wuxuu Reyte, ka xarago qaatay. Waa wuxuu Dhegaweyne ugu xishoon waayey, xididnimo u xeerin waayey. Waa waxay labada xas an, waa Ciise iyo Guure ka dardaar weriyeen. Waa wuxuu ina Xirsi qatale, xaska ugu jiraa! Waa wuxuu ina Mire u ag joogsan waayey. Waa waxa Cabdiraxmaan Tolwaa foosto gobolo iskugu ge nbiyey. Waa waxaan aniguna warlaay, weligay allahay kaa waanin jirey. Waa wuxuu u xidhan yahay aqoon yahan Jiir.

Luul Xasan Mataan waxaa iigu horeysey magacadee iyo maqalka hawlaha samafalka ee ay ka fuliso Somalilland gaar ahaan magaalada Hargeysa iyo derbi jiifka, maalin aan booqday goob la gu caweeyo amma lagu barjeeyo oo ku taal galbeedka London.

Waxaa dadweynihii goobtaa ku madadaaloonaye, hor taagan wiil dhallinyaro ah oo ku goobaab inaya, in ay lacag iska ururiyaan, lagu deeqo dhallaanka ay maama Luul Xasan Mataan, ka soo ururisay derbiyada, ee ay xarun lagu barbaariyo, wax lagu baro oo lagu quudiyo u furtay.

Wiilkaa dhallin yarta ah ee u damqaday dhallaanka darbi jiifka, markaan hoos u waraystay, wax aan ogaadey in uu rajay laftiisu ahaa, oo hooyadii dhimatay isaga oo bilo jirey, islamarkaana isaga oo sebi, ay dani baday in uu ku biro ciidamadii SNM iyo qaxootigii. Siduu ii sheegay, waloo uu yaraa, gacan rag ayuu ka geystey hawlihii markaa lagu jirey.

Wiilkii waxaan u balan qaaday, in aan gurmadkaa kala qayb galo. Dhammaan dadkii caweyskaa ka tirsanaana, way bilaabeen in ay bixiyaan qaadhaan joogta ah oo lagu deeqo Xarunta darbi jiifka. Waan kuu sheeko dhaafaye, wiilkani inkasta oo aanu camal hagaagsan hayn marbuu jee bkiisa, keligii xarunta lacag u diray, siduu ii sheegay, waayo wuxuu dareensan yahay dhibtay leedahay darbi jiifnimo iyo rajaynimadu. Iskii ayuu isku xil qaamay. Boqolaal la mid ah ayaa jira wiilkan, oo wixii wanaagsan gacan ka geysanaya.

Haddaba intaanan goobtii caweyska ee aan wiilka kula kulmay, ku rogaal celinba, markii labaad ee aan maqlo magaca Luul Xasan Mataan ee iigu xigtey, waxay noqotay, waa la xidhay iyada iyo carruur ay dhashay, dhallaankii xaruntaa saq dhexe laga sasiyey iyo ciidamaa la wareegey.

Belo ku degtey, Afriki waa dhallaan neceb, waa tabtii Abwaan Cabdi Adan Qays sheegay ee uu ku muujiyey doodii dhex martay ilmo uurka ku jira oo hooyadii la doodaaya, oo diidey in uu dhas ho oo hooyadii ka furto xanuunka foosha. Waa tii hooyadii lahayd: “Dhalo hooyo, dhalo hooyo I soo dhaaf”, isaguna lahaa: “Dhalan maayo, afrikaba dhammaanteed ku dhalan maayo, diintaan lagu dhaqmeynoo ku dhalan maayo” (heestaa waxaan u dhaafaya in uu Cumar Daarood inna maqashiiyo).

Waa innoo qaybta 2aad.