xadhiga boqor buurmadaw cafis kaliya ka culus (Sharci daro aan hore loo arag)

 



Shacabka somaliland waxay 1988 ka dagaalameen cabudhin iyo caga juglayn waxana loo gal ay halgan dheer sidii looga bixi laha cadaadiskii dawladii kacaanku umada ku haysay.

Dawladii kacaanku waxay inta badan caadaysteen waxay ku sheegi jireen[xadhig rumaana]
kaas oo aan qofka wax maxkamada ama danbiya lagu soo oogi jirin hadana xabsiga  laga yaa bo inuu ku jiro mudooyin sanado kor u dhaafa.waa la diiday nidaamka waana laga dagaalamay waxaana nin waliba ku waayay dad iyo duunyaba

Maanta miyay haboon tahay in somaliland isla nidaamkii laga dagaalamay lagula kaco dadka m uwaadiniinta.Boqor Cismaan Buurmadaw ayaa mudo 4 bilood wax ka badan ku xidhnaa xabsiga hargaysa ayadoon wax maxkamada la keenin miyaanay tasi cadalad daro ahayn waxa laga ya aba qaar badan oo inaga mida markay akhriyaan qoralkan ay yidhaahdaan ninkani waa nin da wlada iyo madaxwaynaha ku kacsan.

Maya taasi maaha mid xaqiiqa balse dulmiga hadaad aragto waxa kugu wajiba inad wax ka qa bato ama ka hadasho hadii intaa aad awood u waydana inaad niyada ka nacdo sida xadiisku sheegtay

Inta caqliga qabtaa way garan karaan ama fahmi karaan xadhigan Boqor Cusmaan cawaaqib xumada uu dalka ku yeeshay waa la cafiyay iyo waa la sii dayay oo kaliya xaalku maaha shee kadu cafis iyo xoriyadiisii ayaa loo soo celiyay ka wayn,waxa meesha taalaa waxa weeyee m axaa Boqorka Maxkamad Cadaaliya loo hor keeni wayay?
hadii boqorla lagu hayo aflagaado madaxwayne maxaa eeda lagu haysto si sharciya maxkama da loo horkeeni waayay?.wasiirka arimaha gudaha shaqadiisu ma waxay tahay inuu wixii la yid haa way hadleenba gudaha dhigaa,dalku miyaanu lahayn kala danbay iyo maamul iyo sharci.

Aflgaadadada madaxwaynaha dalka soomaliland waa mid aan banaanayn qof kasta oo wax ka sheegana waa danbiile anagaa taa taageersan waxase qofku xaq u leeyahay in tuhun kasta oo lagu soo oogo si sharciya maxkamad loogeeyo you are innocent until proven guilty waa sid a sharcigu dhigaayo in qofka intaan lagu cadayn danbiga ee aan laga hor qirin maxkamada la guna helin danbiisa uu yahay qof aan wali danbi lahayn ka yeeli mayno dawlada in sidii dawlad ii kacaanka muwaadiniinta jeelka lagu guro.

Gabagabdii

Dawladu xaal ha siiso sadex xubnood sadexdaba iyo magdhaw gaara

1. Boqor Cusmaan Buurmadaw dawladu xal ha siiso hana siiso magdhaw buuxa mudadii uu sha rci darada ku xidhnaa

2. Shacabka uu Boqorka u ahaa Boqor Cusmaan buurmadaw ee ayagu boqornimada u doortay

3. Shacabka soomaliland ee afcaashii ay ka dagaalameen hortooda la keenay taana xaal haka bixiso

Hadalka ugu danbeeyana waxaan leeyahay

Ha la xaaraantimeeyo xadhiga rumaanka dastuurka iyo sharcigana halaga saaro wadaadada dalka joogana waxaan leeyahay kutubta aad sidataan waxa ku qoran ka hadla oo dulmiga la gu hayo shacbiga diida hadii kale iska xiira gadhka khamiisyadana bixiya ha noqonanin wadaa dii kacaanka u adeegi jiray .

HAL SU,AALANA WAXAAN LEEYAHAY

Dawladu haday sharciga jiidho tolow dadkuna muxuu samaynayaa?


wabilaahi tawfiiq

 

 

 


Siciid Cabdi Dheen

dheen2011@hotmail.co.uk
London