Wer Deg Deg Ah:-Maxkamada Degmada Hargeysa Oo Xukun Iskugu Jira Xadhig iyo Ganaax Lacageed Ku Ridey Masuuliyiinta Wargeyska Hubaal

 



Xoghayaha ururka suxufiyiinta somaliland"hadaanu nahay ururka suxufiyiinta somaliland n.....
 

Hargeysa (TNN):- Maxkamada degmada Hargeysa ayaa xukunka ku riday labada masuul ee ka tirsan wargeysa hubaal kuwaas oo kala ah Mareeyaha wargeysa Hubaal Maxamed Axmed Jaa mac(Caloolay) oo ay maxkamadu ku riday hal sano oo xadhig ah iyo hal milyan oo lacagta Som aliland ah taas oo looga dhigay ganaax, halka tafatiraha wargeysa Hubaal-na isna lagu xuku may laba sano oo xadhig ah iyo hal milyan oo Somaliland shilin ah.


Garsooraha kiiskan qadayey oo lagu magacabo Cismaan Ibraahim Daahir ayaa sheegay in kiis ka loo cuskaday xadhiga iyo ganaaxa lacageed uu yahay oo dambi looga dhigay waxa aad afl agadayseen madaxwaynaha, waana falkii u horeeyay ee lagula kaco saxaafad madax banaan.


Dhinaca kale xoghayaha guud ee Ururka saxafiyiinta somaliland ee SOLJA Maxamed Rashiid oo markii xukunkani dhacay saxafada kula hadlayey afaafka hore ee maxkamada ayaa sikulul u cambaareeyay xukunkan cadaaladarada ah,"hadaanu nahay ururka suxufiyiinta somaliland w axaan cabaaraynaynaa falkan cadaalad darada ah,waxaan ugu baaqayaa dadka u dhaq dhaq aaqa xoriyatul qawlka in ay soo faragaliyaan arrintan saxafada madaxa banaana waxan ugu baaqayaa in ay sameeyan shaqo joojin caalamiya,oo anay mudo soo bxin warbaahinto hadii kale barina waxa la xidhayaa wargeys kale, Siilanyo wuxuu samaynayo muu samayn jirin Siya ad Bare ,waxanuu noqday digtaytar caalamiya oo ka soo baxay geeska Afrika"


si kastaba ha ahaatee waxa isasoo tarayey baryihii u dambaysay cabudhinta caga juglaynta iyo hagar daamada ay xukuumadda kulmiye ku hayso saxaafada madaxa banaan waana mid ka mid ah talaabooyinka ay xukuumaddu ku cabudhinayso saxafada xorta ah ta kuwaasi oo ku qancin waayey laaluush.

 


Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland