Xaaskii iyo Awlaadii uu dhalay Alle ha u Naxariistee Mujaahid Mahdi Cali Bidhiidh oo Si Wayn loogu Soo Dhaweeyay Hargeisa.

 

 

Xaaskii iyo Awlaadii uu dhalay Alle ha u Naxariistee Mujaahid Mahdi Cali Bidhiidh oo Si Wayn loogu  so o Dhaweeyay Hargeisa. Marwo Maryan Ciise Kibaar oo ahayd alle ha u Naxa riistee Mujaahid Mahdi Cali bidhiidh...... Daawo Sawiradda

 

Hargeysa (TNN)-Xaaskii iyo Awladii uu dhalay Alle ha u Naxariistee Mujaahid Mahdi Cali Bidhiidh a yaa saaka ka soo Degay Madaarka Berbera ee Gobolka saaxil, halkaasi oo Dawayne iyo Baabuur tiro bad an u soo Galbiyeen dhinaca Magaalada Hargeisa.

Marwo Maryan Ciise Kibaar ,oo ahayd alle ha u Naxariistee Mujaahid Mahdi Cali Bidhiidh iyo Laba ka m id ah Awladii uu ka Tagay Mujaahidku oo kala ahaa Mustafe Mahdi Cali iyo Halgan Mahdi Cali oo ka yim i Wadanka Ingiriiska ,ayaa Saaka Si diiran loogu soo Galbiyay Wadankoodii hooyo oo ay in badan ka m aqnaayeen.


Caruurta uu dhalay Mujaahidka iyo Xaskii uu ka Geeriyooday Mahdi Cali ayaa Qado sharaf loogu Same eyay Hotel Kaah ee Magaalada Hargeisa, halkaasi oo ay si kal iyo lab ah ugu Qaabileen Qaar ka mid a h Mujaahidiintii soo gaadhay Mahdi Cali ,oo ay ka mid ahaayeen Mujaahid Maxamed Aad an Warsame (Guuto Liqe), Mujaahid Maxamed C/laahi Xuseen, iyo Dadwayne kale oo tiro badan oo ka mid ah haldo orka Bulshada Somaliland.



Alle ha u naxariistee Mujaahid Mahdi Cali Faarax, oo ka mid ahaa Mujaahidiinta Taariikhda ku lah aa Halgankii Dalka lagu xoreeyay kana mid ahaa Halyayadii naftooda u huray Xoriyadan Maanta Somalila nd ku naaloonayso.



Alle ha u naxariistee Mujaahid Mahdi Cali Bidhiidh ,oo dhacdooyin badan oo Taariikhi ah ku lahaa Halg ankii SNM,  ayaa lagu Xasuustaa inuu ahaa warshad soo saarta Ciidanka SNM iyada oo ay ka mid aha ayeen Ciidamada ka soo baxay Xeradii Tababarka ee Awaare ee uu Madaxda ka ahaa Halyaydii Burco Duuray ku shahiiday iyo Halyayo kale oo Taariikh ku lahaa SNM.
 

Mujaahid Mahdi Cali ,waxa uu Taliye ka ahaa Guutadii Shanaad ee Fadhigoodu ahaa Toon, Waxaa nu ahaa Halyaygii Talaabay isaga oo ciidankiisa iyo Baabuurkiisa wata.



Gudidii Qaban qaabada Soo dhawaynta Caruuta iyo Xaaskii Alle ha unaxariistee Mujaahid Mahdi Cali ayaa sheegtay inay u Qaban doonaan Xaflad Balaadhan oo lagu Xusi doono Mujaahid Mahdi Cali isla markaana lagu soo Bandhigi doono Taariikhdii uu ku lahaa Halgankii dheeraa ee lagu Xoreeyay Dalka Somaliland, taasi oo dhawaan lagu Qaban doono Hargeisa.


 



Mustafe Future
mccfuture@hotmail.com
Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland