Xaasha! Marwo Samsam Cabdi Aadan maaha masuul marnaba loo aanayn karo cunsuriyad iyo qabiil



Xaasha! Marwo Samsam Cabdi Aadan maaha masuul marnaba loo aanayn karo cunsuriyad iyo qabiil , waxanay hormood ka tahay horumarka waxbarashada dalka W/Q: Khadar Xasan Isaaq


Marka hore waxan salamaay dhammaan warbaahinta madaxa bannaan ee sharafta leh ee dalka iyo dibaddaba. Waxan jecelahay inaan halkan kaga jawaabo maqaal ku soo baxay Mar eeggta Hadhwanaag News 28kii bisha July oo uu qoray nin magaciisa ku sheegay Axmed Ha aruun kaasoo uu ku duray waxqabadka Wasiirka Waxbarashada Somaliland, kagana hadlay deegaanno gaar ah oo koonfurta Hargeysa ku yaalla.


Maqaalka uu Axmed Haaruun qoray wuxu gebi ahaan ahaa mid aan xaqiiqada ka turjumayn, isla markaana uu muuqda weedho uu ku tiraabay shakhsi ku dabaqaya dano gaar ahaaneed oo laga yaabo inuu Wasaaradda ka waayay ama u suurtoobi waayay.


Sida la wada ogyahay ee aan cidna ka qarsoonayn Wasiirrada Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Marwo Samsam Aadan waxay safka hore kaga jirtaa masuul iyiinta ugu waxqabadka badan ee daacadnimo, karti dheeraad ah iyo hufnaan badan u muu jiyay xilka qaranka loogu magacaabay mudadii gaabnayn ee xukuumadda immika talada hays aa dalka hoggaaminaysay. Marwo Samsam waxay xil u haysaa qaranka Somaliland oo dham maan gobollada, degmooyinka iyo deegaannada uu ka koobanyahay leh, umana hayso xil deegaanno gaar ah, qoys iyo qabiil midnaba taasoo fiican inuu ninka waraaqda qoray marka hore fahmo. Mudadii ay Wasiirradu xilka haysay, waxa markii u horraysay taariikhda qaran ka Somaliland la shaqaaleeyay, lana gunneeyay tiradii ugu badnayd ee macalimiin ah, waxa na deegaanno iyo degmooyin kala duwan laga dhisay dugsiyadii ugu badnaa ee abid mudad an lagu hirgeliyo.


Waxan filayaa inaan qoraaga maqaalkaasi waxbadan xog ogaal uga ahayn adeegyada waxb arasho, baahida iyo siday xagga waxbarashada wax uga jiraan ama wax looga qabtay deeg aannada degmada Faraweyne haddiiba uu isagu ka soo jeedo degmada. Dhammaan deegaa nnada maqaalkan lagu sheegay ee degmada Faraweyne waxa ka jira dugsiyo hoose iyo hoo se/dhexe, waxana mudadii ay Wasiir Samsam Cabdi Aadan xilka haysay laga dhisay dugsi hoose/dhexe deegaanka Sayla-galbeed.


Mudadii ay Wasaaradda qabatay Marwo Samsam Cabdi Aadan, waxa ka gunnaysnaa 28 mac alim oo kaliya degmada Faraweyne oo ay markaas ka jireen 19 dugsi hoose iyo hoose/dhex e, waxna ka dhigayeen tiro ka badan 60 macalin. Muddo seddex sano ka yar, waxa ku soo kordhay degmada afar dugsi hoose/dhexe oo kala ah Cadaroosh, Waraabalay, Maraagga iyo Cabdi-samad oo isu gayn tiro ku dhaw 300 arday ay immika waxka bartaan, dhammaann a ka shaqeeyaan macalimiin badankoodu gunnaysanyihiin, waxana la gunneeyay mudadaas macalimiin tiradoodu ku dhawdahay 30 macalin guud ahaan degmada.


Waxa hubaal ah markaan caqli saliim ah oo aan cunsuriyad iyo cudur qabin ku fikirayno in sa amigaas waxqabad ee degmadu ka heshay waxqabadka Wasaaradda Waxbarashada mudad an gaaban ay wax lagu faano tahay, waxase aan la dafiri karin inuu liito doorka waxqabsiga bulshada deegaannadan ee sida doorka qurbajoogga, ganacsatada iyo culimadaba marka loo eego qaarka mid ah d degmooyinka kale ee gobolka sida Salaxley, Allaybaday iyo meelo kale.


Waxa aan la dafiri karin in Wasaaradda Waxbarashadu hormood ka tahay degmada marka la eego adeegga waxbarashada halka aanay Wasaarado kale ka jirin degmada badankeeda ama dhammaantoodba.


Sidaa darteed, waxan ku leeyahay ninkaas maqaalka qoray ee magaciisa ku sheegay Axmed Haaruun, waa doqoniimo iyo damiir xumo inaad si indha la’aan warbaahinta uga hadasho, mana aha inaad dhagax kugu soo noqonaya tuurto, waxanan kugula talin lahaa inaad xog ururin iyo daraasad samayso maanta kadib haddiiba aad wax dhaliil is leedahay si aanad uga qoomamoon been abuur, munaafaqad iyo aflagaado sharciga hortiisa iyo ilaahay hortiisaba.
Xaasha, maaha masuul marnaba loo aanayn karo cunsuriyad iyo qabiil Marwo Samsam Cabdi Aadan balse taa bedelkeeda waxan odhan karaa qoraaga maqaalka laftiisa ayaa ku suntan taas.

 



Khadar Xasan Isaaq
Kormeeraha Waxbarashada Degmada Faraweyne
Tel: 4417771
30th July, 2013