Xaalada dhabtaha ee Kulmiye iyo UDUB waxey ku danbeyn doonta KUQABSO KU QADI MEYSIDE

 

Waxaan dhamaan salaamaya shacabka sharafta iyo karaamada badan ee soomaliland meel ey jooganba, waxa kaloon aad iyo aad halkan ugu mahadnaqayaa shabakadaha  barakeys an ee ku abtirsada JSLand ee runtii naga haqab tira wararka iyo maaweelada maalikaste kuwaaso waliba waqtigooda qaaliga ah noo hura

Iyadoon wali komishankii qaranku cayimin xiligii ama maalintii la bilaabi lahaa ololihii  dooras hada eyaad mooda in ey labadii xisbi qaran ee Kulmiye iyo UDUB hugii ama dharkii ba meel sii dhigteen oo ey suuqyadda marayaan iyagood moodo sidii dadkii waalan oo aan laheyn dhaga la qabto.

Waxad inta badan shabakadaha iyo warbaahinta ku arkeysa hanjabaad iyo yaa maali  jirey ay runtiina ku saleysan qabyaalad cad iyo waa nala shiiday, waa nalagu foodhiyay, waa nala caayay iwm, soomalidu hore eyey u tidhi waa la cayay ceeb uun baa ka raacda. wax ad arkeysa oo runtii maragma doono ah ragg siyaasiyin waaweyn isku sheegaya oo an waxba ka xishooneyn oo sidii dadka waalan u dhaqmaya ama caruurta oo wixi afkooda ka soo baxa ba an kantarooli karin oo iska odhanaya, waxaad arkeysa rag waaweyn oo ku andacoonaya kaadhadhbaa la iibsanaya oo xisbi heble baa iibsanaya, waxakalood arkeysa jahawareerka inagu dhacey xisbi leh tirada serverka iyo komishanku kuma qanacsani  isla markaan leh waxanu diyaar u nahay in anu sidaasi ku galno doorasho xor o xaalah Caajiib, waa arin caajibah ama waa arimo an isqaban kuma qancsani iyo diyaar baan ahey!!!! maadaama anu UBUD aaminsaneyn natiijadii seerverka ka soo baxday iyo komiskan  qar anka waa maxay sababata u diyaarka ugu yahay inuu doorsho galo, waa su'aal runtii an shacabka u dhaafi doono jawaabteeda, laakin bal ana an isku yara dayo inaan jawaab yar oo gaaban ka baxiyo wuxu damacsan yahay xisbiga UDUB oo uu aaminsanyahay KUQABSO KU QADIMEYSID markey doorashadu dhamaato ee natiijada la soo saaro.

Waxad maqlaysa madax la leeyahay shan shan kaadh bey sitaan oo ey qaateen Caajiib!!! maadaama ey madaxdii xisbiyadu iyaga laftoodi qaateen kaadhadh badan waa maxay  doo rashada xalaasha ah ee xorta ah ee ey doonayaan Kulmiye iyo UDUB. Waxaad arkeysa ama ad maqleysa Kulmiye iyo UDUB oo isku eedeynayaa kaadhadhbaa la iibsanaya islamarkaan waxanu diyaar u anhey inaan ka qeyb galo doorashada xaala ah, sow aakhristo maad  fah min in arinku noqon doono markay doorashadu dhacdo maaxan sheegay shalaygalab iwm, sow Kulmiye iyo UDUB maaha sheekadoodu KUQABSO KU QADIMEYSIDA, waxaan leeyahay labadaasi xisbi qaran shacabku uma baahna muran iyo waxaad ku hamiyaysan ee ah  door ashada kuqabso ku qadimeysid, doorashadeenu ma noqon doonto tii Kenya ka dhacdey

Waxan shacabka soomaliland ugu baaqayaa in ey maanta dadka iyo dalkaba badbaadiyaan oo ey codkooda ku badbaadiyaan maadaam ey kulmiye iyo UDUB doonayaan in ey  abuuraa n muran iyo nabadgalyo xumo iyo midi midi ka horgee aan runtii loo baahneyn

Wuxu xisbiga UCID shacabka soomaliland ee sharafta iyo karaamada badan ugu balan  qaa daya dhawrka qodob ee hoosta ku xusan, haddii ey doorsho dhacdo ba, waayo waxa  dag aalo ka socdan gobolada bari, kuwaaso ey dadbadan aaminsan yihin arimo lagu  carqalade ynayo doorshada,

Wuxu xisbiga UCID ku qanacsanyahay natiijada u seerverku soo saare ee diiwaan galintii ka soo baxday ee doorashada lagu galin doono inshalle e

Wuxu xisbiga UCID kalsooni buuxda ku qabaa hawlawadeenada komishanka qaranka ee waajibaadkoodii gudanaya loo igmaday

Wuxu xisbiga UCID u hogaansami doona natiijada doorashada ee u komishanku saaro islamarkan u xalaal u arko

Wuxu xisbiga UCID diyaar u yahay inuu hambalyeeyo islamarkan gacamo furan ku soo dhaweya musharaxii naga guuleysta ee u komishanku ku dhawaaqo waa haddii nalag guuleysto

Waxa runtii xaaran ka ah xisbiga UCID muran iyo midimidi ka hor gee iyo KUQABSO KU QADIMEYSIDE marka ey doorashadu dhamaato

Waxaan haddaba ka codsanayaa shacabka soomaliland ee karaamada badan in ey codkooda ku badbaadiyaan dalkooda iyo shacabkooda oo ey u huraan codkooda xisbig barakeysan ee UCID, maanta waa badbaadada qaranimada JSLand xisbiga UCID

Waxaan leeyahay taageerayaasha Kulmiye iyo UDUB maaha inaad codkiina ku burburisaan dalkeena iyo dadkeena, hadaad u codeysan Kulmiye waxba meydaan soo kordhin aan  ah eyn fowdo iyo aargoosi iyo UDUBtii hore inoo soo martey, hadaad u codeysan UDUB waa ka dar oo dib dhal, wuxu maanta dalku heysta jaanis kaliya oo u runtii ku badbaadayo karo KAASO AH XISBIGA UCID oo ad codkiina u hurtaan, TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU  RAF AAD, codkaag ha eersan, gacantaad ha ku burburin nabadgalyada, dhismayaasha iyo  qar animadeena JSLand, codkaaga ka ilaali dagaal oogayaasha UDUB iyo Kulmiye, codkaaga ku ciil bax oo sii UCID si qaranimadu u soo hano qaado oo u dalku ictiraaf iyo hormar u higsado



Wa bilaahi tawfiq



Omar Daarood Hassan

Gudoomiyaha Guud ee Nordic - UCID
Norway