Xaaji Cabdi-Waraabe oo waayay Guddoomiye nimadiisii Guddiga ugu awooda badan

 

Shirguddoonka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa isku-shaandhayn ku sameeyay qaar ka mid ah guddi-hoosaadyada Golahaas.

Isbedelkan oo ku soo beegmay xilli qaybsanaan dhinaca fikirka siyaasadda ahi ka dhex jirto Golaha Guurtida, waxa guddiyada uu saameeyay ka mid ah Guddiga Joogtada ah iyo Guddiga Arrimaha Gudaha. Inkastoo aanu Shirguddoonku si rasmi ah u shaacin isku-shaandhayntan, haddana siday tibaaxeen ilo xogogaal ahi, waxa uu Shirguddoonka Goluhu sidaa ku sheegay qoraal uu Axaddii todobaadkan soosaaray. Warku wuxuu intaa ku daray, in Xaaji Cabdikariim Xusseen (Cabdi-Waraabe) oo ahaa Guddoomiyihii Guddiga Joogtada ah xilkaa laga qaaday, isla markaana loo magacaabay Cabdillaahi Xirsi (Dhugad), halka Xoghayaha Guddigaasna loo magacaabay Maxamed Cali Warsame. Sidoo kale, waxa la sheegay in Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha gudaha loo magacaabay Cabdisalaam Maxamed Siciid, halka Xoghayaha guddigaasna sida la sheegay loo magacaabay Yuusuf Cabdillaahi (Ugaaska).


Talaabadani waxay ku soo beegantay iyadoo muddooyinkan dambe uu kala-qaybsan ka muuqday mudaneyaasha Golaha Guurtida, ka dib markii ay ku kala jabeen labadii Mooshin ee u dambeeyay ee xil-ka-qaadista Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan iyo muddo-kordhintii Madaxtooyada.
 

 


Ogaal