Xaaji Cabdi-Waraabe Oo Taageeray Hadalkii Suldaan Maxamed

 

Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe), oo ka mid ah mudanayaasha Golaha guurtida Somaliland, ayaa labada xisbi mucaarad ugu baaqay inay aqbalaan go’aanka muddo kordhinta,
isaga oo balan qaaday in aanay muddo kordhin dambe iman doonin, waxaanu xukuumada Madaxwayne Rayaale iyo komishanka doorashooyinka u soo jeediyay inay dedejiyaan nidaamka doorashada lagu galayo.

Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen, waxa kale oo uu hadal Munaasib ah ku tilmaamay isla-markaana uu taageeray hadal xanaf leh oo dhawaan ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu ku soo hadal qaaday dagaaladii sokeeye ee sannadkii 1994-kii. Hadalka Suldaan Maxamed ee uu Xaajigu taageeray, ayaa waxa uu u dhignaa sidan: Hadii ay taasoo oo kale timaadana oo la arko cid diidan shuruucda iyo dastuurka dalka u yaalla, anagu waanu sugaynaa uun , sidii anaga la isugu kaayo tagay ayaanu ka filaynaa beelaha Somaliland beeshii ka baxda shuruucda dalka u taala, in aan laga aamusine’e tii nala mariyay tu ka daran la soo mariyo, anaguna waanu eegaynaa uun, cidi halkaa noo marta , waxaan leeyahay axsaabta waar umadan marba ciduun baa xukumi doonta shacbigaa Somaliland cidii ay doortaan uun ayuu guntii iyo go'aanka kama dambaystii uu noqonayaa ,Waxa filayaa nabad ku waynay xabad ku heli mayno, ummadan meel ay ka qaxdo iyo meel ay u qaxdo midna uma taal . Cidii isku dayda inay ummadda qixiso waxaan ugu dhaaranaynaa in aanaan ka gacan la’aanayn.

Xildhibaan Cabdi Waraabe, oo shalay waraysi kooban siiyay qaar ka mid ah warbaahinta dalka, ayaa waxa kale oo uu ka hadlay iska hor-imaad dhawaan ka dhacay deegaanka Ceelbardaale, isaga oo labada dhinac ugu baaqay inay wada hadal ku dhameeyaan xiisada, isla-markaana gacan ka hadalka joojiyaan, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidatan:

Muran siyaasadeed ayaa dalka ka taagan, kaasi oo ka dhashay go’aankii golaha guurtidu gaadhay, markaa taa maxaad ka odhanaysaa?

Waxaan ka odhanayaa way wanaagsanaanaysaa, wayna dhammaatay, qoladaa xisbiyadana waxaan ku wacdiyayaa, yaan rag fudud la ina moodin oo cadowgu ina soo dhexgaline Koomiishankiina wuu saxeexay, Madaxwaynuhuna wuu saxeexay, guurtidiina way saxeexday, loo noqon maayo korodhsiimo dambe, markaa qoladaa waxaan leeyahay ogolaada sidaa, xukuumadana waxaan leeyahay ku deg-dega shaqadiina, korodhsiimo dambe ma jirto, oo loo noqon maayo, sida ay aniga caqligayga ila tahay, cida shaqada leh haku deg degto ee koomiishanka ah, ee Xukuumada ahi, nidaamkii doorashada loo galayay yey dhabaqaynine oo aanay mar dambe soo Celina haleeli waynay ee haku deg degeen oo ha dhammeeyeen oo qumaati ha u dhiseen.

Qolada xisbiyada Mucaaradkana waxaan leeyahay dhaqdhaqaaq hadduu yimaado xisbi jiri maayo, Masaajid jiri maayo, agoomahaa iyo dhabdhabkaa iyo xukuumadaa cadowga badan leh, cadow maanta ha inoo jabinina, raggii dawlada dhisaad tihiin,raggii soo halgamaad tihiin, raggii ku soo tabcaad tihiin, markaa waxaan idin leeyahay maanta tanaasula qolaba maalinbay tanaasushaaye, tanaasulkana maanta idinkaa leh ee aqbala (Muddo kordhinta)

Xaaji Maxaad ka odhanaysaa xiisada Deegaanka Ceelbardaale, ee u dhaxaysa labada beelood?

Labadaa beelood ee wada yaala ee Waaalaha ah, taas oo kale way ku soo raagtay adduunka, Burco ayaa sida ahayd, Awaare ayaa cimrigeed sidaa ahayd, lama kala tagayo oo aakhirka waala walaaloobaa, wuu fudud yahay wali xaalkiinu, joojiya oo ergada maqla, dadka wada yeela, dhulka lama kala laha, Barkad, Daar iyo Beer ninkii leh ayaa leh, xadkana waxa loo xadaynayaa si ay magaalaba cashuurta badh uga qaadato ayaa loo xadaynayaa, laakiin qolo dhulka gooni u leh ma jirto, oo ninka Salaxlay aqal ka dhisanaya ama Barkad ka qodanaya ee reer Boorama ama reer Gabiley ah durbaan baa loo tumayaa, Hargeysa waala wada yaalaa, meel kasta waala wada degayaa, lama kala laha xukuumada ayuunbaa dhulka guudka ka xukunta, inan iyo abtigii ayaad tihiin, awowbaynu isku wada nahay, walaalayaalow nacabka ha inoo jabinina, shaydaan yaanu idinka sayid calayn ee tanaasula oo daga oo isdajiya.

Waxa lagu yaqaanaa Colaada Barigu way boodaa oo way kacdaa, kolka ay kacaan, haddana ergada way maqlaan oo saacadaa ayay nabdaan, waad ogaydeen tii daroor ee 200 iyo siyaadadu wax ku noqdeen, waa laga heshiiyay oo wax hadal hayaa ma jiro oo hiimbaati malaha, laakiin galbeedku hiimbaati xun oo ninbaa bari la dilay ayaad ku baaba’daan oo aydaan hadhin, ergadana qumaati uma qaadataan, markaa ergada qaata oo guurtida maqla, culimada maqla, oo joojiya ceebtaa aydaan meel u kala kacayn, oo walaalayaalow qoriga dhiga.

Ugu dambayn waxaan jecelahay inaan ku waydiiyo sida aad u aragto hadal ka soo yeedhay Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, kaasi oo uu ku qodqoday dagaaladii sokeeye arimo la xidhiidha?

Hadal uurkiisa ku jiray ayuu yidhi Suldaanku, nin kale inuu yidhaahdo ayay ahayd, ee inuu isagu yidhaa may ahayn, kolkii uu booday Garxajisku waatii loo dhamaa, waatii la jilciyay, anigaa dagaalka xagan kaga jiray, oo qaroobaynta ku jiray, oo way ogyihiin Cabdiraxmaan Aw Cali iyo Muuse Biixi, umaan nixin oo waxaan lahaa halkaa kaga dhufta oo sidaa yeela. Runbuu sheegay oo waatii la na wada dilayay haddaanu reerkaa nahay reerka baxa waanu eeganaynaa buu yidhi, waa hadal munaasib ah oo uurkooda ku jira, laakiin afka Suldaanka inay ka soo baxdo dow may ahayn.”
 

 


Wargeyska Geeska Afrika