Xaaji Cabdi Waraabe Oo Soo Jeediyey In Dib Loog a Noqdo Baaqii Ka Soo Baxay Hogaanka Sare Ee Labada Gole



Hargeisa (Longlivesomaliland News)- Waxaa  baaq si wada jira u soo saaray ilaa 20 mudane oo ka tirsan golaha guurtida Somaliland, isla markaana uu hor kacaayo Md Xaaji C/kariin Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe)



ilaa iyo ku dhawaad 20 mudane oo ka tirsan golaha guurtida oo uu  hogaamin aayo Md Xaaji Cabdi Waraabe ayaa si wada jira u soo saaray bayaan ku lidi ah hadalkii dhawaan ka soo yeedhay gudoomiyaha golaha guurtida Md  Salee baan Max’ud Aadan ee ahaa in komishaku ka noqdo go’aamada ay ka soo  sa areen diwaangelinta iyo mustaafurinta wakiilka EnterPeace.



Xubnahani waxay si wada jira iskugu raaceen in ay taageersan yihiin  mawq ifkii ay qaateen komishanka doorashooyinka iyo madaxweyne Daahir Riyaale.



Waxaanay xubnahaasi ugu baaqeen hogaanka golaha guurtida in uu dib uga noqdo go’aankii uu ku gacan saydhay ee ahaa in doorashada lagu galo  diwa angelin la’aan iyo in dalka dib loogu soo celiyo sarkaalka haaya’ada  InterPea ce.



Dhanka kale arrinka laalida diwaangelinta iyo go’aanka dalka laga saaray Mr. Samora ayaa maalmihi ugu danbeeyey si weyn looga hadal hayaa guud ahaan dalka somaliland.



In kastoo ay labada aqal ee wakiilada iyo guurtiduna ku kala duwan yihiin labadaasi arin, balse wali ma jiraan go’aamo rasmi ah oo ay soo saareen labada gole.
 



Mustafe Future
mccfuture@longlivesomaliland.com
Longlivesomaliland News Desk
Hargeysa Somaliland