Xaaji Cabdi Waraabe Oo Sheegay In Dariiqa Ugu Dhaw Ee Ictiraaf Lagu Heli Karaa Ay Tahay Kulan Ay Yeeshaan Madaxweyneyaasha So ma li land Iyo Somalia, Kuna Baaqay In Diiwaangalinta Ururada Shuruud Looga Dhigo $50,000

 




“Sheekh Shariif Hadaanu Hortagin Oo Aanu Ku Odhan Waar Meel Ma Haysid Adiga Iyo Dadkaaguba Baaba’baad Tihiin, Dadkaagana Wax U Qabo, Anagana Na Aqoonso, Waa Waddadii Ictiraafka S/Land Loo Marayay”



Hargeysa, July 17, 2011 (TNN) – Xaaji Cabdi Kariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’d a wayn xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, ayaa sheegay in kulanwada hadal oo dhex mara Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha dawlada TFG-ee Somalia Sh eekh Shariif Axmed uu yahay dariiq ay Somaliland ku heli karto Ictiraaf, isla markaana Somalia ay dani ugu jirto Somaliland oo la Aqoonsado.


Xaaji Cabdi Cabdi Waraabe waxa kale oo uu sheegay in shuruudaha diiwaangalinta ururada siyaasada laga dhig o ugu yaraan lacag dhan $50, 000, waxaanu cadeeyey inay qalad ahayd habdhaqankii hooseeyey ee xukuuma du ku qaabishay madaxweynihii hore Daahir Rayaale Kaahin markii uu dhawaan dalka ku soo guryo noqday.
Xaaji Cabdi Kariim, waxa kale oo uu sheegay, in wasiirka Duulista hawadu Maxamed Xaashi Cabdi uu masuuliyada ficiladii ka dhacay Madaarka Cigaal ee Hargeysa uu lahaa.

Xaaji Cabdi Kariim Xuseen ayaa sidaasi ku sheegay mar uu shalay Haatuf ugu waramayay Hargeysa, kaas oo uu sidoo kale kaga hadlay, shirarka beelaha Somaliland ay gaar gaarka u qabsananayaan, hogaaminta Madaxweyn e Siilaanyo iyo duruufaha amaan daro ee ka taagan gobolka Sool.

Isaga oo ka hadlaya sida uu u arko wararka maalmahan ugu dambeeyay ay warbaahinta qarkood qorayeen ee ku saabsan kulan wada hadal oo midowga Yurub doonayo inuu isku soo hor fadhiisiyaan Madaxweyneyasha Som aliland iyo Somalia ayaa isagoo ka hadlaya Xaajigu arrinkaasi waxa uu yidhi “Arrintaasi sharaf bay leedahay wa a lala hadlayaa, nin gar loo diriray iyo nin bilaawe leh oo marsaday baa rag u liita baa la yidhi, Sheekh Shariif had aanu hortagin, oo caalamku iskugu yeedho, oo aanu ku odhan waar meel ma haysid adiga iyo dadkaaguna baab a’baad tihiin, dadkaagana wax u qabo anagana na aqoonso, waa waddadii ictiraafka Somaliland loo marayay we eyaan”

Xaaji Cabdikariim mar aanu waydiinay, sida uu u arko habdhaqankii la sheegay inuu meeqaamka aad u hooseey ay ay xukuumadu ku qaabishay madaxweynihii hore Daahir Rayaale dhawaan markii uu ka soo dagay madaarka Hargeysa, oo wqasiirka duulista hawada lagu eedeeyay inuu ka horjoogsaday dadkii soo dhawaynayay, waxa u yidhi ‘Qalad baa dhacay, qaladkiina waa la saxay, wasiirkuna waa bani’aadam, oo wax buu qoonsaday waana lala hadlay, hadalo aan daw ahayn oo qalad ahaana way ka dhaceen, isaguna wuu ka garaabay” Xaaji Cabdi kar iim (Cabdi Waraabe) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray “Waar madaxweynuhu wax walba xaal ka bixin maayee inankii yaraa ee Airport-ka joogay ee wasiirka ahaa raali galin buu ka bixiyay inuu arrinkaasi qalda naa gar lama qadine wixii qaldamaba cid uun baa leh”

Mar aanu waydiinay, aragtidiisa ku wajahan shirarka beeluhu qabsanayaan ee dalka ka socda, waxa uu yidhi “Wixii wanaag ku shira ee wanaag iskugu yimaada ee yidhaahda xukuumada iyo calankeena aynu isbarbar taag no waa daw, waxna waanu qabsanaynaa, xukuumadu ha eegto, waa wanaag, laakiin shirkii kale ee qabyaalada wada halayska ilaaliyo , shir beeleedyadu fidmay dabada ku wadaane”

Xaaji Cabdi kariim oo la waydiiyay, maadaama shirkii beeshooda Ciidagale ku yeelatay dhawaan Hargeysa uu ka qaybgalay, beesha bariga ee uu madaxweynuhu ka soo jeedaana Gar-adag hore ugu shirtay asabaabaha keent ay inuu yidhaahdo shirarka beeluhu fidmay dabada ku wataan iyo qabyaalad, waxa uu yidhi “Shirkaa beeshu yeelatay waan ka qaybgalay, mucaaridna Ciidagale may noqonin, moqona maayaan, mana ogolin, xukunkana xukuumada leh, beeshii wanaag ku shiraysa ee arrimaha dhaqankooda iyo tabasho tirsanaysaana waa macne, reer Hargeysa ha iska soo sharaxaan, Burcana burco ha iska soo sharaxdo, reer Booarmena Boorame hayska soo sharaxdo Ceeb maaha”

Mar aanu su’aalnay sida uu arko shuruuda lacageed ee madaxweynuhu ku xidhay ururada siyaasada ee lagu diiwaangalinayo $25,000, waxa uu yidhi “Anigu waan ka badani lahaa-ba oo waxaan ka dhigi lahaa ururka siyaasadeed ee is diiwaangalinaya ugu yaraan $50,000 intay ugu yar tahay ayaan ka dhigi lahaa in laga qaado, ninka isa soo sharaxayna wax baa loo goyn doonaa, anigu kaliday qiimo u goyn maayee”
Xaaji Cabdi, oo aanu waydiinay sidauu u arko xantiisa siyaasadeed ee lagu sheego in madaxweynihii yimaadaba qalad iyo saxba uu ku taageero, waxa uu yidhi “Aniga qaladka kala hadla, oo madaxweynayaasha runta u sheega oo wixii qaldan ka baydh idhaahda, laakiinse madaxda suuqa kama caayo”

Xaaji Cabdi kariim, oo aanu su’aalnay dhaliilaha shacabku u jeediyo xukuumadda madaxweyne Siilaanyo iyo arag tidiisa ku wajahan duruufaha amaan daro ee ka taagan Laascaanood iyo Sool, waxa uu yidhi “Madaxweynuhu si wanaagsan buu dalka u wadaa, waa qabar sanaac, si xuna uma wade dadkaan samir lahayn, wixii qalooca ee jira waa in qumaati loo sheegto, Laascaanoodna xukuumadu talaabo wanaagsan bay ka qaaday, oo waif bay u dirtay muddo dheer fadhiyay, googol nabadeedna waa loo dhigay madaxdhaqameedyadii iyo waxgaradkii gobo lka Sool”.


Xigasho: Wargayska Haatuf