Xaaji Cabdi Waraabe Oo Ka Hadlay Weerarada Hubaysan Ee Dalka Ku Soo Kordhay Iyo Siyaasiyiinta La Baxay Madasha Wadatashiga

 



“Xabadaa dhexdeena laysku ridayaa xumay dabada ku wadataa, Xaashi Muusena nin xumo u dha shay maaha, laakiin waxa lagu xidhay waa wax adag ee hala hubsado, nina Dawladnimadu way ku soo socotaa nina way ka sii socotaa”

Hargeysa (TNN): – Gudoomiyaha guddiga joogtada golaha guurtida Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi Waraabe) ayaa sheegay in falalka laysku adeegsanayo rasaasta ee dalka ku soo kordhay ay yihiin falal fool xun oo cawaaqib xun ku keeni kara xasiloonida iyo nabadgalyada dalka, waxaanu tilmaamay in siyaasiyiinta madasha wadatashiga iyo toosinta qaranku ay yihiin ragii halganka dheer usoo galay xoraynta dalka.

Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu intaa ku daray, in khilaafka ka dhex taagan shirgudoonka golaha wakiiladu haddii ay xalin waayaan oo loo baahdo gole ahaan ka hawlgali doonaan.

Xaaji Cabdikariin Xuseen oo shalay waraysi dhinacyo badan taabanaya siiyay wargeyska Haatuf, ayaa sidoo kale ka hadlay madaxweynihii ay sida wayn iskugu dhawaayeen madaxweynayaashii soo maray Somaliland.

Ugu horayn Xaaji Cabdi Waraabe oo aanu waydiinay madaxweynihii ay isku dhawaayeen madaxweynayaashii soo maray dalka, waxa uu yidhi “Horta shakhsigayga dadka mid aan u diido mooyee anigu midna maan diidin, laakiin waxaa iigu dhawaa marxuum madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal ayaa iigu dhawaa, oo aanu aabihii saaxiib ahayn, balse anigu midna maan diidin”.

Xaaji Cabdikariim mar aanu waydiinay sida uu u arko siyaasiyiinta madasha wadatashiga iyo toosinta qaranka, waxa uu yidhi “Ma filaayo ragaasi inay xumaan wadaan waa ragii dawlada ku soo tabcay weeyi, rag magac leh weeyi, ragii soo dagaalamay weeyi waa nimankay dawladnimadu ku socoto weeyi, dawladnimadana nina wuu ku soo socdaa nina wuu ka sii socdaa, rag ku soo socda weeyi.

Waxaan leeyahay ninkii idinka aqoon gaaban afka hawgu ridina cilaaqda, toosin baa loo baahan yahay, ragii ergayn lahaa baa tihiine ragii loo ergayn lahaa ma tihidin”

Falalka amaan darada ah ee laysku weerarayo waxa uu yidhi “Waxaynaan aqoon baa ina soo galay, xabadaa gudaheena laysku fiiqayaa xumay wadataa, xabadaa laysku ridayo waa inuu Bilaysku ka feejignaado weeyi, shacbiguna ha feejignaado, nin odaya ayaa hada xidhan oo Xaashi Muuse la yidhaahdo, Xaashi Muuse nin xumo u dhashayna maaha, nin odaya ayuu ahaa dee waxaa lagu xidhay waa wax adag uun, haloo hubsado”
 

Source:Haatuf