X. Cabdi-waraabe iyo Muuse Biixi oo Madal Furan isku Weydaarsaday Hadallo Kulul

 

   

Guddoomiyaha Guddiga Joogtada ah ee Golaha Guurtida Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-araabe) iyo Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad ee xisbiga mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa madal furan isku weydaarsaday hadallo kulul weerar iyo weerar celis ah oo la xidhiidha doorashooyinka soo socda.

Masuuliyiintan oo ka hadlayey xaflad ballaadhan oo loo sameeyey in ka badan 360 arday oo qallin-jabiyey dugsiga gaarka loo leeyahay ee SALAAMA oo bartay luqado kala duwan, xisaab iyo xirfadda kombuyuutarka oo lagu qabtay shalay Huteelka Maansoor ee magaalada Hargeysa, ayaa isku weydaarsaday hadallo kulul oo xambaarsan duurxul siyaasadeed.

Waxa kale oo xafladdaas ka qaybgalay Guddoomie-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Maxamed Samaale, Xoghayaha Arrimha Dibbeda KULMIYE Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, xubno Wasiiro ah, Salaadiin, culimaa’udiin iyo marti sharaf kale.

Xafladdan oo ahayd mid la isku arkay, ayaa waxa weedho weerar iyo weerar celis ah isku waydaarsaday Xaaji Cabdi Waraabe iyo Muuse Biixi, kuwaas oo nuxurka hadaladoodu ku qotomeen doorashooyinka soo socda.

Ugu horreyn Xaaji Cabdi Waraabe, ayaa hadal dheer oo uu munaasibadda ka jeediyey, waxa uu dardaaran adag u diray xisbiyada mucaaradka ah iyo dadweynahaba, kaas oo uu kaga dalbaday inay ilaaliyaan nabadgelyada, isla markaana ay galaan tartan nadiif ah oo aan lahayn sida uu hadalka u dhigay cay, isaga oo dhinaca kalena dadweynaha u soo jeediyey in aanay dooran nin caytamaya.

“Xisbiyada waxa loo sameeyey inay qabyaalada baabi’iyaan, ninba ka uu doono ha galo laakiin waxa u ballan ah nabadgelyo, haddii kale xisbi jiri mayo, masaajid jiri mayo, tacliini jiri mayso. Waxaan idinku dardaarayaa nabadgelyada ilaashada. Xisbiyadu doorashada inugu soo dhow yey qiiq kicin, kursiga ha loo tartamo, sharaf ha lagu tartamo yaan cay lagu tartamin, yaan qabyaalad lagu tartamin, qof kastaa kuu doono ha galo, qokastow kaad gashaba nabadgelyada ka shaqee, cadowga inagu soo duulayana iska ilaaliya, sharafkaa ayaa lagu soo duulayaa,” ayuu yidhi Xaaji Cabdiwaraabe, waxaannu intaa raaciyey, “Waxaan ku soo gebogebaynayaa, madaxda xisbiyada ee fadhida waxaan leeyahay madaxnimona waad doonaysaan, inta Muuse Biixi Kow ka yahay afkooda ceeb haka ilaaliyaan, qabyaalad ha ka ilaaliyaan. Ninka qabyaalad ku hadla ha dooranina, ninka caytamaa madax ma noqon karo, madaxnimadu waxa ay ku wanaagsantahay in lagula jeclaado, inaad iska jeclaato uun maaha.”

Haseyeeshee Guddoomiye-ku-xigeenka Kowaad ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo uu Xaajigu ku halqabsaday, ayaa isaguna dhankiisa difaacay xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE, isaga oo sheegay in ay iyagu horeba ugu dhaqmi jireen dardaarkana uu Xaaji Cabdi u sheegay, balse loo baahan yahay in dardaarankaa loo sheegay cid kale.

Isaga oo arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Xaajigu wuu na dardaaray, malaha haddii cid la dardaarayey xisbiyadu way kala tilaamanyihiine annaga lanama dardaarayn, horena waan u fulinay dardaarankaa haddii aanu nahay KULNIYE. Shan sanno ka hor markii codku dhacay 80 cod ayaa lagu kala badiyey waxa Xaajiga Sheekh Dirir iyo Suldaanada annagu yidhaahdeen annaga ayaa idin xukunay ee sidaas qaata KULMIYOW nabadgelyada sidaas ku, waanu aqbalay. Maanta dalka Afrika xorriyada ugu horqaatay oo Chana ah oo ah ka ugu horumarsan Afrika saaka (shalay) dib baa loo dhigay doorashadii, Kenyana waad ka warqabteen.”

“Markaa annagu waxaan qabnaa horaan dardaarankaa u qaadanay. Tii ka horasyna waanu qadanay oo waxaanu ahayn jabhadii ugu horeysa ee dal xoraysa ee si nabadgelyo ah ku wareejisa. Mar labaad ayey qaylo kacday oo waxay ahayd markii shantii sanno dhamaatay ee 15-kii may iskuulada la xidhi gaadhay ee dhallinyaradu walaacday ee islaamuhu walaaceen, gartayada banaanka ayaan ku sii akhrisanay oo waxaannu nidhi nabadgelyadu sideeda ha ahaato ardaydu sideeda ha u dhigato. Innaga ayaa dhibaatada iyo iska dulqaadashada naqaanee ‘waar sannadkaa loo kordhiyey hayska dhamaato ayaanu nidhi’ sow annagu ismaanu sii xukumin? taasna nabadgelyada ayaan ku eexaysanay.”

Md. Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xaaji Cabdi Waraabe iyo culimada u soo jeediyey in haddii iyaga doorashada soo socota lagaga guulaysto ay talada qaadanayaan ee ay u diyaargaroobaan inay xisbiyada kale oo aannu carrabaabin ay ka dhaadhiciyaan in laga helay.

“Tii kale (doorashada) way soo dhowdahay oo saddex billood ayaa ka hadhaye annagu haddii nalagaga badiyo xukunka sidii ayaanu u qaadanaynaa, laakiin waxaan weydiinayaa Xaajiga (Cabdi waraabe), Guurtida, Salaadiinta iyo Sheekh Dirir cidda kale ee la yidhaahdo waa laydinka badiyey ma qaban karaysaan berrito? Waana inoo balane qabta.

Ta kale qodabka ah yaan la caytimin waa inoo guddoon, nin aqoonyahan ahna cay waa ka xaaraan, laakiin laba mid hala kala saaro hebelow shalay lacag baad xaday oo tuug baad tahay oo waa lagugu hayaa, hawshaadii kamaad soo bixin, hebelow labaatan jeer baad makarafoon soo qaadatay oo aad been ii sheegtay, hadda cay maaha ee dhalliishiibaa la sheegayaa xaqna waa loo leeyahay, dee haddii kale hore u socon mayno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi.


 





Jamhuuriya Online