Xaafado ka mid ah Magaaladda jabuuti oo Rabshaddo dhaxtuur ka dhex Aloosanyahay iyo Booliska oo la tacaalaya Daminta Rabshadahaasi.

 



Jabuuti (TNN)-Jawiga Magaaladda jabuuti ayaa maalmihii ugu danbeeyay laga dareemayaa qalalaase u dhexeeya xaafado ka mid ah magaaladda jabuuti oo uu ka bilaabmay dhagax tuur iyo shiid u dhexe eya dhalinyaradda xaafadaha kaarteeyadda.

kuwaasi oo ku dagaalamaya xaafado iska soo horjeeda gaar ahaana dhalinyaradda oo isu adeegadda dhagaxaan iyo budhadh halka qaar kale ay soo qaataan faashash iyo toorriyo, waxyeelana la soo  g aa dhsiiyay qaarna midiyo la galiyay.

Subaxdii marka aad toosto ayaa waxaad ku waabariisanaysaa waxaa jira shiid saaka oo kaartee  heb el iyo kaartee hebel ayaa is laynayee ha bixin

Booliska Dalka jabuuti ayaa kala dareeriya maalin walba Xaafado dhagax tuur isku adeegsanaya, iya da la raafo isla markaana la xidho dhamaan dhalinyarada ku dhaw goobaha uu dagaalku ka dhacayo.

Booliska ayaa Waxyeelo soo gaadhsiiyay dadka ku dhaqan goobaha shiidku ka dhacayo gaar ahaan meheradaha qaarkood ay albaadada u laabaan sida hoteeladda gaar ahaana kuwa ku yaala istaanka baabuurta Hargeisa ama Avenea-ga, kuwaasi oo boolisku qaarkood ka jajabiyo alaabadda iyaga oo aan waxba galabsan.

Kuma koobna Dhagaxtuurku laba xaafadood oo kaliya balse waxa uu maalinba dhex maraa laba ama seddex xaafadood kuwaasi oo isku shiidaya xaafad xaafad balse aan la garanayn u jeedada dhabta ah ee ka danbaysa dagaalkan subax walba lagu waa bariisto.

Ardayda Dugsiyadda iyo Jaamacadda Dalka jabuuti ayaa iyaguna maalmo dhawayd bilaabay dhagax tuur iyo shiid ay kula kacaan baabuurta iyo goobaha ganacsiga ee suuqa kuwaasi oo albaabada u laaba meelo badan.

Dhagax tuurka ardayda ayaa salka ku haya imtixaankii jaamacadda oo ay waayeen arday badan oo gaadhaysa 198 arday, iyada oo la sheegay inay soo baaseen imtixaankaasi laba arday oo kaliya taasina ay ka dhaadhici wayday ardaydaasi oo ay gaashaanka ku dhufteen najiiyadii ka soo baxday.

Dhinaca kale dadka reer jabuuti ayaa sheegaya in siyaasad kale ka danbayso rabshadahan soo  noq noqaya todobaadyadii ugu danbeeyay kuwaasi oo sheegaya in laga soo horjeedo Taliyaha ciidanka booliska C/laahi Cabdi, oo la doonayo in laga badalo, halka dadka qaarna u tirinayaa mucaaridka  jabu uti inuu soo Abaabulayo rabshadahan.

Ciidanka booliska ayaa la tacaalaya qabqabashada dhalinyaradda rabshadda ka wada gudaha  maga aladda jabuuti iyaga xabsiyadu buuxaan isla markaana qaar ka mid ah dhalinyaradda loo raafo  maga aladda lawya caddo si ciqaab ay u dareemaan.

Jawiga magaaladda ayaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqa rabshadaha dhalinyaradda xaafadaha jabuuti ka dhex aloosan iyaga ay soo dhawdahay doorashadii madaxtinimadda dalkaasi jabuuti oo la odhon karo hadii ay sii xoogaystaan rabshadahaasi hakad ayay galin karaan.

Dumarka iyo dadka reer jabuuti ayaa badanaa taageersan Madaxwayne ismaaciil Cumar geele oo  la gu amaano inuu wax badan ka qabtay horumarka bulshadda iyo dhismaha dalkiisa iyada oo ay  yar yihiin dadka ku mucaaridka ah iyo xisbiyo mucaarid ah oo ka soo hor jeedaaba.

Dumarka Reer jabuuti ayaa iyagu si aad ah utaageersan madaxwayne Geele kuwaasi ku taageeray Xeerka Qoyska ee Dalkaasi loo sameeyay oo gacan siinaya Dumarka iyo Baananka Daynta oo  dum arka danyarta ah u gaar ah kana qaataan lacago ay Ganacsi ku samaystaan oo bishiiba woxogaa yar ay soo celiyaan illaa iyo inta ay ka dhamaanayso.

Dhagaxtuurka iyo shiidka dhalinyaradda jabuuti ayaa ah mid ku cusub mandaqada kaasi oo ah nooc dagaal oo ay hogaaminayaan dhalinyarro adeegsanaysa dhagaxaan dumarkuna ay daba sidaan  biya ha iyo jaadka iyada oo lagu duulayo xaafad kale oo ka tirsan uun isla magaaladda jabuuti.

Dhinaca kale Waalidiinta dhalay Dhalinyaradda shiidka ka wada Xaafadaha ayaan awood badan  saa rin inay ka joojiyaan qaska ay wadaan ubadkoodu iyaga oo la odhon karo qayb ayay ka yihiin sida ay wax u socdaan maalmahan danbe.

Rabshadaha ayaa shalay soo gaadhay illaa masaajidka Baxsane ee Xaafada seddexaad kaasi oo  rab shadi ka bilaabantahay iyadda oo salaadii lagu jirro, dad badan oo cibaadaysanayayna ka yaaceen halkaasi ka dib markii dhagaxaan iyo budhadh lala soo galay masaajidkaasi.

Ciidanka ayaa garaacid iyo xabsi isugu dara dhalinyaradda ay u qabtaan rabshadaasi balse taasi wali xal u ma noqon inay damiso rabshadahaasi oo maalinba xaafad ka bilaabmaya.

 

 


Mustafe Abdikariin Ali (Mustafe Future)
mccfuture@hotmail.com
Timacade News Reporter
Jabuuti,Jamhuuriydda Jabuuti