Wuxuu Rag u Kaco Rabina Aqbalo Wuu Rumoobaa

 

Shucuubta Isbadal Doonka ah Iyo Taageerayaasha Mucaaradku Way Guulaysanayaan Doorashadan

Marka hore waxaan salaan qaali ah u dirayaa dhamaan shacbi waynaha Somaliland iyo dadka taageera qadiyada madaxbanaanida jamhuuriyada Somaliland intaa ka dib waxaan jecelahay inaan inta karaankayga ha ka hadlo xaalada hada taagan oo ah mid u baahan in laga tashado aayaha iyo masiirka umadan sida ay ina farayso diinteena sharafta iyo cisiga badani oo leh “wa amruhun shuuraa baynahum” oo ah in dadku hadba ka tashadaan waxa isbadal ah ee ku yimaada ha ahaado mid wanaagsan oo ah kaan ilaahay baryayno ama mid xun oo ah kaan ilaahay ka magan galayno .
Hadaba akhristaha sharafta lahow ila eeg waxyaabahan isku jaan go’an ee ay xukuumadu ku talaabsanayso si ay mar kale fursad mudo kordhin ah u hesho .


Xil Gabid :xukuumada uu madaxwaynaha ka yahay Daahir Rayaale waxay si badheedh ah isu hortaagtay talaabo kasta oo ay ku suuroobayso qabsoomida doorashada madaxtooyada ee fooda inagu soo haysa iyadoo ka shidaal qaadanaysa is dul dhiga mucaaridka iyo kala firdhinta golaha guurtida oo ah ka qudhaata ee sharciyada u haysta suuragalinta mudo kordhin loo sameeya xukuumadan xilkeedii gabtay iyadoo ololihii lagu doonayay in xilka lagaga qaado Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Nuur uu fashilmay si ay mar danbe u sii wadato xilkeeda oo ah mid ay runtii si gar iyo gardaroba ah u gabtay .


Fari Galin: xukuumada hada talada haysaa waxay si toos u faro galisay hawlahii komishanka doorashooyinka iyadoo dabada ka riixaysa xubnaha ku jira komishanka oo badidoodu yihiin kuwo laga keenay xaga sare macnaha madaxtooyada oo u jajaban awaamirta madaxwaynaha isla markaana kolba soo ban dhigaya qorshayaal dib u dhigid ah oon suuro galayn wakhti xaadirkan iskana indha tiraya hawsha baaxada leh ee ay u hayaan umada iyo iyagoo qiil u raadinaya hawlgabnimadooda baaxada leh oo ay gaadhay xaataa in deeq bixiyayaashii inaga caawinayay kharashka doorashadu ay sheegeen inaanay komishanka ka hayn xisaab xidh ku sahabsan sida loo isticmaalay kharashkii ay bixiyeen beesha caalamku oo ahaa 75% iyo waliba kii ay sheegtay inay dawladu ku darayso oo ah inta hadhay 25% sobobtoo ah komishanka oo ah qolo xaga sare laga keenay oo madaxtooyada amarkeeda u jajaban waxay aqbaleen in kharashka yar ee ka soo hadha afka iyo marxabaynta madaxwaynaha iyo dabadhoonadiisa ay hawsha ku carsha carsheeyaan dabadeedna ay faraha kala baxaan wixii khalad ah ee yimaadana oo ah mid ugu talo gal ah maadaamoo lacagtii sida habsamida ah loogu gudan lahaa hawsha la dajiyay in ay xukuumadu dhibaatooyinkaa ka yimaada kharash la’aanta iyo aqoon la’aanta komishanka ay dib ugu dhigto doorashada .


Ku Tumasho Sharci : xukuumada talada haysaa halkii ay ka ilaalin lahayd distoorka ay shacbiga Somaliland sida aqlabiyada leh ku waafaqeen ayay waxay bilowday sidii caadada u ahayd inay hadan markale dhabarka ka jabiso distoorka iyadoo si baalmarsan sharciga ay meesha ka saartay ashkhaastii isbadal doonka ahayd ee kula tartami lahayd xisbgooda gudihiisa isla markaana jujuub iyo cabudhin ku ansaxsatay inay markale iyagu (madaxwaynaha iyo ku xigeenku ) yihiin murashaxiinta u taagan doorashada xiligan .

Fowda Kicin : xukuumada talada haysaa oo in badan ku eedaysa xisbiyada mucaaradka gaar ahaana xisbiga kulmiye inuu yahay mid fawda abuura ayaa waxay bilowday isu dirka beelaha ood wadaagta ah ee gobolada Gabiley iyo Awdal taas oo ay uga talaabsanayso qodobka dastuuriga ah ee odhanaya”xukuumada marka wakhtigeedu dhamaado waxa xilka loogu kordhin karaa hadii ay jirto xaalad nabad galiyo daro “ si ay taasi meesha u timaadana waa inay waa inay furaan furin colaadeed ay ku mudo kordhistaan laakiin nasiib daro waxay noqotay mid fashilanta kadib markii shacabka Somaliland iy ka deegaanka oo ku soo caano maalay isu tanaasul iyo inaan ergo nabadeeda laga soo horjeesan ay aqbaleen waan waan xabad joojineed oo lagu bakhtiiyo colaada laga dhex abuuray dadka labada gobol oo ah dad gacal iyo xidid ah (ul iyo diirkeed) oon sina u kala maarmayn haday wax kastaa dhex maraana aan kala guuraynin
Garnaqsi Been ah : xukuumada xiligan talka ka talisaa waxay caadaysatay inay markasta oo ay dalka ka abuurto xaalad cakiran ay intay safar iskaga baxdo dadka ka leexiso kolba xaalada jirta islamarkaana ay shacabka ugu sheekayso inay u baxday hawlo aqoon raadis ah oo dalka ictiraaf loogu soo raadinayo

Akhriste intaaasi waa hordhaca maqaalkayga laakiin waa kan dulucdayda oo kooban islamarkaana aan ku tilmaami doono waxa rag isku raacay iyo siduu rabi u aqbalay(insha allah) iyo siday u rumoobayaanba(insha allah ) dadku waxay doonayaan isbadal muuqda oo ka dhaca dalka oo uu hormood ka yahiin xisbiyada mucaaradku si loo badbaadiyo nolosha dadkan jarka ka sii laalaada taasina waxay si toos ah uga muuqataa taageerada baaxada leh ee ay shacbigu u hayaan gaar ahaana xisbiga kulmiye oo dadku iyagoon qabiil ahayn aan gobol ahayn ay si mug leh u taageereen waxaana tusaale kuugu filan sida reer Awdal oo ay xukuumadu aad isugu halaynaysay ay si toos ah u sheegeen inaanay ahayn wakhtigii qabiilaysiga iyo gobolaysiga ee ay tahay wakhtigii isbadalka iyo dimuqraadiyada haduu inankoodii noqday waalid inkaar iyo qaran inkaar ay taageeraan mid kale oo lagu badalo .


beesha caalamka oo ay inbadan xukuumadu sheegi jirtay inay ka dhaadhicisay qadiyadeenu waa kuwaa sheegay inay wali u haystaan inay Adni tahay wasiirka khaarajiga bilaahi calayk meeday lacagtii inbadan lagu kharash garaynayay qadiyada aqoon raadisku mase kula tahay inay meesha ka cadaatay inay u tagayeen dalxiis iyo tamashlayn taasina waxay keentay inay aduunyadu runta u sheegto wadaadka looguna yeedho London si runta hortiisa loogu sheego oo uu meesha u baneeyo  · inta ay sidani sii socoto wanaag inaga dheer

1. masuul shaqaysanaya oon dalka u shaqaynayn isla marka jagada loo magacaabana ku fikiray inuu is lahelo sadexda cad cad (Gabadh Cad Gaadhi Cad Iyo Guri Cad oo fiilo ah ) laakiin aan eegayn masuuliyada xafiiskiisu u hayo shacbiga

2. inta ay safarada dalxiiska iyo tamashlaynta loogu tagayo dibadahu ay sii socdaan isla markaana ay marwalba marwada madaxwaynuhu daba socoto wadaadku waa talo farahay ka baxday waxa akhriste is waydiin leh xilka ay marwadu u hayso qaranka ee ay safar walba u daba socoto wadaadka waa wax gadaal laga ogaan doono laakiin sida ay dad badani ku doodi karaan oo ah in ay wanaagsantahay in xaaskiisu la socoto si aan wax kale iyo tuhun kale u iman hadana kharshka ay marwalba oo ay safar baxdo ku soo adeegato isku soo qurxiso waxay inaga kaafiyi lahayd adeegyo badan oo dadku u baahan yahay kol dawo loogu gado bukaanka ay madaxdoodii ku dul dharagtay iyaguna noqday sariir yaal iyo qaar aan nafiba ka sarayn

3. inta dadka isbadal doonka ah loo caga juglaynayo islamarkaana lagu hadidayo si sharciga baalmarsana xaqiisa loogu tumanayo waa ay sii socon doontaa arintani

4. inta golayaasha sharci dajinta ay ka gaabinayaan hawlahooda ku sahabsan badbadinta qaranka daba galka xukuumada ee masuuliyada ay dalka iyo dadka u hayso iyo inta ay cadaalada iyo garsoorku ku jiro gacanta dawlada oon ogolayn in dadka isbadal doonka ahi ay maxkamada u gudbiyaan dhaliilaha dawlada iyo inta xafiisyada dadka isbadal doonka ah iyo mucaaradka ay boolisku gidaarada uga soo daadanayaan waa mid soconaysa waligeed

5. inta aynu inaguna dadwayne ahaan aynu xaq darada taagerayno oo aynu xaqana ka codaynayno waa mid ina haysanaysa tani

· Gunaanadka mawduucaygu akhriste waa si aynu isbadal u helno waa inaynu si aan qabyaalad lahayn aan qorshe kalana ku jirin aan qarankeena u badbaadsanaa taageeradeemaana ula barbar istaagnaa xisbiyada mucaaradka ah oo aanan anigu ku odhanaynin kaa iyo kaa laakiin waxa muhiimka ahi waa inuu isbadal dhaco

· Waxaan markale idiinbalan qaadayaa inaan idiin soo gudbin doono shaxda beenta iyo musuqu ka muuqdo ee ay komishanku iska soo daba ridayaan oo shaki galisay tirada dadka is diiwaangaliyay iyo inta iska diiwaangalisay gobolkasta


 

 

 

 Mustaphe (shiine)
Cigaal36@hotmail.com